PHPWord

 

 

 

مَا لَا يَسَعُ المُسْلِمَ جَهْلُهُ

 

Arrimo aysan haboonayn in Muslimku kaJaahil ka ahaado

 

 

 

اللَّجْنَةُ العِلْمِيَّةُ

بِرِئَاسَةِ الشُّؤُونِ الدِّينِيَّةِ بِالمَسْجِدِ الحَرَامِ وَالمَسْجِدِ النَّبَوِيِّ

 

Gudiga Cilmiga ee Hogaanka Arrimaha Diiniga ah ee Masjidka Xaramka iyo Masjidka Nabiga

 


بِسْمِ اللهِ الرَّحمَنِ الرَّحِيمِ

 

Arrimo aysan haboonayn in Muslimku kaJaahil ka ahaado

 

HORDHAC

Mahad oo dhan Allaha Rabbul caalamiinka ah ayaa iska leh, nabad gelyo iyo naxariis Allaha siiyo Nabiga la soo diray isagoo naxariis u ah caalamka, Ehelkiisii, Asaxaabtiisii, iyo intii ku raacday Sunadiisa kuna hanuuntay hanuunkiisii ilaa Maalinta Qiyaame, intaa ka dib:

Tani waa Risaalo kooban, ee koobtay waxyaabaha ugu muhiimsan ee uu ugu baahan yahay Muslimku Caqiidadiisa, cibaadadiisa, iyo mucaamaladiisa, Waxaanu u soo uruurinay dadka soo booqanaya Labada Xaram ee sharafta leh, Rag iyo Dumarba, si ay aqoon iyo aragti dheer ugu yeeshaan arrimaha Diintooda, annagoo ka rajeynayna Allaha Kariimka ah ee Manaanka ah inuu dadka ku anfaco, uuna ka dhigo mid suuban, oo khaalis u ah Wajiga Ilaahay, isagoo ah Masuulka ugu khayr badan ahna kan ugu kariimsan ee wax laga rajeeyo.

 

Gudiga Cilmiga ee Hogaanka Arrimaha Diiniga ah ee Masjidka Xaramka iyo Masjidka Nabiga

 

 

***

 


Waxaan ku bilaabayaa Magaca Allaha Naxariista guud iyo tan gaarka ahba leh.

Cutubka Koowaad:

Wixii la xiriira Caqiidada

Mawduuca Koowaad: Macnaha Islaamka iyo tiirarkiisa:

Islaamku: waa in Ilaahay Towxiidka la isugu dhiibo, oo daacad loogu hogaansamo, oo beri laga noqdo shirkiga iyo Ehelkiisa.

Tiirarka Islaamkuna waa shan:

Kan koowaad: waa qiritaan inuusan jirin Ilaah xaq lagu caabudo Ilaaha xaqa ah mooyee, iyo in Maxamed yahay Rasuulkii Ilaahay.

Kan 2aad: waa Salaadda oo la oogo.

Kan Saddexaad: waa bixinta Sakada.

Kan afaraad: waa Soonka Bisha Ramadaanka.

Kan shanaad: Waa in lagu soo Xajiyo Guriga Ilaahay ee Xaramka, qofkii awood u leh.

Ahamiyadda Towxiidku leeyahay:

Ogow in Ilaahay Casa Wajalla uu abuuray khalqiga si ay isaga u caabudaan oo aanay Cidna ugu shariig yeelin. Ilaahay -sarreeye- wuxuu yiri:

﴿وَمَا خَلَقۡتُ ٱلۡجِنَّ وَٱلۡإِنسَ إِلَّا لِيَعۡبُدُونِ 56﴾

Uma aan abuurin Jinka iyo Insiga waxaan ahayn inay i caabudaan. (Suuradda Adaariyaat: 56). Cibaadadaan laguma ogaan karo waxaan Cilmi ahayn. Sida Ilaahay u yiri:

﴿فَٱعۡلَمۡ أَنَّهُۥ لَآ إِلَٰهَ إِلَّا ٱللَّهُ وَٱسۡتَغۡفِرۡ لِذَنۢبِكَ وَلِلۡمُؤۡمِنِينَ وَٱلۡمُؤۡمِنَٰتِۗ وَٱللَّهُ يَعۡلَمُ مُتَقَلَّبَكُمۡ وَمَثۡوَىٰكُمۡ 19﴾

Ee ogow inuusan jirin Ilaah Xaq lagu caabudo ee aan Ilaahay ahayn, Ilaahay danbi dhaaf weydiiso adiga Raga Muminiinta ah iyo Dumarka muminaatka ah Ilaahay waa og yahay socodkiina iyo nagaadigiina: 19. {Suuradda Maxamed: 19} Ilaahay wuxuu ku bilaabay Cilmiga oo ka hormariyey Hadalka iyo Camalka. Muslimka waxa laga rabo inuu barto waxaa ugu muhiimsan Tawxiidka Ilaahay Casa Wajala, waayo isagaa asalka Diinta iyo Aasaaskeeda ah, Diintuna waxaan Tawxiid ahayn kuma istaagto, waana waajibka koowaad ee Muslimka saaran, iyo waajibka ugu dambeeya. Towxiidku waa tiirka koowaad ee tiirarka Islaamka, ee waajibka ku ah Muslim kasta inuu ogaado kuna camal falo, waana shan tiir. Sida ku timid xadiiska Cabdullaahi Binu Cumar Allaha ka raalli ahaado isaga iyo Aabihiiye wuxuu yiri: waxaan ka maqlay Rasuulka Ilaahay Naxariis iyo nabadgelyo Allaha siiyee isagoo dhahaya:

«بُنِيَ الإسْلَامُ عَلَى خَمْسٍ: شَهَادَةِ أنْ لَا إلَهَ إلَّا اللَّهُ وأنَّ مُحَمَّدًا رَسُولُ اللَّهِ، وَإقَامِ الصَّلَاةِ، وَإيتَاءِ الزَّكَاةِ، وَحَجِّ البَيْتِ، وصَوْمِ رَمَضَانَ».

«Waxaa lagu dhisay Islaamka Shan Tiir: Qiritaanka inuusan jirin Ilaah xaq lagu caabudo Allaah xaqa ah mooyee, Maxamedna Rasuulkii Ilaahay yahay, Oogidda Salaada, Bixinta Sakada, Gudashada Xajka, iyo Soomida Bisha Ramadaan»1.

Waxaana ku waajib ah Muslimku inuu barto macnaha Tawxiidka; waana in Ilaahay loo kali yeelo cibaadada, Ilaahay Qofna la ma wadaago Cibaadadiisa, Malag iIaahay u dhaw iyo Nabi la soo diray midna

Macnaha qiritaanka inuusan jirin Ilaah xaq lagu caabudo Allaah mooyaane:

Waa in Addoonku qiro isagoo si go'aanle u rumaynaya inaanu jirin macbuud xaq lagu caabudo oo aan Ilaahay ahayn, Allaah keligii ayaa la caabudaa, isagana loo gaar yeelaa nuucyada cibaadada oo dhan; sida ducada, cabsida, rajada, tala saarashada iyo wixii la mid ah.

Ashahaadada lama xaqiijin karo in labo tiir la helo meeyee:

Kan koowaad: in Ilaahnimada iyo Cibaadada loo diido wixii Ilaahay ka sokeeya, sida wixii Ilaahay la la simo, sanamyada iyo Daaquudka.

Kan labaad: waa in Ilaahnimada iyo Cibaadada Xaqa ah loo sugo Ilaahay keligi ee aysan ku jirin wixii isaga ka soo haray. Ilaahay -Sareeye- wuxuu yiri:

﴿‌وَلَقَدۡ بَعَثۡنَا فِي كُلِّ أُمَّةٖ رَّسُولًا أَنِ ٱعۡبُدُواْ ٱللَّهَ وَٱجۡتَنِبُواْ ٱلطَّٰغُوتَ...﴾

Ummadd walba waxaan u diray Rasuul ku yiraahda: Ilaahay keligii Caabuda oo Daaquudka ka dheeraada. [Suuradda Alnaxal, Aayada: 36].

Shuruuda (Laa Ilaaha Ilaa Allah) waa:

Kan koowaad: waa Cilmi diidaya Jahliga.

Kan Labaad: Yaqiin diidaysa Shakiga.

Kan saddexaad: waa Ikhlaas diidaya Shirkiga.

Kan 4aad: waa Run diidaysa Been.

Kan shanaad: waa Maxabada diidaysa carada.

Kan Lixaad: Hoggaansanaan diidaysa

ka tegida.

Kan todobaad: waa Aqbalaad diidaysa

diidada.

Kan sideedaad: waa In laga Kufriyo wixii la caabudo Ilaahay sokodi ah.

Shuruudaan waa waajib in lagu camal falo waxaana lagu kulmiyey labo Bayd oo Gabay ah:

Cilmul Yaqiin, Ikhlaas, Runtaada oo ay la socoto *** Maxabbo, hoggaansaan, iyo aqbalkiisa.

Oo ku dar mid siddeedaad oo ah inaad ku Kafrido wax walbo Ilaahay sokadii Ilaah laga dhigtay.

Xaqiijinta shahaadadu waa in Ilaahay keligii la caabudo ee aan Qofna loogu shariig yeelin, cibaadadana loo barax tiro Ilaahay keligi. Qofku ma baryo cid aan Ilaahay ahayn, mana talo saarto cid aan Ilaahay ahayn, waxna ka ma rajeeyo cid aan Ilaahay ahayn, umana tukado cid aan Ilaahay ahayn, waxna uma gawroco cid aan Ilaahay ahayn, isaga nusqaan ka hufan oo sareeyee.

Dadka qaarkii waxay sameeyaan oo ah ku dawaafka Qubuurta, iyo u qayshiga dadka ku jira iyo ducadooda Ilaahay sokadii waa shirki xaga cibaadada ah, Waa waajib in laga digtoonaado arrinkaa lagana digo waayo wuxuu la mid yahay waxay sameeyaan Mushrikiintu oo ah cibaadada Sanamyada, Dhagaxyada iyo Geedaha Ilaahay sokodii la caabudo. Waana Shirkiga loo soo dejiyey Kutubta, loona soo diray Rususha, si looga digo loona reebo.

Macnaha qiritaanka in Maxamed yahay Rasuulkii Ilaahay:

Waa in Nabiga lagu addeeco wuxuu amray, lana rumeeyo wuxuu sheegay, lagana fogaado wuxuu reebay, iyo inaan Ilaahay lagu caabudin waxaan ahayn wuxuu sharciyeeyey. Muslimku waa inuu qirayaa in Maxamed Binu Cabdillaahi Alqureyshi Alhaashimi uu yahay: Rasuulkii Ilaahay ee loo soo direy Uunka oo dhan; Jinka iyo Insigaba. Sida Ilaahay -sareeye- yiri:

﴿قُلۡ يَٰٓأَيُّهَا ٱلنَّاسُ إِنِّي رَسُولُ ٱللَّهِ إِلَيۡكُمۡ جَمِيعًا...﴾

Nabi Maxamedoow dheh: Dadyahaw! Anigu waxaan ahay Rasuulkii Ilaahay u soo diray idinka oo dhan... Suuradda Al acraaf, Aayada: 158.

Iyo in Ilaahay u soo diray si uu Diintiisa u gaarsiiyo, Khalqigana u hanuuniyo, Sida Ilaahay -sareeye- u yiri:

﴿‌وَمَآ أَرۡسَلۡنَٰكَ إِلَّا كَآفَّةٗ لِّلنَّاسِ بَشِيرٗا وَنَذِيرٗا وَلَٰكِنَّ أَكۡثَرَ ٱلنَّاسِ لَا يَعۡلَمُونَ 28﴾

Nabi Maxamedoow kuuma aanu soo dirin waxaan aheyn dadka oo dhan adigoo u bishaaraynaya una digaya, dadkuna badankoodu ma oga. Suuradda Sab'a, Aayada: 28 Sida Ilaahay -sareeye- u yiri:

﴿‌وَمَآ أَرۡسَلۡنَٰكَ إِلَّا رَحۡمَةٗ لِّلۡعَٰلَمِينَ 107﴾

Nabi Maxamedoow kuuma aanu soo dirin waxaan ahayn inaad Caalamka u noqotid naxariis: 107. [Suuradda Alanbiyaa: 107].

Shahaadadaani waxay keenaysaa: inaadan aaminin in Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee inuusan Xaq u lahayn Rabbinimada iyo maamulka Koonka, ama uu xaq u leeyahay cibaadada, Balse isagu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu yahay Addoon aan la caabudin, iyo Rasuul aan la beenin. Oo uusan u awoodin Naftiisa iyo Qof kale midna shey ka mida nafac ama dhib, wixii Ilaahay doono mooyee. Sida Ilaahay -sarreeye- u yiri:

﴿‌قُل لَّآ أَقُولُ لَكُمۡ عِندِي خَزَآئِنُ ٱللَّهِ وَلَآ أَعۡلَمُ ٱلۡغَيۡبَ وَلَآ أَقُولُ لَكُمۡ إِنِّي مَلَكٌۖ إِنۡ أَتَّبِعُ إِلَّا مَا يُوحَىٰٓ إِلَيَّ...﴾

Nabi Maxamedoow Dheh: Idinku oran maayo waxaan hayaa Khasnadaha Ilaahay, mana ogi Qaybka, mana idin oranaayo waxaan ahay malag, ee waxaan raacayaa uun wixii la ii waxyoodo... [Suuradda Alancaam: 50].

Baabka Labaad: Macnaha Iimaanka iyo Tiirarkiisa:

Iimaanku: waa in Qalbiga laga qiro, Carabkana looga dhawaaqo, Qalbiga iyo Xubnahana looga camal falo, wuxuu ku siyaadaa daacada, wuxuuna ku nusqaamaa macsida.

Iimaanku waa shardi uu ku ansaxo laguna aqbalo Cibaadaadka, Sida Shirkiga iyo Kufriguba u yihiin kuwo buriya dhamaan Cibaadaadka, Sida Ilaahay uusan u aqbalin Salaad weyso la'aan ah, ayuusan u aqbalin cibaado iimaan la'aan ah, Ilaahay -sareeye- wuxuu yiri:

﴿وَمَن يَعۡمَلۡ مِنَ ٱلصَّٰلِحَٰتِ مِن ذَكَرٍ أَوۡ أُنثَىٰ وَهُوَ مُؤۡمِنٞ فَأُوْلَٰٓئِكَ يَدۡخُلُونَ ٱلۡجَنَّةَ وَلَا يُظۡلَمُونَ نَقِيرٗا 124﴾

Qofkii fala camal wanaaagsan Lab iyo Dhedig kuu doono ha ahaadee isagoo Mumina, kuwaas ayaa gelaya Janada, lagana dulmin maayo wax yarna. Suuradda Anisaa, Aayada: 124.

Ilaahay wuxuu caddeeyey in Shirkigu uu camalka buriyo, Sida Ilaahay -sareeye- u yiri:

﴿وَلَقَدۡ أُوحِيَ إِلَيۡكَ وَإِلَى ٱلَّذِينَ مِن قَبۡلِكَ لَئِنۡ أَشۡرَكۡتَ لَيَحۡبَطَنَّ عَمَلُكَ وَلَتَكُونَنَّ مِنَ ٱلۡخَٰسِرِينَ 65﴾

Nabiyoow waxaa laguu waxyooday adiga iyo Nabiyadii kaa horreeyey: Hadaad Ilaahay u shariig yeesho wuu burayaa camalkaagu, waxaadna ka mid noqon kuwa khasaaray: 65. [Suuradda Asumar: 65].

Tiirarka Iimaanku waa lix: in la rumeeyo Ilaahay, Malaa'igtiisa, Kutubtiisa, Rusushiisa, Maalinta Qiyaame, iyo Qadarka khayrkiisa iyo sharkiisaba.

1- Rumeynta Ilaahay -sarreeye- waxay ka kooban tahay saddex arrimood:

1- Rumeynta Rabinimadiisa:

Waana in Ilaahay lagu keli yeelo ficiladiisa; sida Abuurista, iyo Arsaaqidda, iyo soo Nooleynta, iyo Dilka, Cid wax abuurta ma jirto Ilaahay mooyee, cid wax arsaaqdana ma jirto Ilaahay mooyee, cid wax noolaysana ma jirto Ilaahay mooyee, cid wax dishana ma jirto Ilaahay mooyee, aduunkana cid maamusha ma jirto isaga mooyee, isagaa nusqaan ka hufan oo sareeyee.

Lama arag qof Ilaahay abuuray oo inkiray Rabbinimada Ilaahay- sareeye-, inuu yahay mid kibray oo aan rumaysnayn wuxuu sheegayo mooyee. Sida uu sameeyey Fircoon, markuu ku yiri Qoomkiisii:

﴿‌...أَنَا ‌رَبُّكُمُ ‌الْأَعْلَى﴾

... Anigaa ah Rabbigiinii u sareeyey. Suuradda Alnaasicaat: 24 Laakiin taasi caqiido ka ma ahayn, sida Ilaahay Muuse ka yiri Calayhi Salaam:

﴿‌قَالَ لَقَدۡ عَلِمۡتَ مَآ أَنزَلَ هَٰٓؤُلَآءِ إِلَّا رَبُّ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِ بَصَآئِرَ وَإِنِّي لَأَظُنُّكَ يَٰفِرۡعَوۡنُ مَثۡبُورٗا 102﴾

Muuse wuxuu yiri: Waad og tahay in uusan soo dejin kuwaan cidaan ahayn Rabbiga Samooyinka iyo Dhulka iyagoo xujooyin cad ah.Waxaanan kuu maleyn Firconoow inaad tahay mid loo qoray halaag: 102. [Alisraa: 102], IIaahay -sareeye- wuxuu yiri:

﴿‌وَجَحَدُوا بِهَا وَاسْتَيْقَنَتْهَا أَنْفُسُهُمْ ظُلْمًا وَعُلُوًّا... ﴾

Aayadahaa waxay u dafireen dulmi iyo kibir dartii, inkastoo Naftoodu yaqiinsanayd ... [Suuradda Annamli:14].

Makhluuqaadkani waa la ma huraan inay leeyihiin Ilaah Abuuray, Waayo Suuragal maaha in Makhluuqaadku iyagu is abuureen. Mana jiro shey Naftiisa abuuray, suura galna maaha in sheygu iska abuurmo. Shey walba oo soo darriya waa la ma huraan inuu jiro cid ka danbaysa oo samaysay. Inuu jiro nidaamkaan Quruxsan ee isku toosan ee habaysan wuu diidayaa in jiridiisu iska abuurantay, Sidaa awgeed waxaa khasab ah inuu yeesho mid abuuray, waana Allaha Rabul Caalamiinka ah, Ilaahay -Sarreeye- wuxuu yiri:

﴿‌أَمۡ خُلِقُواْ مِنۡ غَيۡرِ شَيۡءٍ أَمۡ هُمُ ٱلۡخَٰلِقُونَ 35 أَمۡ خَلَقُواْ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضَۚ بَل لَّا يُوقِنُونَ 36﴾

Mise waxaa la abuuray abuure la'aan, mise iyagaa abuuray naftooda?.

Mise iyagaa abuuray samooyinka iyo Dhulka? balse, ma yaqiinsana: 36. [ Aduur: 36--35]

Mushrikiintu way qiri jireen Rabbinimada Ilaahay, iyagoo xaga Ilaahnimada ugu shariig yeeli jirey, taasina Islaamka ku ma ay soo gelin, Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee, wuu la dagaalamay wuuna banneystay Dhiigooda iyo Maalkooda waayo cibaadadii Ilaahay ayey cid kale la wadaajieen, Waxayna Ilaahay la caabudeen wax kale, sida Sanamyada, Dhagaxyada Malaa`igta iyo wax kale.

Kan 2aad - Rumeynta Ilaahnimada Ilaahay:

Rumaynta Ilaahnimada Ilaahay: waa in Ilaahay keligii yahay Ilaaha xaqa ah, cid la wadaagtana aysan jirin, (Ilaah) macnihiisu waa kan Ilaah laga dhigto, oo ah kan lagu (caabudo) jacayl, iyo weyneyn, iyo isu dulayn.

Ilaahay -sarreeye- wuxuu yiri:

﴿‌وَإِلَٰهُكُمۡ إِلَٰهٞ وَٰحِدٞۖ لَّآ إِلَٰهَ إِلَّا هُوَ ٱلرَّحۡمَٰنُ ٱلرَّحِيمُ 163﴾

IIaahiinu waa Ilaah keliya, mana jiro Ilaah xaq lagu caabudo ee aan Ilaahay ahayn, waana Allaha leh naxariista guud iyo tan gaarka ah. Suuradda Albaqara:163

Cid walba oo samaysata Ilaah aan Ilaahay ahayn oo Ilaahay sokodii Caabuda Ilaahnimadiisu waa baadil, Ilaahay -Sarreeye- wuxuu yiri:

﴿ذَٰلِكَ بِأَنَّ ٱللَّهَ هُوَ ٱلۡحَقُّ وَأَنَّ مَا يَدۡعُونَ مِن دُونِهِۦ هُوَ ٱلۡبَٰطِلُ وَأَنَّ ٱللَّهَ هُوَ ٱلۡعَلِيُّ ٱلۡكَبِيرُ 62﴾

Arrinkaasi waa in Ilaahay yahay Allaha Xaqa ah, waxay Ilaahay sokodii baryayaana ay yihiin, baadil, Ilaahayna waa kii sarreeya ee weyn. [Suuradda Alxaj: 62].

Sidaas darteed waxay ahaayeen Rusushu nabadgelyo Allaha siiyee laga bilaabo Nuux ilaa Maxamed, kuwo ugu yeera Qoomkooda Tawxiidka Ilaahay iyo cibaadada Ilaahay loo gaar yeelo ee aan la la wadaajin cid kale. Ilaahay waa buriyey Mushrikiintu Ilaahyada ay samaysteen ee ay Ilaahay la caabudayeen, ee ay guusha ka dalbayeen ee ay u qayshadaan, wuxuuna ku buriyey labo daliil oo Caqliga ah:

Kan 1aad: Ilaahyadan ay samaysteen ma laha hal shey oo tilmaamaha Ilaahnimada ah, waana mid la abuuray, waxna ma abuuraan, kuwa Caabudana wax nafaca uma keenaan, dhibna kama celiyaan, mana Mulkiyaan Nolol, Dhimasho, iyo soo bixinta Aakhiro midna. Sida Ilaahay -sarreeye- uu yiri:

﴿وَٱتَّخَذُواْ مِن دُونِهِۦٓ ءَالِهَةٗ لَّا يَخۡلُقُونَ شَيۡـٔٗا وَهُمۡ يُخۡلَقُونَ وَلَا يَمۡلِكُونَ لِأَنفُسِهِمۡ ضَرّٗا وَلَا نَفۡعٗا وَلَا يَمۡلِكُونَ مَوۡتٗا وَلَا حَيَوٰةٗ وَلَا نُشُورٗا 3﴾

Waxay samaysteen Ilaahay sokadii Ilaahyo aan waxba abuuri karin oo iyaga la abuuray, oo aan Naftooda u heli karin dhib iyo nacfi midna oo aan Mulkin Dhimasho, Nolol iyo soo bixinta Aakhiro. [Suuradda Alfurqaan: 3].

Kan 2aad: Mushrikiintaasi waxay qiri jireen in Ilaahay yahay kan wax abuura ee keligii wax Maamula ee cid kale aysan wax maamulin, taasina waxay ku waajibinaysaa inay Ilaahay u keli yeelaan Ilaahnimada sida ay ugu keli yeeleen Rabbinimada. Sida Ilaahay -sarreeye- uu yiri:

﴿قُل لِّمَنِ ٱلۡأَرۡضُ وَمَن فِيهَآ إِن كُنتُمۡ تَعۡلَمُونَ 84 سَيَقُولُونَ لِلَّهِۚ قُلۡ أَفَلَا تَذَكَّرُونَ 85 قُلۡ مَن رَّبُّ ٱلسَّمَٰوَٰتِ ٱلسَّبۡعِ وَرَبُّ ٱلۡعَرۡشِ ٱلۡعَظِيمِ 86 سَيَقُولُونَ لِلَّهِۚ قُلۡ أَفَلَا تَتَّقُونَ 87 قُلْ مَنْ بِيَدِهِ مَلَكُوتُ كُلِّ شَيْءٍ وَهُوَ يُجِيرُ وَلَا يُجَارُ عَلَيْهِ إِنْ كُنْتُمْ تَعْلَمُونَ 88 سَيَقُولُونَ لِلَّهِ قُلْ فَأَنَّى تُسْحَرُونَ 89﴾

Ku dheh: “Yaa leh Dhulka iyo waxa ku sugan, haddaad tihiin kuwo wax garanaaya?!’’

Gaaladu waxay oran: "Allaah!” ku dheh: Miyeydaan waansameyn?

Ku dheh: “Waa kuma Rabbiga Samooyinka todobada ah iyo Rabbiga Carshiga Weyn: 86.

Waxay dhahayaan: “Allaah.” ku dheh: Miyeydaan Ilaahay ka baqayn: 87.

Ku dheh: “Yey Gacantiisa ku jiraan mulkiga Shey walba, oo isagu magan geliya oo aan isaga la magan gelin haddaad tihiin kuwo wax garanaaya.

Waxay dhahayaan: "Allaah". ku dheh: sidee la idiin sixray: 89. [Suuradda Almuminuun:84-89]. Hadday qiraan Tawxiidka Rabbinimada, waxaa ku waajibaya inay Ilaahay keligii ugu hogaansamaan Cibaado oo aanay Qofna la wadaajin Cibaadadiisa.

Kan 3aad- waa Rumeynta Magacyada iyo Sifaadka:

Waa in Ilaahay loo sugo wuxuu Ilaahay Naftiisa ugu sugay Kitaabkiisa, Ama in Ilaahay loo sugo wixii Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ugu sugay Sunnadiisa. Waa in Ilaahay loogu sugo Magacyada iyo Sifooyinka, si u qalanta Ilaahay -sarreeye-, Iyadoon la leexin, lana burinayn, Iyadoon la Qaabayn, lana matalayn, Ilaahay -Sarreeye- wuxuu yiri:

﴿‌وَلِلَّهِ ٱلۡأَسۡمَآءُ ٱلۡحُسۡنَىٰ فَٱدۡعُوهُ بِهَاۖ وَذَرُواْ ٱلَّذِينَ يُلۡحِدُونَ فِيٓ أَسۡمَٰٓئِهِۦۚ سَيُجۡزَوۡنَ مَا كَانُواْ يَعۡمَلُونَ 180﴾

Ilaahay wuxuu leeyahay Magacyo fiican Ee ku barya, oo ka tega kuwa inkiraya Magacyadiisa waa laga abaal marin waxay camal falayeen. [Suuradda Alacraaf: 180], IIaahay -sarreeye- wuxuu yiri:

﴿‌...لَيۡسَ كَمِثۡلِهِۦ شَيۡءٞۖ وَهُوَ ٱلسَّمِيعُ ٱلۡبَصِيرُ﴾

Ilaahay wax la mida ma jiraan waana kii maqal badan oo arag badan. [Suuradda Ashuuraa: 11]

Qaybaha Shirkigu waa saddex:

kan 1aad- waa Shirkiga weyn.

Kan 2aad- waa Shirkiga yar.

Kan 3aad- waa Shirkiga Qarsoon.

Kan 1aad: Shirkiga weyn:

Shardigiisuna waa: in Ilaahay cid kale la la simo oo la siiyo Sifooyinkii Ilaahay gaarka u lahaa, Sida Ilaahay -sarreeye- uu yiri:

﴿‌إِذۡ نُسَوِّيكُم بِرَبِّ ٱلۡعَٰلَمِينَ 98﴾

Waqti aanu idin la simeyney Rabbiga Uunka. Suuradda Alshucaraa: 98.

Waana mid ay soo geleyso: in cibaadada loo leexiyo cid aan ahayn Ilaahay -sarreeye-, Ama in Cibaadada qaarkeed loo leexiyo cid aan ahayn Ilaahay- sarreeye- sida: Baryada, gar-gaar dalabka, Nidarka, Gowraca, iyo wax walba oo ka mida noocyada Cibaadada.

Ama wax keenaya: in la Xalaashado wax Ilaahay Casa Wajala Xarrimay. Ama in la Xarrimo wax la Xalaaleeyey, Ama in la tuuro wax Ilaahay waajibiyey, Sida in la xalaashado wax inay Xaaraan yihiin ay daruuri tahay in Diinta laga ogaado, sida in la Xalaashado Sinada, ama khamriga, ama ku Caasinta Waalidka, ama Ribada, iyo wixii la mida.

Ama Xarrimidda wax Ilaahay Casa Wajalla Xalaaleeyey ee wanaagsan. Ama in la tuuro wax Ilaahay waajibiyey; Sida in la rumeeyo in Salaaddu aanay waajib ahayn, ama in Soonku aanu waajib ahayn, ama in Sakadu aanay waajib ahayn.

Shirkiga Weyni wuxuu keenaa in camalku buro, iyo inuu Naarta ku waaro Qofkii ku dhintaa, Sida Ilaahay -sarreeye- u yiri:

﴿‌...وَلَوۡ أَشۡرَكُواْ لَحَبِطَ عَنۡهُم مَّا كَانُواْ يَعۡمَلُونَ﴾

...Hadday cibaadaa Alle la wadaajin lahaayeen cid kale, waa buri lahaa waxay camal faleen. [Suuradda Al-ancaam: 88].

Shirkiga Qofkii ku dhinta Ilaahay uma dhaafo, Jannaduna waa ka xaaraan, Sida Ilaahay -sareeye- uu yiri:

﴿‌إِنَّ ٱللَّهَ لَا يَغۡفِرُ أَن يُشۡرَكَ بِهِۦ وَيَغۡفِرُ مَا دُونَ ذَٰلِكَ لِمَن يَشَآءُ...﴾

Ilaahay uma dhaafo Qofkii u shariig yeela wuuse u dhaafaa wixii intaa ka sokeeya Qofkuu doono.... [SuuraddA Nisaa:48]. IIaahay -sarreeye- wuxuu yiri:

﴿...إِنَّهُۥ مَن يُشۡرِكۡ بِٱللَّهِ فَقَدۡ حَرَّمَ ٱللَّهُ عَلَيۡهِ ٱلۡجَنَّةَ وَمَأۡوَىٰهُ ٱلنَّارُ...﴾

Qofkii Ilaahay u shariig yeela Ilaahay waa ka xarrimay Jannada Hoygiisuna waa Naarta. [Suuradda Almaa'idah: 72].

Kan 2aad- waa Shirkiga yar:

Shirkiga yar waa wixii Nusuusta ku sugan inay ku magacowday Shirki, laakiin aan gaarin darajada Shirkiga weyn, kaasaa lagu magacaabaa Shirki yar. Sida ku dhaarashada cidaan Ilaahay aheyn; Sida in lagu dhaarto Kacbada iyo Anbiyada iyo Amaanada iyo nolosha hebel iyo wixii la mida, Sida Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu yiri:

«مَنْ حَلَفَ بِغَيرِ اللهِ فَقَدْ كَفَرَ أَو أَشرَكَ».

(Qofkii ku dhaarta waxaan Ilaahay ahayn wuu Gaaloobey ama shirki buu la yimid)2.

Waxaa dhici kara in danbigu noqdo mid weyn waxayna ku xiran tahay hadba Qofka Qalbigiisa waxa ku jira. Haddii qofka dhaaranaya Qalbigiisa ay ku jirto in Nabiga ama Sheekha hebel ah uu Ilaahay la mid yahay, ama la baryi karo Ilaahay sokadii, ama uu maamulo Aduunka, Shirkigu wuxuu noqon Shirki weyn. Haddiise Qofka ku dhaaranaya Ilaahay cid aan ahayn qasadkiisu uusan sidaa ahay, ee dhaartaas Carabkiisu iskala qabsaday isagoon wax kale u qasdin, sidaana uu u bartay, Shirkigu wuxuu noqon Shirki yar. Taasna in badan ayey ka dhacdaa dadka qaarki, waxaana waajiba in la baraarujiyo, oo laga digo, si loo dhowro Tawxiidka loona ilaaliyo.

Kan 3aad- waa Shirkiga Qarsoon:

Waa wixii Qalbiga ku jira ee ha lagaa sheego ah, Sida Qofka u tukanaya ama wax u akhrinaya si uu dadka isu tuso, ama u tasbiixsanaya si loogu mahadiyo, ama u sadaqaysanaya si loogu ammaano, Taasna waxay burinaysaa camalkii uu istuska ku sameeyey, ee ma aha camalka kale ee uu u gaar yeelay Ilaahay sareeye.

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri:

«الشِّرْكُ فِي هَذِهِ الْأُمَّةِ أَخْفَى مِنْ دَبِيبِ النَّمْلَةِ السَّودَاءِ عَلَى الصَّفَاةِ السَّودَاءِ فِي ظُلْمَةِ اللَّيْلِ، وَكَفَّارَتُهُ أَنْ يَقُولَ: "اللَّهُمَّ إِنِّي أَعُوذُ بِكَ أَنْ أُشْرِكَ بِكَ شَيْئًا وَأَنَا أَعْلَمُ، وَأَسْتَغْفِرُكَ مِنَ الذَّنْبِ الَّذِي لَا أَعْلَمُ».

"Shirkiga Ummaddani samayso wuu ka qarsoon yahay socodka Quraanjada Madow ee dul socota Dhagax Madow oo siman Habeen Gudcur ah, kafaara gudkiisuna waa inuu yiraahdo: "Ilaahayoow waxaan kaa magan gelayaa inaan kuugu shariig yeelo waxaan ogahay, waxaanan kaa danbi dhaaf weydiisanayaa dambiga aanan ogeyn"3.

Noocyada Gaalnimada:

Nooca Koowaad: Gaalnimada weyn:

Waa kan waajibiya in Naarta lagu waaro, waana shan nooc:

1- Gaalnimada beeninta Xaqa :

Waana in la aamino rusushu inay been sheegeen. Kufriga noocaas ahi kuma badna gaalada; waayo Ilaahay -sarreeye- Rusushiisa wuxuu ku xoojiyey Caddaymo muuqda, Xaalka kuwaa xaqa beeniyey waa uun siduu Ilaahay ku sifeeyey:

﴿‌وَجَحَدُوا ‌بِهَا ‌وَاسْتَيْقَنَتْهَا أَنْفُسُهُمْ ظُلْمًا وَعُلُوًّا...﴾

Way kamadax adeygeen rumaynta xaqa dulmi iyo kibir dartii, iyagoo Naftoodu yaqiinsan tahay ... [Suuradda Alnaxal: 14].

2- Gaalnimada diidmada iyo iska weynaynta:

Kani wuxuu la mid yahay Gaalnimadii Ibliis, waayo isagu ma dafirin amarkii Ilaahay mana inkirin, wuxuuse ku qaabilay diidmo iyo isweynayn. Ilaahay -sarreeye- wuxuu yiri:

﴿وَإِذۡ قُلۡنَا لِلۡمَلَٰٓئِكَةِ ٱسۡجُدُواْ لِأٓدَمَ فَسَجَدُوٓاْ إِلَّآ إِبۡلِيسَ أَبَىٰ وَٱسۡتَكۡبَرَ وَكَانَ مِنَ ٱلۡكَٰفِرِينَ 34﴾

Rasuulyahaw xus waqti aanu ku niri Malaa’igta: u Sujuuda Aadam, waana u Sujuudeen Ibliis mooyee, wuuna diidey oo isla weynaadey, wuxuuna ka mid noqday Gaalada 34. [Suuradda Albaqarah: 34].

3- Gaalnimada u dhabar jeedinta:

Waa inuu Xaqa ka jeediyo maqalkiisa iyo qalbigiisa, oo aanu eegin, danna ka gelin, Ilaahay -sarreeye- wuxuu yiri:

﴿وَمَنۡ أَظۡلَمُ مِمَّن ذُكِّرَ بِـَٔايَٰتِ رَبِّهِۦ ثُمَّ أَعۡرَضَ عَنۡهَآۚ إِنَّا مِنَ ٱلۡمُجۡرِمِينَ مُنتَقِمُونَ 22﴾

Yaa ka dulmi badan mid lagu waaniyey Aayadaha Rabbigii oo ka jeestay? Waannu ka aarsan Mujrimiinta 22. [Alsajdah: 22].

Laakiin ka jeedsiga qayb ahaaneed, waa Faasiqnimo ee Gaalnimo maaha; sida qofka ka jeesta barashada waajibaadka Diinta qaarkood; sida Axkaanta Soonka ama Xajka iyo wixii la mida.

4- Kufriga Shakiga ah:

Kaasina waa inuu ka laba-labeeyo, oo uusan Xaqa yaqiinsan, balse uu ka shakiyo, sida ku sugan hadalka Ilaahay -Sareeye-:

﴿وَدَخَلَ جَنَّتَهُ وَهُوَ ظَالِمٌ لِنَفْسِهِ قَالَ مَا أَظُنُّ أَنْ تَبِيدَ هَذِهِ أَبَدًا 35 وَمَا أَظُنُّ السَّاعَةَ قَائِمَةً وَلَئِنْ رُدِدْتُ إِلَى رَبِّي لَأَجِدَنَّ خَيْرًا مِنْهَا مُنْقَلَبًا 36﴾

Wuxuu galay Beertiisii isagoo dulmiyey Naftiisa, wuxuu yiri: u malayn maayo in Beertani baaba’ayso weligeed.

Una malayn maayo inay Saacadu weligeed dhacayso, hadii Rabigay la ii celiyana waxaan ka helin wax Beerta iiga roon ee aan u noqdo. [ Alkahfi: 35--36].

5- Kufriga Nifaaqa:

Waa in Qofku Carrabkiisa ku muujiyo Iimaan Qalbigana ku qarsado beeninta Xaqa. Ilaahay -sareeye- wuxuu yiri:

﴿وَمِنَ ٱلنَّاسِ مَن يَقُولُ ءَامَنَّا بِٱللَّهِ وَبِٱلۡيَوۡمِ ٱلۡأٓخِرِ وَمَا هُم بِمُؤۡمِنِينَ 8﴾

Dadka waxaa ka mida kuwo oranaya: waxaan rumaynay Ilaahay iyo Maalinta Aakhiro mana aha kuwo Muminiina. [Suuradda Albaqarah: 8].

Noocyadaani waa Gaalnimada weyn ee Diinta looga baxo.

Nooca Labaad: waa Gaalnimada yar:

Noocani ma keenayo in Naarta lagu waaro, Waana kan Kitaabka iyo Sunnada ku soo arooray ee lagu sheegay Gaalnimo, iyadoon lagu qeexin Alif iyo Laam, balse ku timid iyadoon la Cadayn. Tusaalahiisuna waa badan yahay, waxaana ka mida: Xadiiskii Abu Hurayra Allaha ka raalli ahaadee wuxuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri:

«اثْنَتَانِ فِي النَّاسِ هُمَا بِهِمْ كُفْرٌ: الطَّعْنُ فِي النَّسَبِ، وَالنِّيَاحَةُ عَلَى المَيِّتِ».

""Laba shey oo dadku sameeyaan waa Gaalnimo: waa in Nasabka la duro, iyo in Meydka loo baroorto"4.

 

2) Waa rumaynta Malaa'igta:

waana Caalamka qaybka ah, Ilaahay -sareeye- wuxuu ka abuuray Nuur, Iyagu waxay Caabudaan Ilaahay -sareeye -, Iyagu sheyna ka ma laha tilmaamaha Rabbinnimada iyo Ilaahnimada, Mana caasiyaan Ilaahay wuxuu faray, waxayna sameeyaan wixii la faro, Waana tiro badan yihiin, cidaan Ilaahay -sarreeye- ahayna ma tirin karto.

Rumaynta Malaa'igtu waxay ka kooban tahay afar arrimood:

1- Rumeynta jiritaankooda.

2- Rumanta kuwa Magacyadooda la ina baray, sida: Jibriil, Miikaa`iil, Israafiil, iyo kuwa kale. Kii aanan Magaciisa aqoonna waxaan u rumaynaynaa si guud.

3- In la rumeeyo wixii la inanga barayo tilmaamahooda, ee ku soo arooray Kitaabka iyo Sunnada; Sida Sifada Jibriil, Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay inuu ku arkay sifadiisii Ilaahay -sarreeye- ku abuuray, isagoo leh lix boqol oo Baal, oo daboolay Jihada.

4- Rumaynta wixii la innaga baray camalkooda; sida inay Ilaahay u tasbiixsadaan, oo ay caabudaan Habeen iyo Maalinba, iyagoon daalin kana caajisin.

Tusaale ahaan: Jibriil: waa kan lagu aaminey waxyiga.

Israfiilna: Waa kan u xilsaaran afuufidda Buunka/suurta.

Malaga Mowdkuna: waa kan loo xilsaaray qaadida Nafta xilliga geerida.

Maalikna waa kan loo xilsaaray Naarta. Ridwaana waa kan loo xilsaaray Jannooyinka, iyo kuwo kale.

3) Waa Rumeynta Kutubta :

Kutubta waxaa laga wadaa: waa Kutubta samada laga soo dejiyey ee uu Ilaahay -sareeye- ku soo dejiyey Rusushiisa, Kutubtaasi waxay dadka u tahay hanuun iyo naxariis, si ay u gaaraan liibaanta labada daarood.

Iimaanka Kutubtuna waxaa soo galaya afar arrimood:

1- Rumeynta inay xaq tahay in Ilaahay soo dajiyey.

2- Rumeynta wixii la inna baray Magacooda; sida Qur'aanka lagu soo dejiyey Maxamed nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee, Iyo Tawraadda lagu soo dejiyey Nabi Muuse Calayhi Salaam, Iyo Injiilka lagu soo dejiyey Nabi Ciise Calayhi Salaam, Iyo Sabuurtii la siiyey Nabi Daa`uud Calayhi Salaam.

Wixii aanan Magaciisa aqoonna, waxaan u rumaynaynaa si guud.

3- Rumeenta warkooda; sida warka Quraanka, iyo warka waxaan la bedelin ee kutubtii hore ah.

4- In lagu dhaqmo Axkaantii hore waxaan la nasakhin, laguna raalli noqdo oo la ogolaado, hadaan fahamno xikmadiisa iyo hadii aanaan fahminba. Kutubtii hore oo dhanna waxaa lagu nasakhay Qur'aanka Weyn, Ma bannaana in lagu camal falo xukun ka mida Axkaanta kutubtii hore, wixii sax ah ee Qur'aanka Kariimka ah iyo Sunnada Nabiga ku ansaxay mooyee.

4) Waa Rumeynta Rususha Calayhim Salaam:

Rusushu: waa wadarta Rasuul; waana qof Ilaahay u waxyooday Sharci oo Bashar ah oo uu faray inuu dad gaarsiiyo. Waxaana u horreeya Nuux nabadgelyo Allaha siiyee, waxaana u dambeeya Maxamed nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee, Iyagu waa Bashar la abuuray. Sheyna ku ma laha Sifooyinka Rabbinimada iyo Ilaahnimada.

Rumaynta Rusushu waxay ka kooban tahay:

1- In la rumeeyo in Risaaladoodu tahay xaq Ilaahay soo dejiyey, Qofkii beeniya hal Risaalo oo kuwii Rususha ka mida wuu ku Kufriyey dhamaan.

2- Waa in la rumeeyo kuwii Magacooda la inna baray, sida: Maxamed, Ibraahiim, Muuse, Ciise, iyo Nuux, Nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee. Waana Rususha Ulul Casmiga ah.

Kii aanan Magaciisa aqoonna, waxaannu u rumaynaynaa si guud, Ilaahay -sareeye- wuxuu yiri:

﴿‌وَلَقَدۡ أَرۡسَلۡنَا رُسُلٗا مِّن قَبۡلِكَ مِنۡهُم مَّن قَصَصۡنَا عَلَيۡكَ وَمِنۡهُم مَّن لَّمۡ نَقۡصُصۡ عَلَيۡكَ...﴾

Waxaannu soo dirnay Rusul kaa horreysey; waxaa ka mida kuwo aannu kaaga warranay, iyo kuwo aanaan kaaga waramin. [Suuradda Qaafir: 78].

3- Waa in la rumeeyo wixii warkooda ka sax ah, Calayhimu Salaam.

4- In lagu dhaqmo shareecada kii na loo soo diray ee Rusuhsa ka mida, waana kii lagu khatimay Rususha ee Maxamed nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee.

5) Waa Rumeynta Maalinta Aakhiro:

Waa Maalinta Qiyaame, ee dadka loo soo bixin doono si loo xisaabo loona abaalmariyo, Waxaa loogu Magacaabay magacaa, inaysan jirin Maalin ka danbaysa, iyadoo Ehlu Januhu ku nagaanayaan Guryahooda Ehlu Naarkuna ku nagaanayaan Guryahooda.

Rumaynta Maalinta Aakhiro waxay ka kooban tahay saddex arimood:

A- Rumeynta soo bixinta Aakhiro:

Soo bixintu waa soo noolaynta dadkii dhintay marka la afuufo Buunka afuufida labaad, Dadku waxay u soo istaagayaan Rabbiga Uunka iskale, iyagoo Cago cad oo aan kabo qabin, qaawan oo aan asturnayn, Buuryo qab ah oo aan gudneyn, Ilaahay -sareeye- wuxuu yiri:

﴿كَمَا بَدَأْنَا أَوَّلَ خَلْقٍ نُعِيدُهُ ‌وَعْدًا ‌عَلَيْنَا إِنَّا كُنَّا فَاعِلِينَ 104﴾

Sidaan ku billawnay abuuriddii hore ayaan ku soo celineynaa, waana ballan qaad na saaran, oo aanu fulin doono 104. Suuradda Alanbiyaa: 104

B- Rumeynta xisaabta iyo abaal marinta:

Iyadoo Adoonka loo xisaabinayo camalkiisii, lagana abaal marin doono, Ilaahay wuxuu yiri:

﴿إِنَّ إِلَيۡنَآ إِيَابَهُمۡ 25 ثُمَّ إِنَّ عَلَيۡنَا حِسَابَهُم 26

Xagayaga ayey u soo laaban doonaan.

Ka dibna annagaa xisaabinayna. [Suuradda Alqaashiyah: 25-26]

J- Rumeynta Jannada iyo Naarta:

Jannada iyo Naartu waa meesha uu ku waarayo khalqigu weligii. Jannadu waa Daarta nicmadda ee Ilaahay u diyaariyey Mu.uminiinta Mutaqiinta ah ee gutay daacadda Ilaahay iyo Rasuulkiisa nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee, Jannada waxaa dhex yaal waxaan ili arag, dhegina maqlin kuna soo dhicin Qof Bashara Qalbigiisa.

Naartuna waa Naartuna waa Daarta cadaabta, Naartaas oo Ilaahay u diyaariyey kuwa ka Kufriyey Ilaahay kuna caasiyey Rusushiisa. Naartaas oo dhexdeeda ay yaallaan noocyada Cadaabta iyo balaayo kasta oo aan ku soo dhicin qalbiga.

6) Rumeynta Qadarka khayrkiisa iyo sharkiisaba:

Qadarka waxaa loo la jeedaa: Waa Qadaridda Ilaahay casa wajalla uu qaddaray waxa ahaan doona ee cilmigiisa ku hor maray ee Xikmaddiisu keentay.

Rumaynta Qaddarku waxay ka kooban tahay afar arrimood:

1- Cilmiga: waa in la rumeeyo cilmiga Ilaahay -sareeye-, iyo inuu og yahay wixii jirey, waxa jiri doona iyo Qaabka ay u jiri doonaan, guud ahaan iyo si faahfaahsanba, Asali ahaan iyo weligeedba. Ilaahay -sareeye- waa og yahay waxaan jirin hadduu ahaado Qaabkuu noqon lahaa. Sida Ilaahay -sareeye- uu yiri:

﴿‌وَلَوۡ رُدُّواْ لَعَادُواْ لِمَا نُهُواْ عَنۡهُ...﴾

Haddii dib loogu celin lahaa Adduunka, wey ku noqon lahaayeen wixii laga reebay... [Suuradda Alancaam: 28].

2- Qoridda: Waa in Ilaahay qoray Maqaadiirta shey walba ilaa Maalinta qiyaame, Sida Ilaahay -sarreeye- uu yiri:

﴿أَلَمۡ تَعۡلَمۡ أَنَّ ٱللَّهَ يَعۡلَمُ مَا فِي ٱلسَّمَآءِ وَٱلۡأَرۡضِۚ إِنَّ ذَٰلِكَ فِي كِتَٰبٍۚ إِنَّ ذَٰلِكَ عَلَى ٱللَّهِ يَسِيرٞ 70

Miyaadan ogeyn in Ilaahay og yahay waxa ku sugan Samada iyo Dhulka? arrinkaasi wuxuu ku yaal Kitaab, waana mid u fudud Ilaahay. Suurada Alxaj: 70

3- Mashii`adu: waa in la rumeeyo inaan koonkan waxba ka dhici karin in Ilaahay Casa Wajala doono mooyee . Ilaahay -sareeye- wuxuu yiri:

﴿وَرَبُّكَ يَخۡلُقُ مَا يَشَآءُ وَيَخۡتَارُ...﴾

Rabbigaa wuxuu abuuraa wuxuu doono ee uu doorto ... [Suurada Alqasas: 68]. Dadku waxay leeyihiin Mashii`o doonis ah ee aan ka baxsanayn Mashii`ada Ilaahay, sida Ilaahay sareeye u yiri:

﴿وَمَا تَشَآءُونَ إِلَّآ أَن يَشَآءَ ٱللَّهُ رَبُّ ٱلۡعَٰلَمِينَ 29

Waxba ma dooni kartaan in Allaha Rabbul Caalamiinku doono mooyee. [Suurada Atakwiir: 29].

4- Abuuriddu: waa in la rumeeyo in Ilaahay -sarreeye- abuuray Makhluuqa, camalkooda, iyo ficilkooda, Khayr iyo Sharba, Ilaahay -sareeye- wuxuu yiri:

﴿ٱللَّهُ خَٰلِقُ كُلِّ شَيۡءٖۖ وَهُوَ عَلَىٰ كُلِّ شَيۡءٖ وَكِيلٞ 62

Ilaahay waa kan abuuray wax walba, Shey walbana isagaa wakiil ka ah ee maamula. [Asumar: 62].

Martabadahaas waxaa lagu kulmiyey Baydkan Gabayga ah:

Cilmiga, Qoridda, Mawlaheena doonistiisa, *** iyo abuuristiisa oo ah abuuris iyo samayn.

Baabka Seddexaad: waa Ixsaanka:

Ixsaanku: Waa tiir keliya; waa inaad Ilaahay u caabuddo sidii adigoo arkaya, waayo haddii aadan arkeyn isagaa ku arkaya.

Dadku waa inay u gutaan cibaadada Ilaahay sidii iyagoo Ilaahay Casa Wajala hor taagan, Taasina waxay keenaysaa cabsi kaamil ah iyo in Ilaahay loo noqdo isagaa nusqaan ka hufane. Waa waajib in cibaadada loo la yimaado si waafaqsan Sunnada Rasuulka nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee.

Ixsaanku waa labo darajo, Muxsiniintuna xagga ixsaanka waxay leeyihiin laba martabo oo kala duwan:

Martabada koowaad: waa tan ugu sarreeysa, waana martabada aragtida; Waa inuu Qofku u camal falo sidii isagoo Ilaahay qalbigiisa ku arkaya, qalbigiisu wuxuu ku ifayaa Iimaanka, ilaa Qaybku u noqdo sida wax uu arkaayo.

Martabada labaad: waa ikhlaaska iyo muraaqabada, Waa in Addoonku u Camal falo isagoo Qalbigiisa ka dhigaya in Ilaahay u jeedo oo eegayo, hadduu taas ka dhigo Ilaahay ayuu u khaalis yeelay.

Baabka Afaraad: waa Faah-faahin kooban oo ku saabsan Usuusha Ahlu Sunna wal -Jamaaca

Tan koowaad: waa in la raaco wixii ku soo arooray Kitaabka iyo Sunada, Uurka iyo Oogadaba, Iyo inaan Qofna hadalkiisa laga hor marin hadalka Ilaahay iyo hadalka Rasuulkiisa nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee.

Tan labaad: Qalbigooda iyo Carrabkoodu waa inuu nabadgeliyaa Asaxaabta Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee, Waxayna qabaan in Khaliifka Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ka danbeeya uu yahay: Abu Bakar, ka dibna Cumar, ka dibna Cusmaan, ka dibna Cali, Ilaahay ha ka wada raalli ahaadee.

Tan 3aad: waxay qabaan in la Jeclaado Ehlu Baytka Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee, iyo in daacad loo ahaado, gaar ahaan kuwooda saalixiinta ah.

Tan afraad: waa inaan la la dagaalin Madaxda, xataa hadday dulmi sameeyaan, Waxaana loogu ducayn salaax iyo caafimaad, La mana habaaro. Madaxda in la addeeco waxay ka mid tahay daacadda Ilaahay waana waajib hadaysan dadka farin macsi. Madaxdu hadday dadka Macsi faraan, la ma addeecayo, Madaxda waxaa lagu addeecayaa wixii wanaag ah ee aan macsi ahayn.

Tan 5aad: waa rumeynta Karaamada Awliyada; Karaamadu waa waxa Ilaahay ka muujiyo gacanta Awliyada kana baxsan Caadooyinka la yaqaan.

Tan 6aad: Ehelu Qiblada kuma gaalaysiiyaan macsida iyo dambiyada waaweyn. siday sameeyaan Khawaarijtu, Balse waxaa ka dhexeeya walaalnimo iimaani ah oo sugan iyadoo macaasidu jirto. Waxayna ku oran Caasiga: Mu'min ayuu ku yahay iimaankiisa, wuxuuna Faasiq ku yahay danbigiisa weyn.

Cutubka Labaad: waa waxa la xiriira Cibaadada.

Qaybta kowaad: waa Dahaarada

Dahaaradu Luqad ahaan: waa nadaafad iyo ka daahirsanaan wasakhda muuqata iyo tan qarsoonba.

Sharci ahaanna: waa in la iska daahiriyo Xadaska, iyo in najaasada la iska suuliyo. Dahaaradu waa Furaha Salaadda, Sidaa darteed, barashada Dahaaradu waxay ka mid tahay arrimaha Diinta ugu waaweyn, Muslimkana ku waajibka ah inuu barto kuna dadaalo.

Tan Kowaad: Qaybaha Biyaha:

1- Biyo daahira, oo ay ansaxayso in lagu dahaaro qaato. Waa isku mid inuu baaqi ku yahay sidii Ilaahay ku abuuray. Sida Biyaha Roobka ama Webiyada ama Badaha, Ama uu ku darsamo shey daahir ah oo aan ka qaalib noqon, kana qaadin Magaciisii.

2- Biyo najaaso ah; ma bannaana in la isticmaalo, Waayo Xaddaska ma qaadayo, Mana suulinaayo Najaasada, Biyaha Najaasadu waa kuwa ay Najaasadu doorisey Midabkooda, ama Urtooda, ama Dhadhankooda.

Tan labaad: Najaasada:

Najaasadu: waa Qurun gaar ah, Najaasada Jinsigiisu wuxuu diidayaa Salaada; Sida Kaadida, Saxarada, Dhiigga iyo wixii la mida, waxayna ku dhacdaa Jirka, Goobta iyo Dharka.

Shey walba asal ahaan waa bannaan yahay waana daahir, Qofkii sheega Shey najaaso ah, waxaa laga rabaa Cadayn. Najaaso ma aha: Xaakada, Dhididka dadka, iyo Dhididka Dameerka, balse waa Daahir in kastoo ay Qurun yihiin. Najaaso kasta waa qurun, balse qurun kasta najaaso maaha.

Najaasadu waa seddex darajo:

Tan koowaad: waa Najaaso adag;

Sida: Najaasada wixii Eygu afka la galay, Sida loo daahirinaayo waa: in la dhaqo todobo jeer, oo mida hore tahay Ciid.

Tan labaad: waa Najaaso fudud:

Sida kaadida wiilka yar ee naaska nuuga hadday ku dhacdo Marada iyo wixii la mida. Sida loo daahirinaayo waa: in biyo korka looga firdhiyo ilaa uu wada gaaro, mana u baahna xoqid ama maroojin.

Tan Seddexaad: waa Najaasada Dhexdhexaadka ah:

Sida kaadida iyo saxarada dadka, iyo siday u badan yihiin najaasooyinku, hadday ku dhacaan Dhulka ama Dharka iyo wixii la mida. Sida loo daahiriyo: waa in najaasada Jurmigeeda(waxlataaban karo) la suuliyo haday jurmi leedahay, meeshana lagu nadiifiyo Biyo ama waxyaabo wax lagu nadiifiyo.

Waxyaabaha ay cadahay inay najaaso yihiin waxaa ka mida:

1- Kaadida iyo saxarada Aadamaha.

2- Madida iyo Wadida5.

3- Digada xayawaanka aan Hilibkiisa la cunin.

4- Dhiigga Xaydka iyo Nifaaska.

5- Candhuufta Eyga.

6- Bakhtiga, waxaana laga soo reebaa:

A- Qofku markuu dhinto.

B- Bakhtiga Kaluunka iyo Ayaxa.

J- Bakhtiga wixii aan lahayn dhiig qulqulaya; sida Diqsiga, Quraanjada, Shinida iyo wixii la mid ah.

D- Lafta Bakhtiga, Geeskeeda, Ciddideeda, Timaheeda, iyo Baalasheeda.

Sida najaasada loo daahiriyo:

1- Biyaha, waana waxa asalka u ah daahirinta najaasada, lagumana bedelo wax kale.

2- Wixii sharciga looga sheegay sida loo daahiriyo sheyga najaasada ah ama najaasoobey:

A- Haragga/maqaarka Bakhtiga waxaa lagu daahiriyaa Magdinta.

B- Daahirinta weelka hadduu Afka la galo Ey; waa in la dhaqo todobo jeer; oo midda hore tahay caro.

J- Daahirinta dharka uu ku dhaco dhiigga Xaydka; waa in la Xoqo, ka dibna Biyo lagu qooyo, ka dibna la dhaqo, oo hadii intaas ka dib raad ka haro waxba ma dhibayo.

D- Darafka hoose ee marada Dumarka waxaa daahiriya dhulka daahirka ah ee ka dambeeya.

H- Daahirinta Marada uu ku kaadiyey wiilka naaska nuuga waa in Biyo lagu rusheeyo, Kaadida Gabadhana waa in la dhaqo.

KH- Daahirinta Marada Madidu gaartay waa in Biyo lagu rusheeyo meesha.

W- Daahirinta kabta hoosteeda, waa in Dhulka daahirka ah lagu masaxo.

X- Dhulka sida looga daahiriyo najaasada; waa in meesha lagu shubo Baaldi Biyo ah, ama waa in la iska daayo ilaa ay qalajiso Qorraxdu ama Dabayshu, haddii raadka najaasadu tego waa daahir.

Tan Seddexaad: waa waxa ka xaaraanta ah qofka Xadaska qaba inuu sameeyo.

Wax yaabaha ka xaaraanta ah qofka qaba Xadaska yar ama Xadaska weyn (waxa weysa waajibiya iyo waxa qabeska waajibiya):

1- Salaadda, mid waajiba ama mid sunne ah; Waxaa laga wariyey Ibnu Cumar Allaha ka raalli ahaado isaga iyo Aabihiiye inuu yiri Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee:

«لَا يَقْبَلُ اللَّهُ صَلَاةً بِغَيْرِ طُهُورٍ».

" Ilaahay ma aqbalo Salaad dahaaro la'aan ah"6.

2- Taabashada kitaabka Qur’aanka Kariimka ah; Sida ku sugan Warqadii uu Rasuulku u qoray Camar Ibnu Xasmi, oo uu ku yiri:

«لَا يَمَسُّ الْقُرْآنَ إِلَّا طَاهِرٌ».

«Qur'aanka ma taabto Qof aan daahir ahayn.»7

3- Dawaafka Kacbada Xaramka; Waayo wuxuu yiri Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiye:

«الطَّوَافُ بِالْبَيْتِ صَلَاةٌ، إِلَّا أَنَّ اللَّهَ أَبَاحَ فِيهِ الْكَلَامَ».

«Dawaafka Kacbadu waa salaad oo kale, Qofkase waxaa loo banneeyey hadalka»8. Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee, wuu u wayso qaatay dawaafka Waxaana ka sugnaaday Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee inuu haweeneyda dhiiga qabta ka reebay dawaafka Kacbada ilaa ay ka daahir noqoto.

Waxyaabaha gaar ahaan uga xaaraanta ah qofka xadaska weyn qaba waa:

1- Akhrinta Qur'aanka; Waayo wuxuu yiri Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee: Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee waxba kama xijaabi jirin Qur'aanka, janaabada maahabe.9

2- Ku nagaanshaha Masjidka wayso la'aan; Waayo Ilaahay -sarreeye- wuxuu yiri:

﴿يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ لَا تَقۡرَبُواْ ٱلصَّلَوٰةَ وَأَنتُمۡ سُكَٰرَىٰ حَتَّىٰ تَعۡلَمُواْ مَا تَقُولُونَ وَلَا جُنُبًا إِلَّا عَابِرِي سَبِيلٍ حَتَّىٰ تَغۡتَسِلُواْ...﴾

Kuwa Xaqa rumeeyow! ha u dhowaanina salaada idinkoo sakhraansan jeer aad ogaataan waxaad ku hadleysaan, ama idinkoo jinaabo qaba inaad jid gudbaysaan maahee ilaa aad ka Qubaysataan... [Suuradda Anisaa: 43].

Qofka xadaska weyn qaba(janaabada iyo kaadida iyo saxarada) hadduu wayso qaato, way u bannaan tahay inuu masjidka ku nagaado, sidoo kale way u banaan tahay qofka xadaska weyn qaba inuu masjidka dhex maro isagoon ku nagaaneyn.

Tan Afaraad: Aadaabta Xaajo gudashada.

Waxaa Sunne ah marka la xaajo gudanaayo:

1- In laga fogaado dadka oo la iska asturo marka la Xaajo gudanaayo.

2- In la yiraahdo Ducada ku soo aroortay gelidda Suuliga, waana:

«اللَّهُمَّ إِنِّي أَعُوذُ بِكَ مِنَ الْخُبْثِ وَالْخَبَائِثِ».

" Allahayoow waxaan kaa magan geleyaa shaydaanka Labka ah iyo Dhadigaba".10

Waxaa waajib ah marka la Xaajo gudanaayo:

1- In la iska dhawro kaadida.

2- In Carada la asturo.

Waxaa xaaraan ah marka la Xaajo gudanaayo:

1- In Qiblada loo jeesto ama Dhabarka loo jeediyo.

2- In lagu xaajo guto wadada dadku marayaan iyo meelaha Bulshadu joogto.

3- In lagu kaadiyo Biyaha fadhiya.

Waxyaabaha karaahiyada ah marka la Xaajo gudanaayo:

1- In cawrada lagu taabto Gacanta Midig marka la Xaajo gudanaayo.

2- In lagu istijoodo ama wax la isaga tiro Gacanta Midig.

3- Marka la xaajo gudanaayo hadalku waa karaahiyo, gaar ahaan Adkaarta Ilaahay Casa Wajalla.

Tan shanaad: Axkaanta Istijada iyo istijmaarka ama istijada dhagaxa iwm:

Istijada: Waa in Biyo lagu suuliyo raadka waxa ka soo baxay labada jid.

Istijmaarku: Waa in waxa ka soo baxa labada Jid lagu suuliyo waxaan biyo ahayn; sida dhagxaanta ama Warqado.

Shuruudda sheyga lagu istijmaarsado:

1- Waa inuu noqdo shey mubaax ah.

2- Waa inuu daahir yahay.

3- Waa inuu nadiif yahay.

4- Waa inuusan ahayn Laf ama Digo Xoolaad.

5- Waa Inuusan noqon shey la maamuuso, sida waraaqaha uu ku Qoran yahay Magaca Ilaahay -Sareeye-.

Waxaa bannaan in Istijmaarka lagu gaabsado haddii labo shardi la helo:

1- Waxa soo baxay waa inaysan dhaafin meeshii caadada ahayd.

2- Istijmaarku waa inuu ahaado seddex dhagax oo meesha nadiifin karta iyo wixii ka badan.

Tan Lixaad: Axkaanta weysada:

Waa waajib in loo wayso qaato seddex Cibaado:

1- Salaadda, waa isku mid hadday tahay waajib iyo hadday tahay sunne.

2- Taabashada Qur’aanka Kariimka ah.

3- Dawaafka.

Shuruudda Waysada:

1- Islaamka.

2- Caqliga.

3- Garaad uu wax ku kala sooco.

4- Niyada: meesheeduna waa Qalbiga, in lagu dhawaaqona waa bidco, Qof walba oo weyso doonaya, wuu niyooday, Dhaqidda Xubnaha waysada ee loola jeedo qabowsi ama is nadiifin; maaha wayso qaad.

5- Waa in niyada xukunkeeda la joogteeyo, oo aanu niyaysan inuu gooyo ilaa uu dhamaysto dahaaradiisa.

6- Waa Inuu joogsado waxa weysada waajibinaya, Waxaa taas laga soo reebayaa: qofkii kaadidiisu iska socoto, iyo gabadha dhiigga Istaxaadada qabta(waa dhiigga joogtada ah).

7- Weysada ka hor waa inuu istijoodo ama istijmaarsado Qofkii ay ka timid kaadi ama Saxaro.

8- Daahirnimada Biyaha, iyo bannaanaantooda.

9- Suulinta wixii diidaya in Biyuhu gaaraan maqaarka.

10- Soo gelidda waqtiga Salaadda ee qofka xadaskiisu joogtada yahay -sida kuwa ay kaadidu ka istaagin-.

Waajibaadka Weysada:

1- Dhaqidda Wejiga waxaana soo gelaya luqluqashada iyo san daarsiga.

2- Dhaqidda labada Gacmood iyo Xusullada.

3- Masaxidda Madaxa oo dhan, waxaana soo gelaya labada Dhegood.

4- Dhaqidda labada Lugood ilaa Anqawyada/kuraamaha.

5- Kala horaysiinta Xubnaha weysada.

6- Xiriirinta: waa inaan la kala goyn oo loo dhaxaysiin dhaqida Xubnaha waqti dheer.

Sida loo Weyso qaato:

1- Bisinka.

2- Dhaqidda labada Sacab seddex jeer.

3- Dhaqidda Wejiga seddex jeer, waxaana soo gelaya luq-luqashada iyo San daarsiga.

4- Dhaqidda labada Gacmood ilaa Xusullada seddex jeer, laguna bilaabayo tan Midig ka dibna tan Bidix.

5- Masaxidda Madaxa, waxaana soo gelaya labada Dhegood.

6- Dhaqidda labada Lugood ilaa Anqawyada/kuraamaha seddex jeer, oo laguna bilaabayo Midigta, ka dibna Bidixda.

Waxyaabaha Weysada Buriya:

1- Wixii ka soo baxa labadaJid, sida: Kaadida, Neefta, iyo Saxarada.

2- Wixii Qurun nijaaso ah ee Jirka ka soo baxa.

3- Miyirka oo Qofka kaga taga hurdo ama wax kale.

4- Qofka oo Gacanta ku taabta Farjiga ama Dabada isagoon waxba ka xigin.

5- Cunidda Hilibka Geela.

6- Qofka oo Diinta Islaamka ka baxa, Ilaahay hannaga magan geliyo annaga iyo Muslimiintabee.

Tan todobaad: Axkaanta masaxidda Khufeynka iyo Sharabaadka:

1- Khufku: waa wax Cagaha la gashado, oo ka sameysan harag iyo wax la mida.

2- Sharabaad: waa wax Cagaha la gashado oo ka samaysan Dhogor ama Suuf iyo wixii la mida.

Shuruuda masaxidda labadaas:

1. Labadaas waa in la gashado ka dib markii si kaamila loo daahirsado.

2- Khufka iyo Sharabaadku waa inay asturaan labada lugood ilaa labada Anqow.

3- Labaduba waa inay yihiin daahir.

4- Labadaas masaxitaan waa inay ahaadaan mudo xadidan.

5- Labadaas masaxitaankoogu waa weysada oo qura ee aan qubaysku ku jirin.

6- Khufka iyo wixii la mida waa inay bannaan yihiin, haddiise la dhacay ama yihiin xariir ninka ka xaaraan ah; ma bannaana in la masaxo, waayo wax xaaraan ah laguma banaysto rukhsada.

Muddada masaxitaanka:

Qofka deggan: waa Habeen iyo Maalin, Qofka Safarka ahna: waa seddex Maalmood iyo Habeenadooda.

Sida loo masaxo:

Gacanta ayaa Biyo lagu qoynayaa, waxaana lagu masaxayaa Sharabaadka ama Khufka korkiisa, laga bilaabo faraha Cagaha ilaa Dhudhunka, hal mar.

waxyaabha buriya masaxitaanka:

1- Inay dhamaato mudadii masaxitaanku.

2- In la siibo labada Sharabaad ama midkood.

3- Hadduu yimaado xadaska weyn.

Xukunka Masaxitaanka Khufaynka:

Masaxitaanka labada Khuf waa ruqsad, masaxitaanka ayaana ka fadli badan in la siibo labada khuf oo la dhaqo labada Lugood; iyadoo la qaadanayo ruqsadda Ilaahay Casa Wajalla, loogana dayanayo Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee, laguna khilaafayo bidcada.

3- Masaxitaanka Kabmada, Duubka iyo Sharootada, sida koollada iyo baan dheyska.:

Kabku: Waa waxa lafta jaban lagu kabo; sida nuuradda, Qoryo iyo wixii la mida.

Duubku: waa waxa lagu duubo dhaawaca, ama burburka, ama gubashada; oo ka samaysan maro iyo wixii la mida.

Sharootadu: waa waxa lagu dhejiyo dhaawaca ama nabarka dawo ahaan.

Xukunka masaxitaankooga:

Waa banaan tahay: haddii loo baahdo in la daayo, waxaana shardi ah inaan duubku dhaafin inta loo baahan yahay .

Ma bannaana: hadday dhammaato baahidii loo qabay, ama siibideeda aysan ka imanayn mashaqo ama dhib.

Sida loo masaxo:

Waa la dhaqi hareereheeda, iyadana waa laga masaxi dhinacyada oo dhan, Mana la masaxayo wixii ka badan meesha weysada.

Tan Sideedaad: Axkaanta Booreysiga /tayamumka:

Booraysigu: Waa in wejiga iyo labada Gacmood lagu masaxo ciid daahir ah, iyadoo loo niyoonayo dahaaro, si gaar ah.

Xukunkiisa:

Waa waajib in la Booraysto isagoo beddel ka ah Weysada iyo Qubayska marka Biyo la waayo, ama la kari waayo isticmaalkooda.

Xikmadda ku jirta Sharciyeytiisa:

Booraysigu wuxuu ka mid yahay waxyaabaha u gaarka ah Ummadda Nabi Maxamed nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee, Booraysiga ma aysan aqoon Ummadihii hore, waana Waasicin iyo Ixsaan uu Ilaahay siiyey Ummaddan.

Xaaladaha loo jideeyey Booraysiga:

1- Haddii biyo la waayo, waana isku mid haddii la degen yahay ama safar la yahay, waana in la raadiyo Biyo oo la waayo.

2- Haddii Qofku wato biyo uu ugu baahan yahay cabitaan ama cunto karin, oo hadduu ku daahirsado dantiisii ku waayayo ama uu harraad uga baqayo naftiisa, ama dad kale ama neef xurmo leh.

3- Hadduu isticmaalka Biyaha uga baqo jirkiisu inuu ku xanuunsado ama in bogsashadu ka daahdo.

4- Hadduu awoodi waayo isticmaalka Biyaha xanuun uu la dhaqaaqi waayey awgiis, oo uusan haysan cid u weyso qaada, uuna ka baqo in waqtigu ka tago.

5- Hadduu qabow uga baqo isticmaalka Biyaha, oo uusan haysan wuxuu ku kululeeyo, wuu Booraysan wuuna tukan.

Sida loo booraysto:

Waa inuu ciidda ku dhufto Gacmihiisa oo faruhu u furan yihiin, ka dibna uu ku masaxo wejigiisa Caloosha Farahiisa, gacmihiisana uu ku masaxo labadiisa calaacal, waana inuu wada gaarsiyo masaxida wejiga iyo gacmaha.

Waxyaabha buriya Booraysiga:

1- In Biyo la helo, haddii loo booraystay Biyo la’aan, Ama in Qofku awood u yeesho inuu isticmaalo Biyaha hadduu u Booraystay inuu awoodi waayey isticmaalka Biyaha.

2- Booraysiga waxaa buriya mid ka mid ah waxyaalaha weysada buriya, ama mid ka mid ah kuwa qubayska waajibiya, sida janaabada, dhiiga Xaydka, iyo Nifaaska.

Xukunka qofka awoodi waaya isticmaalka Biyaha iyo Booraysiga:

Sida Qof waayey biyo iyo ciid, ama gaarey xaalad uusan awoodin inuu jirkiisa taabsiiyo Biyo ama ciid; wuu ku tukanayaa sida xaaladiisu tahay, isagoon weyso qaadan oo Booraysan; waayo Ilaahay Qofna kuma kallifo wuxuusan awoodin. Haddiise laga dhigo inuu helo Biyo iyo ciidda markaa ka dib, ama uu awoodo isticmaalka Biyaha; ma soo celinayo Salaaddii uu tukaday; waayo wuu la yimid wixii la faray, Ilaahay -sareeye- wuxuu yiri:

﴿...فَٱتَّقُواْ ٱللَّهَ مَا ٱسۡتَطَعۡتُمۡ...﴾

... Ilaahay ka cabsada intaad kartaan... [ Ataqaabun:16], Sidoo kale Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri:

«إِذَا أَمَرْتُكُمْ بِأَمْرٍ فَأْتُوا مِنْهُ مَا اسْتَطَعْتُمْ».

Haddaan idin faro arrin, Ilaahay kaga Cabsada intaad awoodaan11.

Faa'iido: Qofkii janaabo ka Booraysta, ka dibna Biyo hela, wuu qubaysan.

 

 

Tan Sagaalaad: Axkaanta Xaydka iyo Nifaaska:

Kan koowaad: Xaydka:

Waa dhiig dabiici ah oo abuuris ah, kana soo baxa gunta hoose ee raximka waqtiyo la yaqaan. Sida Badanna wuxuu yimaadaa bil walba lix ama todoba Maalmood, wuuna siyaadi karaa ama yaraan karaa. Bisha haweeneyduna wey dheeraataa weyna gaabataa; sida Ilaahay -sareeye- ugu talagalay dabeecadeeda.

Axkaanta Dumarka xaydka qaba:

1- Gabadha Xaydka qabta ma tukato mana soonto, ka mana ansaxayaan.

2- Gabadha Xaydka qabta ma qalaynayso Salaadda ee waxay qalaynaysaa Soonka oo qura markay ka daahirsato xaydkeeda.

3- Gabadha Xaydka Qabta uma banaana inay ku dawaafto Kacbada, Gabadha Xaydka qabta Quraanka ma akhrido, Gabadha Xaydka qabta ma fariisato Masjidka. 4- Waana ka xaaraan ninkeedu inuu uga galmoodo farjiga ilaa uu ka joogsado Xaydku kana qubaysato.

5- Ninka waxaa u banaan inuu Xaaskiisa Xaydka qabta kaga raaxaysto waxaan ahayn galmada farjiga, sida dhunkashada, taataabashada iyo wixii la mid ah.

6- Waa ka xaaraan ninkeeda inuu furo iyadoo Xayd qabta.

Daahirnimadu waa joogsiga dhiiga, marka uu dhiigu joogsadana way daahir noqotay, mudadii xaydkeeduna wuu dhamaaday, waana inay qubaysataa. Ka dibna wey la imaan wixii lagaga reebay xaydka dartiis.

Haddii markay daahirsanto ka dib aragto wax boora-boorow ah ama jaale ah, dan kama gelayso.

Tan labaad: dhiiga Nifaaska:

Waana dhiig Raximku soo daayo waqtiga dhalmada iyo ka dib waana dhiigii xanibnaa mudadii uurka.

Nifaaskuna wuxuu kala mid yahay Xaydka waxyaalaha u bannaan, sida in lagu raaxaysto waxaan Farjiga ahayn.

Iyo wixii laga reebayba; sida in looga galmoodo Ferjiga, Soonka, Salaadda, Furriinka, Dawaafka, Akhrinta Qur'aanka, iyo ku nagaanshaha Masaajidka, Waxaana ku waajibaya qubays marka uu dhiigeedu go'o, sida Gabadha Xaydhka qabta oo kale.

Waxaana ku waajib ah inay qalayso Soonka oo qura, Salaadana ma qalayso sida Gabadha Xaydka qabta.

Dhiiga Nifaaska Mudadiisa ugu badani waa afartan Maalmood, Hadii Dhiiga Nifaasku istaago ka hor afartanka beri, nifaaskeedii waa dhamaaday, weyna qubaysan, oo tukan, weyna samayn wixii looga reebay Nifaaska dartiis.

Baabka Labaad: waa Salaadda:

Tan Koowaad: Axkaanta Aadaanka iyo Iqaamada:

Aadaanka waxaa la jideeyey Sanadkii koowaad ee Hijrada Nabiga, Sababta loo jideeyeyna waa: markii ay ku adkaatay garashada waqtiyada, ayay ka wada tashadeen inay calaamad u sameeyaan. Cabdullaahi Bin Sayd Allaha ka raalli ahaadee ayaa Riyo lagu tusay Aadaanka, waxaana ansixiyey Waxyiga.

Aadaanku waa ogeysiinta soo gelida waqtiga Salaadda. Iqaamaduna: waa ogeysiinta in Salaaddii la oogayo.

Aadaanka iyo Iqaamadu waxay Fardul Kifaaya ku yihiin jamaca Salaadaha waajibka ee Ragga, Labadaasina waxay ka mid yihiin shacaa'irta Islaamka ee muuqda, mana banaana in la joojiyo.

Shuruudda Aadaanka:

1- In Mu'adinku noqdo mid lab ah.

2- In Aadaanka la isku xejiyo.

3- In uu Aadaanku ahaado mid xiriira.

4- In la addimo soo gelidda waqtiga ka dib, Waxaa laga soo reebayaa taas: Aadaanka koowaad ee Fajarka iyo Jumcaha.

Sunooyinka Aadaanka:

1. Inuu labadiisa Farood geliyo dhegihiisa.

2- Waa in la Addimo bilowga waqtiga.

3- U jeesiga midigta iyo bidixda marka la dhahayo labada xayecalo.

4- Mu`adinku waa inuu leeyahay cod fiican.

5- Ereyada Aadaanka waan inuu u kaadiyo isagoon jiijiidayn oo aan dheeraynayn si xad dhaaf ah.

6- Waa inuu ku istaago Kelmad walba.

7- Waa inuu Qiblada u jeesto waqtiga Aadaanka.

Aadaankuna waa shan iyo toban jumladood, sida uu Bilaal Allaha ka raalli ahaadee ugu addimi jiray Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee agtiisa si joogta ah.

Erayada Aadaanku waa:

(Allaahu Akbar): afar jeer.

(Ash hadu allaa Ilaaha Illa llaah): laba jeer.

Waxaan qirayaa in Nebi Maxamed Rasuulkii Ilaahay yahay (Ash hadu ana Maxamedan Rasuulu-llaah): laba jeer.

Salaadda u kaalaya( Xaya Cala Salaah): labo jeer,

Liibaanta u kaalaya ( Xaya Calal Falaax: Laba jeer.

Ka dib wuxuu oran: (Allahu akbar): labo jeer

Ka dib wuxuu ku khatimin (Laa Ilaaha Ila-llaah): hal mar.

Wuxuuna ku darayaa Salaadda Fajarka Xaya Calal Falaax ka dib: (Asalaatu khayrun mina noom) labo jeer; Waayo waa waqti ay dadku inta badan jiifaan.

Iqaamaduna waa kow iyo toban kalimo oo la dedejiyo; waxaana loogu talagalay in lagu wargeliyo dadka goobta jooga, loomana baahna in la daahiyo.

Qaabkeeduna waa sida soo socota:

(Allaahu Akbar): laba jeer.

("Ash hadu allaa Ilaaha Ila-llaah"): hal mar.

(Ashhadu ana Muxammada-Rasuulu-llaah): hal mar.

Salaadda u kaalaya (Xaya Cala Salaah): Hal jeer.

Liibaanta u kaalaya ( Xajya Calal-falaax): hal jeer.

Salaadii waa la oogay (Qad qaamati Salaah): labo jeer.

(Allaahu Akbar): laba jeer.

(Laa Ilaaha Ila-llaah): hal mar.

Waxaa Sunne ah qofkii maqlaya Aadaanka inuu yiraahdo sida uu leeyahay Mu'addinku, marka laga reebo (xaya cala salaat), iyo (xaya calal-falaax) wuxuuna dhahayaa: (laa xawla walaa quwata ilaa Bilaah), Ka dibna wuxuu ku sallinayaa Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee. Intaas ka dibna wuxuu oran:

«اللهمَّ رَبَّ هَذِهِ الدَّعْوَةِ التَّامَّةِ، وَالصَّلَاةِ القَائِمَةِ، آتِ مُحَمَّدًا الوَسِيلَةَ وَالفَضِيلَةَ، وَابْعَثْهُ مَقَامًا مَحْمُودًا الَّذِي وَعَدْتَهُ، إِنَّكَ لَا تُخْلِفُ الْمِيعَادَ».

Allahayoow, Rabbiga dacwaddan taamka ah iyo salaaddan oogan, sii Maxamed wasiilada iyo fadliga, kana soo bixi Maqaamka la mahadiyo ee aad u ballan qaaday; Adigu ballanta ma buriside.12

Wuxuu dhihi:

«رَضِيتُ بِاللَّهِ رَبًّا، وَبِالْإِسْلَامِ دِينًا، وَبِمُحَمَّدٍ ﷺ نَبِيًّا».

« Ilaahay ayaan Rabbinimo uga raalli ahay, Islaamkana Diin ahaan, Maxamedna nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee Nabinimo»13.

Waa xaaraan in Masjidka laga baxo Aadaanka ka dib, cudur daar la`aan ama niyo soo noqosho la'aan.

Marka la Jamcinayo labo Salaadood, waxaa ku filan hal Aadaan iyo in Salaad Walba gaar loogu aqimo.

Tan labaad: Makaanada Salaadda iyo fadligeeda:

Salaaddu waa tiirka ugu adag Arkaanta Islaamka labada Shahaado ka dib, Salaaddu waxayna leedahay martabo gaar ah, Halkaasoo Ilaahay ku waajibiyey Rasuulkiisa nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee habeenkii Micraajka, isagoo ku sugan Samada, Taasina waxay daliil u tahay weynaanteeda, iyo inay sugan tahay inay waajib tahay, iyo martabada ay ka joogto Ilaahay Casa Wajalla agtiisa.

Waxaana ku soo arooray fadligeeda iyo waajibnimada ay qof walba saaran tahay Axaadiis badan, Inay waajib tahayna waa arrin ku cad Diinta Islaamka oo aanay suura gal ahayn in la moogaado.

Inay waajib tahay iyo adkeynteeda waxaa ku soo arooray nusuus badan oo ku sugan Kitaabka iyo Sunnada, waxaana ka mida:

1- Hadalka uu yiri Ilaahay -Sareeye-:

﴿...إِنَّ ٱلصَّلَوٰةَ كَانَتۡ عَلَى ٱلۡمُؤۡمِنِينَ كِتَٰبٗا مَّوۡقُوتٗا﴾

Salaaddu waxay ku tahay Mu’miniinta waajib leh waqtiyo go’an. [Suuradda Alnisaa: 103]. Waxaa loola jeedaa: in lagu waajibiyey waqtiyadii uu caddeeyey Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee.

2- Iyo hadalkii uu yiri Ilaahay -Sareeye-:

﴿وَمَا أُمِرُوا إِلَّا لِيَعْبُدُوا اللَّهَ مُخْلِصِينَ لَهُ الدِّينَ حُنَفَاءَ وَيُقِيمُوا الصَّلَاةَ...﴾

Lama amrin waxaan aheyn inay caabudaan Ilaahay keliya iyagoo isaga u gaar yeelaya cibaadada oo toosan, iyo inay oogaan Salaadda... [Suuradda Albayinah: 5].

3- Iyo hadalkii uu yiri Ilaahay -Sareeye-:

﴿فَإِنْ تَابُوا وَأَقَامُوا الصَّلَاةَ وَآتَوُا الزَّكَاةَ فَإِخْوَانُكُمْ فِي الدِّينِ...﴾

Hadday tawbad keenaan oo Salaadda oogaan, Sakadana bixiyaan waa walaalihiinna Diinta... [Suuradda Altawbah: 11].

4- Jaabir Allaha ka raalli ahaado isaga iyo Aabihiiye waxaa laga wariyey in Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu yiri:

«إِنَّ بَيْنَ الرَّجُلِ وَبَيْنَ الشِّرْكِ وَالْكُفْرِ تَرْكُ الصَّلَاةِ».

""Ninka iyo Shirkiga iyo Gaalnimada waxaa u dhexeeya Salaada oo uu ka tago"14.

5- Burayda Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee:

«العَهْدُ الَّذِي بَيْنَنَا وَبَيْنَهُمُ الصَّلَاةُ، فَمَن تَرَكَهَا فَقَدْ كَفَرَ».

"Balanta noo dhexaysa Annaga iyo iyaga waa Salaadda, kii ka tagana waa Gaaloobey"15.

Culimaduna waxay isku raaceen Gaalnimada qofkii dafira inay waajib tahay, Qofkiise uga taga ka caajisid iyo fudaydsi, waxaa sax ah inuu isna Gaal yahay, waxaana daliil u ah xaddiiskii saxiixa ahaa ee aan horay u soo maray iyo ijmaaca Saxaabada.

Tan sedexaad: Shuruudda Salaadda:

1- Soo gelidda waqtigeeda:

Waxaa u daliil ah hadalkii Ilaahay -Sareeye-:

﴿...إِنَّ ٱلصَّلَوٰةَ كَانَتۡ عَلَى ٱلۡمُؤۡمِنِينَ كِتَٰبٗا مَّوۡقُوتٗا﴾

Salaaddu waxay ku tahay Mu’miniinta waajib leh waqtiyo go’an. Suuradda Alnisaa, Macnaha: waa Waajib leh waqtiyo xadidan.

Waqtiyada Salaadaha Waajibka ahna waa sida soo socota ah:

a- Fajarka: waa laga bilaabo waabariga ilaa Qorrax soo baxa.

B- Duhurka: Waa marka ay Qorraxdu leexato ilaa shey walba iyo hooskiisu is le`ekaadaa.

J- Casarku: Waa laga bilaabo dhammaadka waqtiga duhurka ilaa ay qorraxdu jaalle noqoto, waqtiga daruuraduna waa ilaa qorrax dhaca.

d- Maqribku: waa Laga bilaabo qorrax dhaca ilaa uu ka dhaco shafaqa Guduudan.

h- Cishuhu: Waa laga bilaabo dhammaadka waqtiga Maqribka ilaa habeenkii kala bar.

2- Asturaadda cawrada:

Cawradu: waa waxa dabooliddeedu waajibka tahay, muuqashadeeduna fool xun tahay, lagana xishoodo, Cawrada ninkuna waa laga bilaabo xuddunta ilaa lawga, Dumarkuna Jirkooda oo dhan cawro ayey ku tahay Salaada, wejigeeda mooyee, Wejigeeda way daboolan markay ag joogto Rag aan Maxram u ahayn.

3- waa in laga fogaado najaasada:

Nijaasadu: waa wasakh gaar ah, oo Salaadda diideysa; sida Kaadida, Saxarada, Dhiigga iyo wixii la mid ah, waxayna ku dhacdaa jirka, Goobta lagu tukanayo, iyo Maradaba.

4 In Qiblada loo jeesto:

Qiblada waa Kacbada Sharafta leh, waxaana loogu bixiyey qiblo dadka oo u soo jeesta awgeed.

Salaaddu ma ansaxayso haddaan loo jeesan Qiblada, Waxaa u daliil ah hadalkuu yiri Ilaahay -sareeye-:

﴿...وَحَيۡثُ مَا كُنتُمۡ فَوَلُّواْ وُجُوهَكُمۡ شَطۡرَهُ...﴾

...Meel kastoo aad joogtaan, u jeediya Wejigiina xagga Qiblada... [Suuradda Albaqarah: 144].

5- Niyada:

Luuqad ahaan: waa u Qasdin, sharci ahaanna: waa go’aanka qalbiga ee ah in cibaadada la sameeyo si loogu dhowaado Ilaahay -sareeye-. Meesheedu waa Qalbiga, looma baahna in lagu dhawaaqo, ku dhawaaqiddu waa bidca.

Tan afraad: Tiirarka Salaadda:

Tiirarka Salaaddu waa afar iyo toban Tiir:

Tiirka koowaad: waa in lagu tukado taagni Qofkii awooda.

Waxaa u daliila hadalkuu yiri Ilaahay -Sareeye-:

﴿‌...وَقُومُواْ لِلَّهِ قَٰنِتِينَ﴾

Salaadda Ilaahay dartii ugu istaaga idinkoo isaga ka bayaqaya. [Suuradda Albaqarah: 238] Iyo Xaddiiska Cimraan Allaha ka raalli ahaadee isagoo loo kor yeelay Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee.

«صَلِّ قَائِمًا، فَإِن لَمْ تَسْتَطِعْ فَقَاعِدًا، فَإِن لَمْ تَسْتَطِعْ فَعَلَى جَنْبٍ».

"Ku tuko taagni, haddaad kari weydo ku tuko fadhi, hadaad kari weydo, tuko adigoo dhinac u jiifa"16.

Hadduu Jiro la istaagi waayo; wuxuu ku tukan sida xaaladdiisu tahay, isagoo fadhiya ama dhinac u jiifa, Waxaa la mida Qofka xanuusan: kan cabsanaya, kan Qaawan, iyo qofka u baahan inuu fariisto ama dhinac u jiifsado daaweyn darteed oo u baahan inuusan istaagin. Sidoo kale inuu istaagga ka tago waa loo oggol yahay, qofka ku dabo tukanaya imaam Raatib ah(waa imaamka joogtada u.ah masjidka) oo aan istaagi karin, Sidaa darteed hadduu imaamku fadhi ku tukado, kuwa ka dambeeya fadhi ayey ku tukanayaan, iyagoo raacaya imaamkooda. Way bannaan tahay in Sunnooyinka lagu tukado fadhi, xataa hadduu qofku awoodo inuu istaago, laakiin ajarku la mid noqon maayo qofka taagan oo kale.

Tiirka labaad: waa takbiirta ixraamka oo Salaadda bilowgeeda la oranayo:

Waxaana u daliil ah hadalkii Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee:

«ثُمَّ اسْتَقْبِلِ الْقِبْلَةَ، وَكَبِّرْ».

«Ka dibna Qiblada u jeeso, oo takbiiro»17.

Qaabkeedu waa in la dhaho: (Allaahu Akbar), waxaan iyada ahaynna ka ma gudayo.

Tiirka Seddexaad: waa Akhrinta Faatixada:

waxaana u daliil ah hadalkii Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee:

«لَا صَلَاةَ لِمَنْ لَمْ يَقْرَأْ بِفَاتِحَةِ الْكِتَابِ».

«Salaad malaha qofka aan akhrin Suuradda Faatixada»18.

Tiirka afaraad: waa Rukuucda Rakcad walba:

Waxaa u daliila hadalkuu yiri Ilaahay -sareeye-:

﴿يَاأَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا ارْكَعُوا وَاسْجُدُوا...﴾

Kuwa Xaqa rumeeyoow! Rukuuca oo Sujuuda... Suuradda Alxaj: 77

Tiirka shanaad iyo kan lixaad:

Waa ka soo toosidda Rukuucda, iyo in Qumaati loo istaago sidii uu ahaa markii hore, waayo Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee Nabigu wuu joogtayn jirey samayntiisa.

Nabiguna nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ku yiri ninkii salaadiisa xumeeyey:

«ثُمَّ ارْفَعْ حَتَّى تَعْتَدِلَ قَائِمًا».

""Ka dibna kor u soo qaad madaxaaga ilaa aad qumaati u istaagtid"19."

Tiirka Todobaad: waa In laga Sujuudo todobo xubnood:

Wejiga oo sanku la jiro, Sacabbada, Jilbaha, iyo Faraha Cagaha, Waxaa u daliila hadalkii Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee.

«أُمِرْنَا أَنْ نَسْجُدَ عَلَى سَبْعَةِ أَعْظُمٍ: الجَبْهَةِ، وَأَشَارَ بِيدِهِ عَلَى أَنْفِهِ، وَالكَفَّيْنِ، وَالرُّكْبَتَيْنِ، وَأَطْرَافِ القَدَمَيْنِ».

"Waxaa nala faray inaan ka Sujuudno todobo lafood: Wajiga, wuxuuna gacantiisa ku ishaaray Sankiisa, labada sacab, labada Jilbood, iyo Faraha Cagaha"20.

Tiirka sideedaad: waa Kor uga soo kicidda Sujuudda iyo Fadhiga labada Sujuudood u dhexeeya:

Waxaana u daliila Xaddiiskii Caa`isha Allaha ka raalli ahaadee:

«كَانَ النَّبِيُّ ﷺ إِذَا رَفَعَ رَأْسَهُ مِنَ السَّجْدَةِ، لَمْ يَسْجُدْ حَتَّى يَسْتَوِيَ جَالِسًا».

«Nabigu nabadgelyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ahaan jirey hadduuu madaxiisa kor uga soo qaado Sujuudda, ma Sujuudi jirin ilaa uu si fiican u fariisto»21.

Tiirka Sagaalaad: waa Dumaniino ama xasilloonida oo ah in lagu tukado tiirarka oo dhan:

Dumaniinadu: waa Xasilooni haba ku yaraato hadalkii Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ee uu ku yiri kii salaadiisa xumeeyeye:

«حَتَّى تَطْمَئِنَّ».

«Ilaa aad ka xasishid»22.

Labada Tiir: Tobnaad iyo Kow iyo Tobnaad:

Waa: Ataxiyaadka dambe iyo fadhigiisa waxaana u daliila Xaddiiska Ibnu Mascuud Allaha ka raalli noqdee ee marfuuca ah:

«إِذَا صَلَّى أَحَدُكُمْ فَلْيَقُلْ: التَّحِيَّاتُ لِلَّهِ وَالصَّلَوَاتُ وَالطَّيِّبَاتُ، السَّلَامُ عَلَيْكَ أَيُّهَا النَّبِيُّ وَرَحْمَةُ اللَّهِ وَبَرَكَاتُهُ، السَّلَامُ عَلَيْنَا وَعَلَى عِبَادِ اللَّهِ الصَّالِحِينَ، أَشْهَدُ أَنْ لَا إِلٰهَ إِلَّا اللَّهُ وَأَشْهَدُ أَنَّ مُحَمَّدًا عَبْدُهُ وَرَسُولُهُ».

«Haddii Qof idin ka mida tukado ha dhoho: Atixyaatu lillaahi wassalawaatu waddayyibaatu, asalaamu calayka ayuhannabiyyu waraxmatullaahi wabarakaatuhu, Asalaamu calaynaa wacalaa cibaadillaahisaalixiina, Ash-hadu allaa ilaaha illallaahu wa ash-hadu anna Muxammadan cabduhuu warasuuluhu»23.

Tiirka laba iyo tobnaad: Ku sallinta Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee, ataxiyaadka dambe.

Waa inuu dhoho:

«اللَّهُمَّ صَلِّ عَلَى مُحَمَّدٍ».

((Allahayoow u naxariiso Maxamad))24، Wixii intaas ka badan waa Sunne.

Tiirka Saddex iyo tobnaad: Kala hor marinta Tiirarka:

Waayo Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee si isku xigta ayuu u samayn jirey, Wuxuuna yiri:

«صَلُّوا كَمَا رَأَيْتُمُونِي أُصَلِّي».

"U tukada sidaad igu aragteen anigoo u tukanaya"25. Wuxuuna u baray ninkii salaaddiisa xumeeyey, iyadoo isku xigta oo lagu xiriiriyey xarafka «suma».

Tiirka afar iyo tobnaad: Salaama naqsiga:

Waxaa u daliila hadalkii Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee:

««‌وَخِتَامُهَا ‌التَّسْلِيمُ».

Salaadda khatinkeedu waa salaama naqsiga, Iyo hadalkii Ilaahay yiri:

«وَتَحْلِيلُهَا التَّسْلِيمُ».

«Ka xalaalowga Salaaddu waa Salaama naqsiga»26.

Tan shanaad: Waajibaadka Salaadda.

Waajibaadka Salaadu waa siddeed:

1- Dhammaan Takbiiraadka Salaadda oo aysan ku jirin takbiirta ixraamku.

2- In la dhaho: "Subxaana Rabbiyal-Cadiim" mar keliya rukuucda, Waa sunne in la gaarsiiyo seddex, waana kaamilnimada ugu yar, Iyo ilaa Toban, waana tan ugu sarraysa.

3- In la dhoho: "Samica-llaahu liman xamidah" waxaa oran imaamka iyo qofka keligii tukanaya marka rukuucda laga soo toosayo.

4- In la dhoho: "Rabbanaa walakal xamdu": ka soo kicidda rukuucda.

5- In la dhaho: "Subxaana Rabbiyal- claa" Sujuudda mar keliya, Waxaa sune ah in lagu daro ilaa seddex mar.

6- In la dhoho: "Rabbiqfir lii" fadhiga labada Sujuudood dhexdooda ah hal mar, Waa sunne in lagu daro ilaa seddex mar.

7- Ataxiyaadka hore, waa in la dhoho:

«التَّحِيَّاتُ لِلَّهِ، وَالصَّلَوَاتُ وَالطَّيِّبَاتُ، السَّلَامُ عَلَيْكَ أَيُّهَا النَّبِيُّ وَرَحْمَةُ اللَّهِ وَبَرَكَاتُهُ، السَّلَامُ عَلَيْنَا وَعَلَى عِبَادِ اللَّهِ الصَّالِحِينَ، أَشْهَدُ أَنْ لَا إِلٰهَ إِلَّا اللَّهُ وَأَشْهَدُ أَنَّ مُحَمَّدًا عَبْدُهُ وَرَسُولُهُ».

"Ataxiyyaatu Lillaahi, wasalawaatu, waddayibaatu, asalaamu calayka ayuha Nabiyu, wa raxmatu-llaahi wabarakaatuh, asalaamu calaynaa wa calaa cibaadi-llaahi saalixiina. Ash-hadu allaa Ilaaha Ila llaah wa ash-hadu anna Muxamadan cabduhu wa Rasuuluhu."

Macnaha: Salaam, salaad iyo wanaag oo dhan Ilaahay ayey u sugnaadeen, nabad gelyo naxariis Allaha siiyo Nabiyahaw, naxariista Ilaahay iyo barakooyinkiisa, ha ahaadeen korkaaga. salaan korkayaga ha ahaato iyo korka adoomaha Ilaahay ee wanaagsan, waxaan qirayaa inuusan jirin Ilaah xaq lagu caabudo Allaha xaqa ah mooyee, waxaan kaloo qirayaa in Muxammad yahay addoonkiisa iyo Rasuulkiisa.27

8- Fadhiga Ataxiyaadka hore.

Tan lixaad: Sunnooyinka Salaadda:

Sunnooyinka Salaadda, salaaddu kuma burto haddii laga tago, Waxayna labo qaybood: Sunne hadal ah, iyo Sunne ficli ah.

Tan Kowaad: Sunooyinka hadalka ah:

1- Ducada istiftaaxa, waxayna leedahay dhawr qaab, waxaana ka mid ah:

«سُبْحَانَكَ اللَّهُمَّ وَبِحَمْدِكَ، وَتَبَارَكَ اسْمُكَ، وَتَعَالى جَدُّكَ، وَلَا إِلٰهَ غَيْرُكَ».

"Subxaanaka-llaahumma wa bixamdika, wa tabaarakasmuka, wa tacaalaa jadduka, walaa Ilaaha qeyruka".

Macnaha: "Alloow adigaa ka hufan xumaan, amaan oo idil iyo mahadna leh, Magacaaguna waa barako badan yahay, sharaftaaduna kor ahaatay, ma jiro Ilaah xaq lagu caabudo oo aan Adiga aheyn"28 .

2- In shaydaanka laga magan galo Faatixada ka hor, Waana in la dhaho: «Ilaahay ayaan ka magan gelayaa shaydaanka la fogeeyay».

" Acuudu Billaahi mina Shaydaani Rajiim".

3- Akhrinta bisinka ka hor intaan la bilaabin akhrinta, Waa hadalka: "Bismi Allaahi-raxmaani-raxiim".

4- Waa Sune wixii ka badan hal mar tasbiixda Rukuucda iyo Sujuudda.

5- Waa Sunne wixii ka badan hal mar oo la dhaho:

«رَبِّ اغْفِرْ لِي».

"«Rabiyoow ii danbi dhaaf»" Waxaa lagu oran: Labada sujuudood dhexdooda.

6- Wuxuu oran:

«مَلْءَ السَّمَاوَاتِ، وَمَلْءَ الْأَرْضِ، وَمَلْءَ مَا بَيْنَهُمَا، وَمَلْءَ مَا شِئْتَ مِنْ شَيْءٍ بَعْدُ».

«Mugga Samooyinka, iyo mugga dhulka, iyo mugga waxa u dhaxeeya, iyo mugga waxaad doonto intaas ka dib», Wuxuu oran ka dib hadalka:

«رَبَّنَا ولَكَ الحَمْدُ».

"Rabbanaa walakal xamdu"29.

7- In la Akhriyo Quraan Faatixada ka dib.

8- Waa Sunne in la dhaho:

«اللَّهُمَّ إِنِّي أَعُوذُ بِكَ مِنْ عَذَابِ جَهَنَّمَ، وَمِنْ عَذَابِ الْقَبْرِ، وَمِنْ فِتْنَةِ الْمَحْيَا وَالْمَمَاتِ، وَمِنْ فِتْنَةِ الْمَسِيحِ الدَّجَّالِ».

«Allahayoow waxaan kaa magan gelayaa cadaabta jahannama, cadaabta qabriga, fitnada nolosha iyo dhimashada, iyo fitnada masiixu dajaal»30. Iyo wixii intaas ka badan oo duco ah ee la akhriyo Atixyaadka danbe.

Tan labaad: sunooyinka ficilka ah:

1- Kor u qaadidda labada gacmood iyadoo la la simayo Garbaha ama Dhegaha afar meelood:

A- Marka lagu dhawaaqayo takbiirta ixraamka.

B- Marka la Rukuucayo.

J- Marka laga soo kacayo Rukuucda.

D- Marka loo kacayo Rakcadda seddexaad.

2- Gacanta Midig oo la saaro Gacanta Bidix, Laabta korkeedana la saaro marka la taagan yahay, iyo Rukuucda ka hor iyo ka dibba.

3- in la eego halka lagu Sujuudayo.

4- Labada Cudud in laga fogeeyo dhinacyada marka la Sujuudayo.

5- Caloosha in laga fogeeyo labada Bowdo marka la Sujuudayo.

6- In Cagta la goglo fadhiyada salaadda oo dhan, marka laga reebo Ataxiyaadka danbe ee salaadda seddexda Rakco ah iyo tan afarta Rakco ah.

7- Ataxiyaadka dambe in Sinta lagu fadhiisto salaadaha seddexda ama afarta rakco ah.

Tan Todobaad: Qaabka Salaadda:

1- Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee markuu salaadda u istaago, wuxuu u jeesan jirey Qiblada, Gacmihiisana kor ayuu u qaadi jirey, isagoo gudaha farahiisa u jeedinaya Qiblada, wuxuuna oran jirey:

«اللهُ أَكْبَرُ».

" Allaahu Akbar ", Ilaahay ayaa Weyn

2- Ka dibna wuxuu Gacantiisa Midig ku qabsan jirey Gacantiisa Bidix oo saari jirey Laabtiisa.

3- Ka dibna wuxuu oran jirey Ducada istiftaaxa hal istiftaaxna kuma koobnaan jirin, Dhammaan ducooyinka salaadda lagu furfurto ee sugan waa bannaan tahay in la la yimaado, waxaana ka mid ah:

«سُبْحَانَكَ اللَّهُمَّ وَبِحَمْدِكَ، وَتَبَارَكَ اسْمُكَ، وَتَعَالى جَدُّكَ، وَلَا إِلٰهَ غَيْرُكَ».

"Subxaanaka-llaahumma wa bixamdika, wa tabaaraka-smuka, wa tacaalaa jadduka, walaa iIaaha qeyruka"

Macnha: "Alloow adigaa ka hufan xumaan, amaan oo idil iyo mahadna leh, Magacaaguna barako badan yahay, sharaftaaduna kor ahaatay, ma jiro Ilaah xaq lagu caabudo oo aan Adiga aheyn".

4- Ka dib wuxuu oran:

«أَعُوذُ بِاللَّهِ مِنَ الشَّيْطَانِ الرَّجِيمِ، بِسْمِ اللَّهِ الرَّحْمَٰنِ الرَّحِيمِ».

"Acuudu billaahi mina Shaydaanirrajiim, Bismi-llaahi-rraxmaani Rraxiim".

Macnaha: "Waxaan Ilaahay ka magan gelayaa Shaydaanka la fogeeyey, waxaanan ku bilaabayaa Magaca Allaha Naxariista guud iyo tan gaarka ahba leh".

5- Ka dibna wuxuu akhrin Faatixada, markuu dhameeyo wuxuu oran: «Aamiin».

6- Ka dibna wuxuu akhrin wixii u fududaada oo Qur’aanka ah, Wuxuuna kor u qaadayaa akhrinta Salaadda Subax, iyo labada Rakcadood ee hore ee Salaadaha Maqribka iyo Cishaha, Wuuna siraysanayaa Akhrinta wixii intaas ka soo hayray. Wuuna ka dheeraynayaa rakcadda koowaad ee Salaad kasta midda labaad.

7- Ka dib wuxuu kor u qaadayaa labadiisa Gacmood, siduu ugu qaaday istiftaaxii, Ka dib wuxuu oran: (Allaahu akbar), Wuxuuna u soo hooban Rukuuca, Gacmihiisa wuxuu saarayaa jilbihiisa farahiisa oo fidsan, wuuna ku adkayn, dhabarkiisana wuu simi oo Madaxiisa ku aadin; isagoon kor u qaadin hoosna u dhigin, Wuxuu oran:

«سُبْحَانَ رَبِّيَ الْعَظِيمِ» مرةً.

"«Subxaana Rabbiyal Cadiim» mar keliya," Kaamil ahaanteeda waxaa u yar: Seddex jeer, sidaan horay u sheegnay.

8- Ka dibna Madaxiisa ayuu kor u soo qaadin isagoo oranaya:

«سَمِعَ اللَّهُ لِمَنْ حَمِدَهُ».

"Samica Allaahu liman Xamidah" Gacmihiisa ayuu kor u qaadin siduu kor ugu qaaday Rukuucii.

9- Markuu toos u soo kaco wuxuu oran:

«اللَّهُمَّ رَبَّنَا وَلَكَ الْحَمْدُ، حَمْدًا كَثِيرًا طَيِّبًا مُبَارَكًا فِيهِ، مَلْءَ السَّمَاءِ، وَمَلْءَ الْأَرْضِ، وَمَلْءَ مَا بَيْنَهُمَا، وَمَلْءَ مَا شِئْتَ مِنْ شَيْءٍ بَعْدُ، أَهْلَ الثَّنَاءِ وَالْمَجْدِ، أَحَقُّ مَا قَالَ الْعَبْدُ، وَكُلُّنَا لَكَ عَبْدٌ، لَا مَانِعَ لِمَا أَعْطَيْتَ، وَلَا مُعْطِيَ لِمَا مَنَعْتَ، وَلَا يَنْفَعُ ذَا الْجَدِّ مِنْكَ الْجَدُّ» .

«Allaahumma Rabbanaa walaka-lxamdu, xamdan kasiiran dayiban mubaarakan fiihi, mil'a Samaa'i, wa mil'al-Ardi, wa mil'a maa baynahumaa, wa mil'a maa shi'ta min shey'in bacdu, Ahla Sanaa wal majdi, Axaqqu maa qaalal-Cabdu, wa kullunaa lakal-Cabdu, laa maanica limaa acdayta, walaa mucdiya limaa manacta, walaa yanfacu dal jaddu minkal-jad»31 . Nabigu waa dheereyn jirey ictidaalkan.

10- Ka dibna wuu takbiirsan, Sujuudda ayuuna u hooban, Gacmihiisana kor u qaadi maayo, Wuxuuna ku Sujuudi Wajigiisa, Sankiisa, Sacabadiisa, Jilbihiisa, iyo Faraha Cagahiisa, Faraha Gacmihiisa iyo Lugihiisa qiblada ayuu u jeedin, Wuuna ku toosnaan Sujuudiisa, wuxuuna dhulka dhigayaa wejigiisa iyo Sankiisa, Wuxuuna cuskanayaa Calaacalihiisa, oo kor u qaadi Suxuladiisa. Wuxuuna labadiisa Cudud ka fogeyn labadiisa dhinac, Calooshiisa kor ayuu uga qaadi labadiisa Bowdo. Labadiisa Bawdana wuu ka fogeyn labadiisa dhudhun/lugood, Wuxuuna ku oran Sujuudiisa:

«سُبْحَانَ رَبِّيَ الأَعْلَى».

Xumaan waxaa ka hufan Rabbigayga Sare. Hal mar. Inta kaamilka ah waxaa ugu yar seddex jeer, sidaan soo sheegnay, Wuuna ku duceysan wixii soo arooray.

11- Ka dibna Madaxiisa ayuu kor u qaadi isagoo oranaya: "Allaahu akbar", Ka dibna wuxuu goglayaa Lugtiisa Bidix wuuna ku fariisan, Lugta Midigna wuu qotomin, Gacmihiisana wuxuu saarayaa labadiisa Bawdo, ka dibna wuxuu oran:

«اللَّهُمَّ اغْفِرْ لِي، وَارْحَمْنِي، وَاجْبُرْنِي، وَاهْدِنِي، وَارْزُقْنِي».

«Allaahumma iqfir lii warxamnii wajburnii wahdinii warsuqnii»32.

12- Ka dibna wuu takbiirsan oo Sujuudi, Rakcadda labaadna wuxuu ku sameyn siduu ku sameeyey Rakcaddii koowaad.

13- Ka dibna Madaxiisa ayuu kor u qaadi isagoo oranaya: "Allaahu akbar", wuuna ku kicin Fooda faraha Cagahiisa, isagoo ku taagan Jilbihiisa iyo Bawdyihiisa.

14- ka dibna markuu qumaati u istaago, ayuu bilaabi akhrinta Qur'aanka, Rakcadda labaadna wuxuu u tukan siduu u tukadey Rakcaddii koowaad.

15- Ka dibna wuxuu u fariisan Ataxiyaadka hore, isagoo goglaaya lugtiisa siduu u fariistay labada Sujuudood dhexdooda. Gacantiisa Midigna wuxuu saari Bawdadiisa Midig, Gacantiisa Bidixna Bowdadiisa bidix, Suulka Gacantiisa Midigna wuxuu saari Far dhexada sidii giraangir oo kale. Fartiisa Murugsatadana, wuu ku ishaari, wuuna eegi iyada, Wuxuuna oran:

«التَّحِيَّاتُ لِلَّهِ وَالصَّلَوَاتُ وَالطَّيِّبَاتُ، السَّلَامُ عَلَيْكَ أَيُّهَا النَّبِيُّ وَرَحْمَةُ اللَّهِ وَبَرَكَاتُهُ، السَّلَامُ عَلَيْنَا وَعَلَى عِبَادِ اللَّهِ الصَّالِحِينَ، أَشْهَدُ أَنْ لَا إِلٰهَ إِلَّا اللَّهُ وَحْدَهُ لَا شَرِيكَ لَهُ، وَأَشْهَدُ أَنَّ مُحَمَّدًا عَبْدُهُ وَرَسُولُهُ».

Atixyaatu lillaahi wa salawaatu waddayibaatu, Asalaamu calayka ayuha Nabiyu wa raxmatu-

llaahi wa barakaatuh, Asalaamu calaynaa wacalaa cibaadi-llaahi saalixiina, Ash-hadu allaa Ilaaha ila-llaah waxdahuu laa shariika lahu, wa ash-hadu anna Muxamadan cabduhu wa Rasuuluh.

Macnaha:Salaamo, salaado iyo wanaagyo Ilaahay ayey u sugnaadeen, nabad gelyo korkaaga ha ahaato Nabiyahow, naxariistii Ilaahay iyo barakooyinkiisa. Salaan korkayaga ha ahaato iyo korka addoomaha Ilaahay ee wanaagsan, waxaan qirayaa inuusan jirin ilaah xaq lagu caabudo Ilaahay mooyee, keligiis oo aan shariig lahayn, waxaan kaloo qirayaa in Muxamed yahay addoonkiisa iyo Rasuulkiisa. Nabigu wuu soo gaabin jiray fadhigaan.

16- Ka dibna wuxuu u kici isagoo takbiirsanaya, wuxuuna tukan Rakcadda seddexaad iyo tan afraad, wuuna ka khafiifin labadii hore. Wuxuuna ku akhrin labadoodaba Faatixada.

17- Ka dibna Sinta ayuu ugu fariisan Ataxiyaadka dambe, Sin fariisigu waa inuu Lugtiisa Bidix uu goglo oo ka soo bixiyo dhinaca Midig, Lugta Midigna qotomiyo, salkiisana dhulka dhigo.

18- Ka dibna wuu akhrinayaa Ataxiyaadka dambe, waana sida Ataxiyaadka hore, Wuxuuna ku siyaadin:

«اللَّهُمَّ صَلِّ عَلَى مُحَمَّدٍ وَعَلَى آلِ مُحَمَّدٍ، كَمَا صَلَّيْتَ عَلَى آلِ إِبْرَاهِيمَ، إِنَّكَ حَمِيدٌ مَجِيدٌ، وَبَارِكْ عَلَى مُحَمَّدٍ وَعَلَى آلِ مُحَمَّدٍ، كَمَا بَارَكْتَ عَلَى آلِ إِبْرَاهِيمَ، إِنَّكَ حَمِيدٌ مَجِيدٌ».

«Allaahuma salli calaa Muxamadin wa calaa aali Muxamad, kamaa sallayta calaa aali Ibraahiima, inaka xamiidun majiid. Wa baarik calaa Muxamadin wa calaa aali Muxamad, kamaa baarakta calaa aali Ibraahiima, inaka xamiidun majiid».

Macnaha: Alloow ku salli Muxamad, iyo reer Maxamed, sidaad ugu salliday reer Ibraahiim, Adigu waxaad tahay mid Mahad Badane oo Sharaf Badan. Alloow barakee Muxamad, iyo reer Muxamad, sidaad u barakeysay reer Ibraahiim, Adigu waxaad tahay mid Mahad Badane oo Sharaf Badane.

19- Wuxuuna Ilaahay ka magan gelayaa cadaabta Jahanama, cadaabta Qabriga, iyo fitnada nolosha iyo geerida, iyo fitnada Masiixu Dajaalka. Wuxuuna ku duceysan ducooyinkii ku soo arooray Kitaabka iyo Sunada.

20- Ka dibna wuxuu u salaama naqsan xagga Midigtiisa, wuxuuna oran:

«السَّلاَمُ عَلَيْكُمْ وَرَحْمَةُ اللَّهِ».

Nabad gelyo iyo naxariis Allaha idin siiyo, Dhinaciisa Bidixna sidoo kale; Salaanta wuxuu ku bilaabayaa isagoo Qiblada u jeeda, wuxuuna ku dhameynayaa marka jaleecidiisu dhamaado.

Tan Siddeedaad: Waxyaabaha Salaadda karaahada ku ah:

1- Fiirfiirinta salaadda dhexdeda ee aan loo baahnayn.

2- In Samada la fiiriyo.

3- In indhaha la isku qabto iyadoon loo baahnayn.

4- Labada Dhudhun in Dhulka la dhigo wakhtiga Sujuuda.

5- In la duubto Afka iyo Sanka iyadoo aan baahi jirin.

6- In la tukado iyadoo la isku celinayo Kaadida ama Saxarada, ama ay taallo cunto uu qofku aad ugu baahi qabo.

7- Inuu Wajigiisa iyo Sankiisa ka masaxo raadka Sujuudda ee ku dhegay, dhibna ma laha in la masaxo marka Salaadda laga baxo ka dib.

8- In Derbi iyo wax la mida lagu tiirsado marka la taagan yahay iyadoo aan baahi loo qabin.

Tan Sagaalaad: Waxyaabaha Buriya Salaadda:

1- Cunida iyo cabida.

2- Hadalka aan Salaadda la xiriirin.

3. Qosolka iyo Gahgahda.

4- In u la kac looga tego mid ka mida arkaanta Salaadda ama waajibyadeeda.

5- In Salaadda si u la kac ah loogu daro Rukni ama Rakco.

6- In si u la kac ah loo Salaama naqsado imaamka ka hor.

7- Dhaqdhaqaaqa badan ee is xiga oo aan nooca salaada ahayn, ee aan baahi loo qabin.

8- In la la yimaado wax ka hor imaanaya mid ka mid ah shuruudaha salaadda, sida: in weysadu burto, in cawrada la feydo si u la kaca ah, in jirka aad looga leexiyo qiblada iyadoon daruuro iyo niyad ka bixid ahi jirin.

Tan tobnaad: Sujuuda Sahwiga

Sahwigu: waa Ilowshaha, Nabiguna nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuu ku sahwiyey salaada; maxaa yeelay sahwigu waa wax ka mid ah dabeecada Aadanaha, Nabiga sahwigiisu wuxuu ahaa dhamaystirka nicmada Ilaahay siiyey Ummaddiisa iyo taamyeelida Diintooda, si ay ugu daydaan wixii uu u jideeyey markay Sahwiyaan.

Asbaabta loo jideeyey Sujuuda Sahwiga:

xaaladda Koowaad:

Siyaadada Salaada, waana siyaado Camal ah ama Hadal ah:

A- Siyaado ficilka ah: waa haddii siyaadadu tahay mid la nooc ah ficilka salaadda: sida istaaga meeshii fadhiga, iyo fadhiga meeshii istaaga, ama uu ku daro Rukuuc ama Sujuud, haduu falkaas kaga dhaco hilmaam ahaan; wuxuu sujuudayaa sujuuda sahwi.

b- Siyaadada hadalka ah: sida in lagu akhriyo Rukuuca ama Sujuuda,

Hadduu sidaa yeelo; waxaa Sunne ah in uu la yimaado Sujuud Sahwi.

2- Xaaladda Labaad:

In salaadda wax laga dhimo sahwi ahaan, waana labo arimood midood:

A- Ka tegidda tiir: Haduu tiirkaasi yahay Takbiiratul Ixraamka, Salaadiisii ma ansaxayso, waxna u tari ymayso Sujuudda sahwigu. Hadduuse yahay tiir aan ahayn Takbiirta Ixraamka, sida Rukuuca ama sujuuda, oo uu xasuusto ka hor inta uusan bilaabin akhriska Rakcad kale; waa waajib inuu soo laabto, oo uu la yimaado isaga iyo wixii ka dambeeyeyba.

Hadduuse xasuusto ka dib markuu bilaabay akhrinta Rakcada kale, wey burtay Rakcadii uu ka tagey, waxaana booskeeda gelaya Rakcadii ku xigtey.

B- Ka tegidda waajib: sida: illowga Atixyaadka hore, ama Tasbiixda Rukuuca. Xaalaaddaas: wuxuu Sujuudayaa Sujuud Sahwi.

3- Xaaladda Seddexaad: Shakiga:

Tusaale: Hadduu ka shakiyo salaadda duhur, oo uu garan waayo seddex miyuu tukaday mise afar, xaaladaas:

A- Hadduu dhinac u bato; wuu ku camal falayaa, wuuna sujuudayaa sujuuda sahwiga.

B- Hadduu dhinacna u daban waayo; wuxuu qabsan intuu hubo wuuna kamili, wuxuuna Sujuudayaa Sujuudu Sahwiga.

Haddiise shakigu yahay salaadda ka dib, ama uu yahay Qof shaki badan; ma qiimaynayo shakigaas.

Faa'iido: Sujuudda Sahwiga waxa la sameeyaa salaama naqsiga ka hor: hadday ka dhalatay nuqsaan, ama shaki uusan waxba rajixin. Wuxuu kaloo noqdaa Salaama naqsida ka dib: haduu ka yimid siyaado, ama shaki uu ku camal falay wixii u rajaxmey, Arrinkaasina qofka Alle cidhiidhi kagama dhigine waa waasac Inshaa Allaah.

 

 

Tan Kow iyoTobnaad: Waqtiyada Salaada la diiday:

Asalku waa in Salaaddu bannaan tahay waqti walba, Laakiin waxaa shareecada lagu reebay Salaadda waqtiyada qaarkood, waana sidan:

1- Salaadda Fajarka ka dib ilaa ay Qoraxdu kor u kacdo qadar le`eg waran marka isha lagu eego.

2- Markay Qorraxdu istaagto Samada dhexdeeda ilaa ay leexato, waana waqtiga ugu gaaban waqtiyada la diiday Salaada.

3- Salaadda Casar ka dib ilaa ay qoraxdu dhacdo, waana waqtiga ugu dheer waqtiyada la diiday Salaadda.

Salaadaha la tukan karo waqtiyada salaada la reebay:

1- Qallaynta Salaada Faralka ee tegay.

2- Salaadaha sababaha leh, sida: taxiyatu Masjidka, labada Rakcadood ee Dawaafka, Salaadda Kusuufka, iyo Salaadda Janaasada.

3- Qalaynta Sunnaha Subaxa Salaadda Subax ka dib.

Tan laba iyo tobnaad: Salaadda Jamaacadda.

Waana Astaan weyn oo ka mid ah Astaamaha Islaamka, waana Salaada Jamaacada ee Masaajida lagu tukado, Muslimiintu waxay isku raaceen gudashada Salaadaha shanta ah in Masaajida lagu tukado ay ka mid tahay Cibaadada ugu muhiimsan ee ugu weyn wax Ilaahay loogu dhawaado, bale waa Astaanta ugu weyn Islaamka.

1- Xugunka Salaadda Jamaacada:

Salaadda Jamaacada waa ku waajib inay Masjidka shanta salaadood ku gutaan ragga awooda u leh. Ragga deggen iyo kuwa Safarkaba, Waana waajib cayni ah xaalada Amniga iyo tan Cabsidaba.

Waxaana daliil u ah waajibnimada Salaada jamaacada: Kitaabka iyo Sunada, iyo Camalka Muslimiinta oo Qarniba gaarsiinayey Qarni oo Qoloba ka dhaxlaysey Qolo.

Xagga Kitaabka: waa hadalka Ilaahay -sareeye- yiri:

﴿وَإِذَا كُنتَ فِيهِمۡ فَأَقَمۡتَ لَهُمُ ٱلصَّلَوٰةَ فَلۡتَقُمۡ طَآئِفَةٞ مِّنۡهُم مَّعَكَ...﴾

Nabiyow markaad dhex joogto, oo aad u oogto salaada, ha ku la tukato koox iyaga ka mid ah ... [Suurada ANisaa: 102]. Aayadu waxay tusaysaa in la adkeeyey waajibnimada Salaada Jamaacada, loo ma Ruqsayn Muslimiintu inay ka tagaan Salaadda iyagoo ku jirey xaalad cabsi ah, Haddii aysan waajib ahayn, cudurdaarka ugu mudan in looga tago Salaada wuxuu noqon lahaa cabsida. Ka tegidda Salaadda jamaacada iyo in laga cago jiido waa astaamaha munaafiqiinta ee ugu caansan.

Iyo Sunnada: waxaa ka mida Axaadiis badan:

Waxa ku sugan Saxiixa Muslim

أَنَّ رَجُلًا أَعْمَى قَالَ: يَا رَسُولَ اللَّهِ، لَيْسَ لِي قَائِدٌ يَقُودُنِي إِلَى الْمَسْجِدِ، فَسَأَلَهُ أَنْ يُرَخِّصَ لَهُ أَنْ يُصَلِّيَ فِي بَيْتِهِ، فَرَخَّصَ لَهُ، فَلَمَّا وَلَّى دَعَاهُ فَقَالَ: «هَلْ تَسْمَعُ النِّدَاءَ؟» قَالَ: نَعَمْ، قَالَ: «فَأَجِبْ».

In nin indhoole ah uu yiri: Rasuulka Ilaahayoow, mahaysto Qof masaajidka ii kexeeya, wuxuuna waydiistay inuu u fasaxo inuu Gurigiisa ku tukado, wuuna u fasaxay, markuu ka dhaqaaqay ayuu u yeeray, wuxuuna ku yiri: «Aadaanka ma maqashaa?» wuxuu yiri: Haa, wuxuu yiri: «Ajiib»33.

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu faray inuu u yimaado Masaajidka Salaadda jamaacada iyo inuu ajiibo Aadaanka, isagoo indhoole ah oo dhib kala kulmaya, Taasina waxay ku tusaysaa inay waajib tahay Salaada Jamaacadu.

2- Waxa lagu gaaro Jamaacada:

Jamaacada waxaa lagu soo gaaraa in Rakcad la la tukado Iimaamka. Waayo Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri:

«مَنْ أَدْرَكَ رَكْعَةً مِنَ الصَّلَاةِ فَقَدْ أَدْرَكَ الصَّلَاةَ».

“Qofka Salaada Jamaacada ka soo gaara Rakcad wuu soo gaaray Salaadii”34.

3- Waxa lagu gaaro Rakcada:

Rakcada waxaa lagu soo gaaraa Rukuuca, Qofkii imaamkiisu ka hor maray hadduu ku soo gaaro isagoo Rukuucsan: waxaa waajib ku ah inuu takbiirsado Takbiirtul Ixraamkii isagoo taagan, ka dibna uu Rukuuco isagoo mar kale u takbiirsanaya Rukuucda, Hadduuse ku gaabsado takbiirta ixraamka isagoo taagan, wey ka gudeysaa takbiirta Rukuuca.

4- Cudur-daarada u banneeya Qofku inuu ka tego Salaadda Jamaacadda:

1- Cudurka hadduu dhib ku yahay inuu yimaado Jumcaha iyo Jamaacada.

2- Isku celinta kaadida ama saxarada; maxaa yeelay waxay lumisaa khushuucda Salaada, waxayna dhib u leedahay jirka.

3- In Cunto loo keeno Qofkii oo gaajeysan ama naftiisu rabto cuntada, iyadoo aan laga dhiganeyn taas caado ama xeelad looga haro Salaada jamaacada.

4- Cabsida dhabta ah ee loo Cabsado Nafta, ama Maalka, ama wixii la mid ah.

Tan seddex iyo tobnaad: Salaadda Cabsida:

Salaadda Cabsida waxaa loo jideeyey dagaal kasta oo bannaan, sida la dagaalanka Gaalada, kuwa dulmiga wada, iyo dhagar qabayaasha, waayo Ilaahay kor ahaaye wuxuu yiri:

﴿...إِنۡ خِفۡتُمۡ أَن يَفۡتِنَكُمُ ٱلَّذِينَ كَفَرُوٓاْ...﴾

...Hadaad ka cabsataan inay dhibaato idiin geystaan Gaaladu... [Suuradda Anisaa: 101]. Sidaas oo kale uga qiyaas qaado kuwa kale ee ay banaan tahay in la la dagaalamo.

Salaadda Cabsidu waxay leedahay labo shardi:

1) In cadowgu yahay mid la dagaalkiisu bannaan yahay.

2) In laga cabsado inuu Muslimiinta soo weeraro xilliga salaada.

Qaabka loo tukado Salaadda Cabsida:

Waxay leedahay qaabab badan, waxaana ugu caansan sida ku soo aroortay xadiiska Sahal Allaha ka raalli noqdee:

أَنَّ طَائِفَةً صَفَّتْ مَعَ النَّبِي ﷺ، وَطَائِفَةً وِجَاهَ العَدُوِّ، فَصَلَّى بِالَّتِي مَعَهُ رَكْعَةً، ثُمَّ ثَبَتَ قَائِمًا، وَأَتَمُّوا لِأَنْفُسِهِمْ، ثُمَّ انْصَرَفُوا، وَصَفُّوا وِجَاهَ العَدُوِّ، وَجَاءَتِ الطَّائِفَةُ الأُخْرَى، فَصَلَّى بِهِمُ الرَّكْعَةَ الَّتِي بَقِيَتْ مِنْ صَلَاتِهِ، ثُمَّ ثَبَتَ جَالِسًا، وَأَتَمُّوا لِأَنْفُسِهِمْ، ثُمَّ سَلَّمَ بِهِمْ.

koox ayaa la saftay Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee, koox kalena cadowga ayey ka soo hor istaagtay, Qoladii la jirtey Nabiga hal Rakco ayuu tujiyey, ka dibna wuu istaagay, iyaguna wey dhamaysteen, ka dibna wey baxeen, oo cadowgii hor istaageen, Qoladii kale ayaa timid oo la tukaday Nabiga Rakcadii Salaaddiisa uga hartay, ka dibna wuu fariistay, iyaguna wey dhamysteen Salaaddii, ka dibna wuu la salaama naqsaday.35

Salaadda Cabsida waxaan ka faa`iideynaa:

1- Muhimadda ay Salaaddu ku leedahay Islaamka, iyo ahmiyadda salaadsa jamaacada, iyadoon laga tegeyn xataa xaaladaha adag.

2- In Ummaddan laga qaaday wixii dhib ku ah, iyo wanaagga Shareecada iyo inay ku haboon tahay goor walba iyo goob walba.

3- In Shareecada Islaamku tahay kaamil, oo xaalad walba loo jideeyey wixii ku habboonaa.

Tan Afar iyo Tobnaad: Salaadda Jumcada:

Tan Kowaad: Xukunkeeda:

Salaada Jumcada waa faral ku waajib ah Muslim kasta oo lab ah, qaan gaar ah, caaqil ah, ku sugan degaankiisa, oo aan cudurdaar lahayn.

Waxaa u daliila hadalkii Ilaahay -sareeye- yiri:

﴿يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوٓاْ إِذَا نُودِيَ لِلصَّلَوٰةِ مِن يَوۡمِ ٱلۡجُمُعَةِ فَٱسۡعَوۡاْ إِلَىٰ ذِكۡرِ ٱللَّهِ وَذَرُواْ ٱلۡبَيۡعَۚ ذَٰلِكُمۡ خَيۡرٞ لَّكُمۡ إِن كُنتُمۡ تَعۡلَمُونَ 9﴾

Kuwa Xaqa rumeeyoow! Marka la isugu yeero Salaadda Maalinta Jimcaha, u degedga Xuska Ilaahay, kana tega ganacsiga, sidaas baa idiin khayr badan, haddaad ogtihiine. [Suuradda Aljumca: 9].

Waxaa kaloo u daliila hadalkii Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee yiri:

«لَيَنْتَهِيَنَّ أَقْوَامٌ عَنْ وَدْعِهِمُ الْجُمُعَاتِ، أَوْ لَيَخْتِمَنَّ اللَّهُ عَلَى قُلُوبِهِمْ، ثُمَّ لَيَكُونُنَّ مِنَ الْغَافِلِينَ».

" Wey iska deynayaan Qolada ka tegeysa Jumcada, ama Ilaahay ayaa dabooli doona Qalbigooda waxayna ka mid noqon doonaan kuwa Qaafiliinta ah"36."

Tan labaad: Shuruuda ay ku ansaxayso Salaada Jumcadu:

ا) Waqtiga: Waqtigeedu waa waqtiga Salaada Duhurka, Ma ansaxeyso waqtigeeda ka hor, iyo markuu waqtigeedu baxo ka dib.

2) In jamaaco lagu tukado, jamaacaduna ugu yaraan waa seddex qof, sida saxda ah, Kama ansaxayso Qof keli ah, iyo labo Qof.

3) Waa in dadka tukanayaa yihiin kuwo deggen guryo ka dhisan wixii la caddeystey in Guryo laga dhisto, Waa isku mid hadday ka dhisan yihiin shamiito la xoojiyey, dhagaxaan, dhoobo iyo wixii la mida, Sidaa awgeed, kama ansaxayso dadka reer miyiga ah ee dega teendhooyinka iyo aqallada dhogorta ah, kuwaas oo aan lahayn meel deegaan u ah oo sugan, balse ah kuwo guurguura oo daaqa u raaca xoolahooda.

4) Waa inay ka horrayso laba khudbadood, maadaama uu Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee labada khudbo joogtayn jirey.

Tan seddexaad: Arkaanta labada khudbadood ee Jumcada:

1- Xamdiga Ilaahay iyo labada Ashahaado.

2- Salliga Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee.

3- In la isu dardaarmo cabsida Ilaahay.

4- Akhrinta shey ka mida Qur'aanka.

5- Waanada.

Tan Afaraad: Sunooyinka labada khudbadood ee Jumcada:

1- In khudbada Minbar laga jeediyo.

2- In labada khudbadood lagu kala saaro fadhi yar oo khafiif ah. 3- In labada khudbo loogu duceeyo Muslimiinta iyo Madaxdooda.

4- Labada khudbadood oo la gaabiyo.

5- khadiibku inuu Salaamo dadka marka uu Minbarka korayo.

Tan Shanaad: Sunooyinka Maalinta Jumcaha:

1- In la Cadaydo.

2- In Cadar la marsado haddii la helo.

3- In horay loo tego Salaadda Jumcada.

4- In Masjidka lug lagu aado ee aan gaadiid la fuulin.

5- In lagu dhowaado iimaamka.

6- Ducada.

7- In la Akhriyo Suuradda Alkahfi.

8- In lagu salliyo Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee.

Tan lixaad: Waxa laga reebay Qofka Salaadda Jumcada yimid:

1- Waa xaaraan hadalku iyadoo Imaamku khudbaynaayo Maalinta Jumcada, waayo Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri:

«إِذَا قُلْتَ لِصَاحِبِكَ يَوْمَ الْجُمُعَةِ: أَنصِتْ، وَالْإِمَامُ يَخْطُبُ، فَقَدْ لَغَوْتَ».

(Haddaad ku tidhaaho Saaxiibkaa Maalinta Jumcada: aammus, iyadoo Imaamku khudbaynaayo, laqwi ayaad la timid)37. Macnaha: waxaad tiri waa laqwi, laqwiguna waa Dambi.

2- Waa karaahiyo in dadka qoortooda laga soo talaabsado, inuu Imaam yahay mooyee, ama in loo gudbayo meel bannaan oo aan si kale lagu gaari karin.

Gaarista Jumcada:

Qofkii Rukuuca Rakcadda labaad ku soo gaara Imaamka Salaadda Jumcada, wuu soo gaaray Jumcadii, wuuna dhamaystiran labo Rakco, Haddii uusan ku soo gaarin Rukuuca Rakcadda labaadna; waa dhaaftay Salaaddii Jumcadu, wuxuuna dhammaystiran Duhur afar Rakco ah, Waxaa la mida Qofkii Salaadda Jumcadu ku dhaafto hurdo ama sabab kale, wuxuu tukanayaa Duhur.

Tan Shan iyo Tobnaad: Salaadda Dadka Cudurdaarka leh:

Tan koowaad: Salaadda Qofka jiran:

Tan1aad: Waa waajib in Qofka jirran u guto Salaadda siduu awoodi karo, Umana bannaana inuu ka dib dhigo waqtigeeda, inta caqligiisu joogo.

Tan 2aad: Sidee ayuu u tukan qofka jirran?:

1- Qofka jirran waxaa ku waajiba inuu istaagga ku tukado haddii uu awoodo istaagga dhib iyo dhibaato la'aan, oo uu Rukuuco Sujuudana.

2- Haddii Qofku ku dhibtoonayo Rukuucda ama Sujuudda isagoo awooda inuu istaago, wuxuu Rukuucda u foorarsanayaa isagoo taagan, Sujuudana isagoo fadhiya.

3- Hadduu kari waayo inuu ku tukado istaaga, ha ku tukado fadhi, Sunnadu waa in Qofku fariisto meeshuu taagnaa isagoo lugaha is dhaafsanaya, oo Rukuuca ishaaraya, dhulkana ku sujuudaya haday u fududahay, hadii kale Sujuudana wuu ishaarin, wuuna ka hoos marin Rukuucii.

4- Hadduusan awoodin inuu fadhi ku tukado, wuxuu ku tukanayaa isagoo dhinac u jiifa, wajiigiisana u jeedinaya xaga Qiblada, Dhinaca Midig ayaana afdal ah haday u fududahay, wuuna ishaarayaa Rukuuca iyo Sujuuda.

5- Hadduusan awoodin inuu ku tukado isagoo dhinac u jiifa; wuxuu ku tukanayaa isagoo dhabarka u jiifa, lugihiisuna u jeedaan Qiblada, wuuna u ishaarayaa Rukuuca iyo Sujuuda.

6- Hadday u suurtoobi weydo inuu jirkiisa ku ishaaro Rukuuca iyo Sujuudda, Madaxiisa ayuu ku ishaari, Hadday taasi ku adkaato, ishaaradu wey ka dhacaysaa, oo Qalbigiisa ayuu ku socodsiinayaa ficillada Salaadda, wuxuuna niyaysanayaa ficilka Salaada ee Rukuuca, Sujuuda iyo Fadhiga isagoo sidiisii ah, wuxuuna la imaanayaa adkaarteeda.

7- Qofka jiran wuxuu la imaan shuruuda Salaada intuu awoodo, sida: u jeensiga Qiblada, ku waysaysiga Biyaha, ama Booraysiga marka uu awoodi waayo, iyo inuu ka daahiro qabo najaasada. Haduu awoodi waayo wax ka mida arimahaas, wuu ka dhacayaa, wuxuuna u tukanayaa sida xaaladiisu tahay, mana dib dhigayo salaada waqtigeeda.

8- Waa Sunne in Qoka jirrani fariisto meeshuu taagnaa ee uu ku Rukuucay isagoo Lugaha is dhaafinaya, inta kalena uu ku fariisto Lugta oo uu goglo. .

Tan labaad: Salaadda Safarka.

1- Dadka cudurdaarka leh waxaa ka mida: Qofka safarka ah, waxaana loo jideeyey inuu gaabiyo Salaada afarta Rakco ah, oo uu ka dhigo labo Rakco. Waxaa u daliila hadalkii Ilaahay yiri:

﴿وَإِذَا ضَرَبۡتُمۡ فِي ٱلۡأَرۡضِ فَلَيۡسَ عَلَيۡكُمۡ جُنَاحٌ أَن تَقۡصُرُواْ مِنَ ٱلصَّلَوٰةِ...﴾

Hadaad dhulka ku safartaan, dhib kuma jiro hadaad gaabisaan salaada... [Suurada Annisaa: 101].

Anas Binu Maalikna Allaha ka raali noqdee waxa laga wariyey inuu yiri:

«خَرَجْنَا مَعَ النَّبِيِّ ﷺ مِنَ الْمَدِينَةِ إِلَى مَكَّةَ، فَكَانَ يُصَلِّي رَكْعَتَيْنِ رَكْعَتَيْنِ، حَتَّى رَجَعْنَا إِلَى الْمَدِينَةِ».

" Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ayaan kala safarnay Madiina anagoo u socona Makko, waxaanan tukan jirey laba labo rakcadood, ilaa aan Madiina ku soo noqonay»38."

Gaabinta wuxuu bilaabayaa markuu Musaafirku ka baxo dhismaha Magaaladiisa; maxaa yeelay Ilaahay wuxuu u baneeyey gaabinta Qofka safraka ku jira, Qofka Musaafirka ahi intaanu ka bixin Baladkiisa ma noqonayo mid safar ku jira, waayo Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu gaabin jirey Salaadda markuu guuro.

2- Masaafada Musaafirka u bannaan inuu Salaada gaabiyo waa qiyaastii sideetan kiiloo mitir.

3- Musaafirku wuu gaabin Salaadda ilaa uu kaga soo laabto Magaaladii uu ka tegey.

4- Hadduu Musaafirku gaaro Magaalo oo uu rabo inuu ku nagaado, wuxuu leeyahay seddex xaaladood:

A) In uu niyeysto degenaansho ka badan afar Maalmood, waxaa korkiisa ku waajibaya inuu Salaadda dhameystiro laga bilaabo Maalinta koowaad ee uu dego, umana fasaxna rukhsadaha safarka.

B) In uu niyoodo degganaansho afar Maalmood iyo wixii ka yar, waxaana u banaan inuu Gaabiyo oo uu qaato rukhsadaha safarka.

C) Inuusan niyaysan degenaansho mudo xadidan, balse uu joogi karo Maalin ama toban Maalmood hadba sida goobtu ugu haboonaato, ama uu dan u joogo sida daaweyn ama muraajaco, oo markay dantiisu u dhamaato uu dalkiisii ku laabto; Qofkaas waxaa u bannaan inuu Salaadda gaabiyo iyo rukhsooyinka safarka ilaa uu ka laabto, xataa haddii ay muddada uu joogayo ka badato afar Maalmood.

5- Musaafirku hadduu ku tukado imaam deggan gadaashiisa; waa ku waajib inuu Salaadda dhammaystiro, xitaa hadduu ku soo gaaro uun ataxiyaadka dambe.

6- Haddii Qof Muqiim ah ku tukado Musaafir Salaadda Qasrinaya gadaashiisa, waxaa ku waajib ah inuu dhamaystiro Salaaddiisa salama naqsiga imaamka ka dib.

 

Tan lix iyo tobnaad: Salaadda Labada Ciidood:

Ciidaha Muslimiintu waa ciido Rabbaani ah, Ilaahayna u sharciyeeyey, ee iyagu-muslimiintu- is ka ma samaysan, Waxayna leeyihiin labo ciidood oo keliya, waana: Ciidda Soon furka/fidriga iyo Ciidda Odxada. Taas waxaa ka duwan Ciidaha Gaalada ama Ciidaha bidcada ah ee uusan Ilaahay -sarreeye- jideyn uusana amrin, ee ay iyagu iska samaysteen.

Xukunka Salaadda labada Ciidood:

Waa Fardi Kifaaya, Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee waa joogteyn jirey, Khulafadii Raashidiinta ahaana waa joogteyn jireen, Ilaahay ha ka wada raalli noqdee. Waxayna ka mid tahay Astaamaha Diinta iyo Shacaa’irta muuqda.

Waqtiga Salaadda labada Ciidood: wuxuu bilaabanayaa marka Qorraxdu kor u kacdo qaddar dhan Waran, yacnii: rubuc saac ku dhowaad marka ay qorraxdu soo baxdo, wuxuuna dhammaanayaa marka ay qorraxdu suusho.

Qaabka Salaadda Labada Ciidood:

1- Rakcada koowaad wuxuu ku takbiirsan takbiirta ixraamka, ka dibna wuxuu akhrinayaa ducada Salaada lagu furfurto, ka dibna wuxuu takbiirsan lix takbiirood, isagoo Gacmihiisa kor u qaadaya takbiir kasta, takbiiraha dhexdoodana wuxuu ku mahadinayaa Ilaahay kuna amaanayaa, kuna salinayaa Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee, ka dibna wuu magan gelin wuuna bismilaysan, wuuna bilaabayaa akhrinta.

2- Rakcada labaadna wuxuu akhrin shan takbiirood, takbiirta uu ku soo istaagay ka dib, dabadeedna wuu acuudi bilaysan wuuna bismilaysan, wuuna bilaabin akhriska. Waana Suno inuu rakcada hore ku akhriyo Faatixada ka dibna Suurada Alaclaa, Rakcada labaadna Suurada Alqaashiyah.

3- Marka uu Imaamku salaama naqsado; wuxuu korayaa Minbarka, ka dibna wuxuu khudbadayn labo khudbadood, dhexdoodana wuxuu fariisan fadhi yar, sida lagu sameeyo khudbada Jumcaha.

Sunooyinka Ciidda:

A- Qubeyska.

b- Is-nadiifin iyo Barafuun marsiga.

J- In wax la Cuno ka hor intaan loo bixin Ciida Soon furka, iyo marka laga soo noqdo Ciida Adxada oo wax laga cuno Udxiyada qofku haduu leeyahay.

D- In lug lagu boxo.

H- In Jid lagu tago, Jid kalena lagu soo laabto.

W- In dadku waqti hore tagaan Musalaha, Imaamka mooyee.

In la takbiirsado:

Waxaa Sunne ah in la takbiirsado Habeenada labada Ciidood, iyo tobanka Dil-xijjah, iyo Ayaamaha Tashriiqa, waana labo nooc:

Nooca koowaad: Takbiirta Mutlaqa ah: waana tan aan lagu xirin waqti xadidan.

1- Ciidda Soonfur: Laga bilaabo dhicidda qorraxda Habeenka Ciidda ilaa bilowga Salaada Ciidda.

2- Ciidda Odxiyada: Laga bilaabo markay Qorraxdu dhacdo Habeenka Maalinta koowaad ee bisha Dil-xijjah ilaa marka ay Qoraxdu dhacdo Maalinta ugu danbeysa ee Ayaamaha Tashriiqa.

Nooca 2aad: Takbiirta muqayadka ah: waana midda ugaarka ah salaadaha faralka ah kadib.

1- Qofka aan Muxrimka ahyn: Laga bilaabo Fajarka Maalinta Carafo ilaa Casarka Maalinta ugu dambaysa ee Ayaamaha Tashriiqa.

2- Qofka Ixraamanna: laga bilaabo Salaadda Duhur ee Maalinta Ciidda ilaa Casarka Maalinta ugu dambeysa ee Ayaamaha Tashriiqa.

Tan Todob iyo Tobnaad: Salaadda Qorrax Madoobaadka:

Macnaha Dayax Madoobaadka iyo Qorax Madoobaadka:

Dayax Madoobaadku: waa inuu tego nuurka Dayaxu ama qaarkiis Habeenkii.

Qorax Madoobaadku: waa tagitaanka iftiinka Qorraxda ama qaarkiis Maalintii.

Xukunka Salaadda Qorrax Madoobaadka:

Waa sunne la adkeeyey, waxaana daliil u ah ficilkii Rasuulka nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee, isagoo tukaday markay Qoraxdu Madoobaatey wakhtigiisii. Sida uu tusaayo amarkiisu, iyo in Culumadu isku waafaqday inay sharci tahay.

Waqtigeeda:

Laga bilaabo bilowga Qorrax Madoobaadka ama Dayax Madoobaadka ilaa uu ka feydmo, waa dhammaadka Dayax Madoobaadka ama Qorrax Madoobaadka.

Qaabkeeda:

Tirada Rakcadaheedu waa: labo Rakcadood, akhrintana kor ayaa loo qaadaa, Qaabkeeduna waa sidaan:

A- Wuxuu u takbiirsan xirashada, wuxuuna akhrinayaa duacada furfuritaanka, wuuna acuudu bileysan, wuuna bismilaysan, wuxuuna akhrinayaa Faatixada, ka dibna akhrinta ayuu dheerayn.

b- Ka dibna wuxuu Rukuucin Rukuuc dheer.

J- Ka dibna Rukuucda ayuu ka soo kacayaa, isagoo oranaya: (samica Allahu liman xamidah), ka dibna Faataxaduu akhrin, ka dib akhrinta ayuu dheerayn wuuna ka gaaban tii hore.

D- Ka dib wuu Rukuuci Rukuuc dheer oo ka gaaban Rukuucdii hore.

C- Ka dib Rukuucda ayuu ka soo toosayaa, isagoo leh: "Samica Allaahu liman xamidah" oo macnaheedu yahay "Ilaahay wuu maqlaa qofkii ku mahdiya".

E- Ka dibna wuxuu Sujuudayaa labo Sujuudood oo dhaadheer.

F- Ka dib wuxuu u kici Rakcadda labaad, waxayna la mid tahay Rakcaddii koowaad, laakiin wey ka gaaban tahay.

Sunnooyinkeedu waa:

A) In Salaadda la isugu yeero iyadoo la oranayo: (Asalaatul Jaamicah).

B) In Salaadda lagu tukado Jamaaco.

j) In Salaadda la dheereeyo Istaageeda, Rukuuceeda iyo Sujuudeeda.

d) In Rakcadda labaad ka gaabnaato midda koowaad.

h) Salaadda ka dib waa in la is waaniyo, oo la isku booriyo in la sameeyo daacada lagana tago Munkaraadka.

w) In la badiyo ducada, Alle ubandhigashada baahiyaha, istiqfaarta iyo Sadaqada.

Tan Siddeed iyo tobnaad: Salaadda Roob doonta

1) Roob doontu: Waa in Ilaahay la weydiisto inuu Roob u soo dejiyo markay Abaar jirto.

Waqtiga la jideeyey in la tukado Salaadda Roob doonta:

Waxaa la jideeyey Salaadda Roob doonta haddii dhulku abaaroobo, roobkuna di,iwaayo, oo dhib ka dhasho waayitaankiisa, markaas ma jirto waddo kale oo aan ka ahayn inay Rabbigood baryaan, oo ay ka roob doontaan, oo ay gargaar ku weydiistaan noocyo kala duwan oo baryo ah.

A- Mar Salaadda Jamaaco ayaa lagu tukan, ama Qof Qof ayaa loo tukan.

B- Marna waxaa lagu ducaysan khudbadda Jumcaha, oo khaddiibka ayaa ducayn, Muslimiintuna aamiin ayey oran ducadiisa.

J- Marna waa la ducaysan waqti walba, Iyadoo aanay jirin Salaad iyo khudbad.

Xukunka Salaadda Roob doonta:

Waa Sunne la adkeeyey marka la helo sababteeda, waayo waxaa sameeyey Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee, sida ku sugan Xadiiska Cabdullaahi Bin Seyd, Ilaahay ha ka raali noqdee, wuxuu yiri:

«خَرَجَ النَّبِيُّ ﷺ إِلَى الْمُصَلَّى، فَاسْتَسْقَى، وَاسْتَقْبَلَ الْقِبْلَةَ، وَقَلَبَ رِدَاءَهُ، وَصَلَّى رَكْعَتَيْنِ».

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu aadey Musallihii, wuuna Roob doonay, Qibladii ayuuna u jeestay, go'iisii ayuuna rogey, labo Rakcadoodna wuu tukadey.39

Qaabka Salaadda Roob doonta:

Qaabka Salaadda Roob doonta: waa sida Salaada Ciidda. Waxaa Sunne ah in lagu tukado Musallaha sida salaadda Ciidda, axkaanteeduna waxay la mid tahay axkaanta Salaadda Ciidda; xagga tirada Rakcadaha, akhrinta oo kor loogu qaado, in la tukado khudbadda ka hor, iyo takbiiraha dheeraadka ah ee Rakcadda koowaad iyo tan labaad ee akhrinta ka horreeya, Sida cadaynteeda aynu ku soo marnay Salaadda Labada Ciidood. Wuxuuna akhrin hal khudbo.

Tan Sagaal iyo Tobnaad: Axkaanta Janaasada:

Tan kowaad: Dadka goobjoogga u ah qofka Sakaraadka ah:

1- Waxaa Suno u ah Qofka la jooga Qofka sakaraadka ah inuu u laqino: «Laa Ilaaha illallaah».

2- Waa Sunne in Qiblada loo jeediyo.

3- Waa Sunne in indhihiisa la isugu laabo.

4. Waana Sunne in Meydka Maro lagu asturo geeridiisa ka dib.

5- Waxaa habboon in la dedejiyo diyaarintiisa.

6- Waana waajib in la dedejiyo bixinta deyntiisa.

7- Meydka waa la dhaqaa oo la kafnaa, labadaasina waa fardu kifaayah.

Tan labaad: Xukunka Salaadda Meydka:

Xukunkeedu: Waa fardukifaaya.

Shuruudeeda:

1) In loo jeediyo Qiblada.

2) In Cawrada la asturo.

3) In laga fogaado Najaasada.

4) Inay daahir yihiin Qofka tukanaya iyo kan lagu tukanayo.

5) Inay Islaam yihiin kan tukanaya iyo kan lagu tukanayo.

6) In la yimaado Janaasada haddii Magaalada la joogo.

7) Inuu yahay Qof Qaan gaar ah.

Tiirarkeeda:

1) Istaageeda.

2) Takbiiraadka afarta ah.

3) Akhrinta Faatixada.

4) Salliga Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee.

5) Meydka oo loo duceeyo.

6) In la isku xijiyo oo la tartiibiyo.

7) Salaama naqsiga.

Sunnooyinkeeda:

1) In Gacmaha kor loo qaado takbiir walba.

2) In Shaydaanka la iska naaro.

3. inuu u duceeyo Naftiisa iyo Muslimiinta.

4) Akhrinta oo la siraysto.

5) Inuu istaago takbiirta afraad ka dib iyo salaama naqsiga ka hor in yar.

6) Gacanta Midig oo la saaro Gacanta Bidix, Laabtana la saaro.

7) Inuu u jeesto Midigta markuu salaama naqsanayo.

Qaabkeeda:

Waa inuu Imaamku iyo kan keligiis tukanaya isku aadiyo laabta Ninka, iyo dhexda Dumarka, waana u takbiirsan xirashadii, wuuna Acuudu billaysan, mana akhrinayo ducada Salaadda lagu fur-furto, wuuna bismileysan, Faataxadana wuu akhrin.

Ka dibna wuu takbiirsan, ka dibna wuu ku sallin Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee, ka dibna wuu takbiirsan, wuxuuna meydka ugu duceyn wixii ku soo arooray; Sida hadalkii Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee:

«اللَّهُمَّ اغْفِرْ لِحَيِّنَا وَمَيِّتِنَا، وَصَغِيرِنَا وَكَبِيرِنَا، وَذَكَرِنَا وَأُنثَانَا، وَشَاهِدِنَا وَغَائِبِنَا، اللَّهُمَّ مَنْ أَحْيَيْتَهُ مِنَّا فَأَحْيِهِ عَلَى الإِيمَانِ، وَمَنْ تَوَفَّيْتَهُ مِنَّا فَتَوَفَّهُ عَلَى الإِسْلَامِ، اللَّهُمَّ لَا تَحْرِمْنَا أَجْرَهُ، وَلَا تُضِلَّنَا بَعْدَهُ».

"Allaahumma aqfir lixayinaa wa mayitinaa, wa saqiirinaa wa kabiirinaa, wa dakarinaa wa unsaanaa, wa shaahidinaa wa qaa'ibinaa. Allaahuma man axyeytahu minaa fa axyihi calal Iimaan, waman tawafaytahu minaa fatawafahu calal Islaam. Allaahuma laa taxrimnaa ajrahu, walaa tudilnaa bacdahu."40

Iyo Hadalkii Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee:

«اللَّهُمَّ اغْفِرْ لَهُ وَارْحَمْهُ، وَعَافِهِ وَاعْفُ عَنْهُ، وَأَكْرِمْ نُزُلَهُ، وَوَسِّعْ مَدْخَلَهُ، وَاغْسِلْهُ بِالْمَاءِ وَالثلْجِ وَالْبَرَدِ، وَنَقِّهِ مِنَ الْخَطَايَا كَمَا نَقَّيْتَ الثَّوْبَ الْأَبْيَضَ مِنَ الدَّنَسِ، وَأَبْدِلْهُ دَارًا خَيْرًا مِنْ دَارِهِ، وَأَهْلًا خَيْرًا مِنْ أَهْلِهِ، وَزَوْجًا خَيْرًا مِنْ زَوْجِهِ، وَأَدْخِلْهُ الْجَنَّةَ، وَأَعِذْهُ مِنْ عَذَابِ الْقَبْرِ، وَمِنْ عَذَابِ النَّارِ».

«Allaahuma aqfir lahu warxamhu, wacaafihi wacfu canhu, wa akrim nusulahu, wa wasic mudkhalahu, waqsilhu bil maa’i wasalji walbarad, wanaqihi minal khadayaa kamaa naqayta asawbal abyada mina danas, wa abdilhu daaran khayran min daarihi, wa ahlan khayran min ahlihi, wa Sawjan khayran min Sawjihi, wa adkhilhul Janata, wa acid hu min cadaabil qabri, wa min cadaabi naar»41. Ka dibna wuu takbiiran, wuuna istaagi in yar, ka dibna wuxuu u salaama naqsan hal mar dhanka Midig.

Baabka seddexaad: Sakada:

1- Qeexidda Sakada iyo ahmiyadeeda:

Sakadu luqad ahaan: Waa tarmid iyo siyaado.

Sakadu sharci ahaan: waa xaq waajib ku ah xoolo gaar ah, oo la siinayo dad gaar ah.

Waana Tiirka seddexaad ee ka mida tiirarka Islaamka, Wuxuuna Quraanku Sakada la xiriiriyey Salaadda laba iyo sideetan jeer, taasina waxay tusaysaa weynaanta xaalkeeda.

Ilaahay -sareeye- wuxuu yiri:

﴿وَأَقِيمُواْ ٱلصَّلَوٰةَ وَءَاتُواْ ٱلزَّكَوٰةَ...﴾

Ooga Salaadda, bixiyana Sakada... [Suuradda Albaqarah: 43].

Nabiguna nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri:

«بُنِيَ الإِسْلَامُ عَلَى خَمْسٍ: شَهَادَةِ أَنْ لَا إِلٰهَ إِلَّا اللَّـهُ، وَأَنَّ مُحَمَّدًا رَسُولُ اللَّـهِ، وَإِقَامِ الصَّلَاةِ، وَإِيتَاءِ الزَّكَاةِ، وَحَجِّ الْبَيْتِ، وَصَوْمِ رَمَضَانَ».

«Islaamka waxaa lagu dhisay shan tiir: in la qiro inuusan jirin Ilaah xaq lagu caabudo, Ilaahay mooyee, Maxamedna Rasuulkii Ilaahay yahay, in Salaada la oogo, in Sakada la bixiyo, in Xajka la guto, iyo Bisha Ramadaan la Soomo»42.

Muslimiintuna waxay isku waafaqeen in Salaaddu Faral tahay, Iyo inuu Gaal yahay Qofkii inkira in Sakadu Faral tahay, Iyo in la la dagaalo Qofkii diida bixinta Sakada.

2- Shuruudaha ay ku waajibeyso Sakada:

A) Waa in Qofku Xor yahay, ku mana waajibto Addoon; waayo xoolo ma leh, wuxuu haystona sayidkiisaa iska leh, sidaa awgeed sakadiisu waxay saaran tahay sayidkiisa.

B) Islaam, kumana waajibto Gaalka, waayo waa daaco iyo cibaado, Gaalkuna maaha Ahlu daaco iyo cibaado.

J) Inuu leeyahay Xoolo Seko gooys ah: kuma waajibto Xoolihii ka hooseeya Seko goyska, waana qadar la og yahay oo Xoolaha ka mida.

d) Inuu Xoolaha Mulki ahaan u leeyahay: Waa in Xooluhu yihiin kuwo qofku si buuxda u leeyahay, Sakadana laguma laha Xoolo aan milkiyadiisu sugnayn, sida deynta kitaabada.

{h} In Xoolaha uu ka soo wareego xawl ( sanad): Waxaa u daliila Xaddiiskii Caa'isha Allaha ka raalli noqdee, ee marfuuca ah:

«لَا زَكَاةَ فِي مَالٍ حَتَّى يَحُولَ عَلَيْهِ الْحَوْلُ».

« Xoolaha Sako laguma laha ilaa uu sanad ka soo wareego»43.

3- Xoolaha ay Sakadu ku waajibto:

Ugu horreyn: Nicmooleyda,

Waana Geela, Lo'da iyo Ariga, Sakaduna waxay ugu waajibtaa laba shardi:

1- In loo dhaqdo caano iyo taran, ee aan lagu shaqaysan.

2- In Xooluhu yihiin kuwo foofa oo iskood u soo daaqa, Sakadu kuma waajibto Xoolaha lagu quudiyo calaf loo soo iibiyey, ama looga ururiyey daaqa ama meel kale, Sakana laguma laha Xoolaha daaqa sanadkii qaar, ee aan daaqin sanadka oo dhan ama intiisa badan.

4- Nisaabyada ay ku Sako gooyaan Nicmooleydu:

1- Sakada Geela:

Haddii shuruudaha laga helo; waxaa shan kasta oo geel ah ku waajibaya neef ariya, tobankiina laba neef oo ariya, shan iyo tobankiina seddex neef oo ariya, labaatankiina afar neef oo ariya, Siday tusayaan Sunnada iyo Ijmaacu. Geelu Markuu gaaro shan iyo labaatan, waxaa laga bixinayaa Bintu Makhaad, waana Qaalin sanad jirsatey oo gashay sanadkii labaad, hadii la waayana waxaa ka gudaya Rati Sanad jira oo Sanadkii labaad galay.

Haddii Geelu gaaro lix iyo soddon; waxaa ku waajiba Bintu labuun, waana: Qaalinta ay u buuxsantay labo sano.

Haddii Geelu gaaro lix iyo afartan; waxaa ku waajibey Xiqah, waana Qaalinta ay u buuxsantay seddex Sano ee rimay galka ah.

Hadduu geelu gaaro kow iyo lixdan, waxaa ku waajibaya Jadicah, waana Qaalin afar sano jirsatey.

Hadday tirada Geelu gaarto lix iyo todobaatan; waxaa ku waajibaya labo Bintu Labuun, waana labo qaalmood oo laba jirro ah, waana midda hooyadood ilmihii kuxigay ku irmaantahay.

Marka Geelu gaaro kow iyo sagaashan, waxaa ku waajibaya laba Xiqo, waana labo Qaalmood oo seddex jirro ah.

Haddii Geela tiradiisu ka badato boqol iyo labaatan, waxaa ku waajibaya seddex Qaalmood oo Bintu Labuun ah, ka dibna afartankiiba waa Bintu Labuun, kontonkiiba waa Xiqah.

2- Sakada Lo'da:

Haddii shuruudaha laga helo oo ay gaadho soddon, waxaa ku waajibaya Tabiic ama Tabiicah; waana Qaalin ama Dibi sanad jirsadey oo galay sanadkii labaad.

Wixii Soddan ka yar waxba lagama rabo.

Hadday gaarto afartan; waxaa ku waajibey Musinnah, waana Qaalin ay u buuxsantay labo sano.

Haddii tirada lo'du ka badato afartan, waxaa sodonkiiba ku waajibaya tabiic ama tabiicah waana Sanad jir kii labaadna galay, ka dibna afartankiiba Musinnah waana labo jir.

3- Sakada Ariga:

Marka wadarta arigu gaarto afartan, hadduu yahay ido ama riyo, waxaa ku waajibaya hal neef, waana jadicah Ido ah, ama Ri'.

Sakadu kuma waajibto Ariga hadday tiradiisu ka yaraato afartan. Hadii tirada Arigu gaarto boqol iyo labaatan iyo kow, waxaa ku waajibaya laba neef. Markay gaarto labo boqol iyo kow, waxaa ku waajibaya seddex Ido ah.

Ka dib sidaas ayey ku socon xisaabtu, waxaana ka waajibaya Boqol kastaba neef Ari ah, Afarta boqolna waa afar neef oo Ari ah, waana caynkaas.

Tan labaad: Sakada waxa ka soo go`a Dhulka:

Waxa Dhulka ka soo baxa waa labo nooc:

1) Dalagga iyo Miraha.

2. Macdanta.

Nooca Koowaad: Dalagga iyo Miraha:

Sakadu waxay ka waajibtaa Badarka; sida: Sarreenka, Heedda iyo Bariiska. Mirahana waxaa ka mid ah: Timirta iyo Sabiibka, Mana ku waajibto hirta aan intaas ahayn; sida Digirta iyo Khudaarta.

Shuruudda ay ugu waajibto Sakadu Dalagga iyo Miraha:

1) Waa inay ahaato mid la kaydsan karo: sakadu kuma waajibto waxaan la kaydsan karin sida Miraha iyo Khudaarta.

2) Waa inay ahaato mid la beego (lamiiso): Seko kuma waajibto waxa lagu iibiyo tirin ama Miisaan; sida Qaraha, Basasha, Rumaanka, iyo wixii la mid ah.

3) Waa inay gaaraan Nisaab: Nisaabkuna waa shan Rati qaad, sako kuma waajibto wixii intaas ka yar.

4) Nisaabku waa inuu yahay mid la mulkiyey waqtiga ay Sakadu waajibtey.

Qofkii mulkiya wakhtigii ay Sakadu waajibtay ka dib, Sakadu kuma waajibin, sida hadduu iibsado ama loo hadiyeeyo markuu goosto ka dib.

Waqtiga ay waajibayso sakadeedu:

Sakada waxay ka waajibtaa Badarka iyo Miraha marka uu muuqdo bisaylkoodu, Calaamada muuqashada biseylkoodu waa sida soo socota:

A- Miraha: Miruhu waa markay adkaadaan oo noqdaan kuwo kakan(adadg).

B- Miraha GeedkaTimirtu: waa inay casaadaan ama jaalle noqdaan.

J- Cinabku: Waa inuu noqdo mid jilicsan oo macaan.

Nisaabkeeda,inta sakadu kaga go,odo:

Nisaabka Haruurka iyo Miruhu: waa shan Rati qaadkood, Rati qaadku waa lixdan Saac, Sako goyska Haruurka iyo Miruhu waa seddex boqol oo Saacii nabawiga ah, kiilo garaam ahaanna wuxuu u dhigmaa: 900 kg qiyaastii.

Haruruka iyo Mirah qaddarka Sakada ku waajibka ah:

Waxaa ku waajibey Cushur wixii lagu waraabiyey dhib iyo hawl la'aan; sida wixii lagu waraabiyo Biyaha Roobabka iyo Ilaha.

Waxaana ku waajibey Cushur nuskiis wixii lagu waraabiyo kharash iyo tacab; sida wixii lagu waraabiyo Biyaha laga soo jiido Ceelasha iyo Webiyada iyadoo la adeegsanayo Xoolo ama Makiinado casri ah.

Nooca Labaad: Macdanta:

Waxa ka soo baxa Dhulka noocyadiisa waxaa ka mida: Macdanta, Waa waxa Dhulka laga soo saaro oo aan ka mid ahayn Jinsigiisa, sida Dahabka, Fidada, Birta iyo Jawaahirta.

Waqtiga ay Sakadu ku waajibayso:

Markuu helo oo uu Mulkiyo; isla markaas ayuu bixinayaa Sakadeeda, waayo looma shardiyo in Sanad ka soo wareego. Seko goyskeedu waa sida seko goyska Dahabka iyo Fidada, waxaana laga bixinayaa qiimihiisa Rubuc Alcushur.

Seddex: Sakada Lacagaha:

Lacaguhu waa: Dahabka, Fidada, iyo Lacagta Warqada ah, Sakadooduna waa waajib, Waxaana u daliil ah hadalkii Ilaahay -sarreeye-:

﴿...وَالَّذِينَ يَكْنِزُونَ الذَّهَبَ وَالْفِضَّةَ وَلَا يُنْفِقُونَهَا فِي سَبِيلِ اللَّهِ فَبَشِّرْهُمْ بِعَذَابٍ أَلِيمٍ 34﴾

Kuwa kaydsada Dahabka iyo Qalinka ee aan wax kaga bixin Jidka Ilaahay ugu bishaaree Cadaab xanuun badan. [Suuradda Altawbah: 34].

Iyo Xaddiiska:

«مَا مِنْ صَاحِبِ ذَهَبٍ وَلَا فِضَّةٍ لَا يُؤَدِّي فِيهَا حَقَّهَا؛ إِلَّا إِذَا كَانَ يَوْمَ الْقِيَامَةِ صُفِّحَتْ لَهُ صَفَائِحُ مِنْ نَارٍ».

«Qofkii haysta Dahab ama Fiddo ee aan Xaqooda gudan, haddii la gaaro Maalinta Qiyaame waxaa loo sameeyaa Biro Naar ah»44

Waxayna isku raaceen Culimadu in Sakadu ku waajib tahay Dahabka iyo Fidada, lacagta warqada ahna ay leedahay xukunka Dahabka iyo Fidada; waayo waxay gashay booskoodii ku tacaamulka lacagaha kaashka ah.

Sako goyska Lacagaha, iyo qadarkeeda waajibka ah:

Waa Sako goyska Dahabka ama Fiddada; waayo waxay gashay booskoodii xaga Lacagaynta, haday gaadho Sako goyska midkood waa ku waajibeysaa Sakadu, inta badana Maanta Sako goyska Lacagta Waraqdaha ah waxaa lagu qiyaasaa Fiddada; waayo waa ka jaban tahay Dahabka, oo lacagtu Sako goyska Fiddada ayey ka hor gaaraysaa Dahabka. Haduu Muslimku haysto wax u dhigma qiimaha (595) garaam oo Fiddo ah, oo Sanad ka soo wareego, waxaa ku waajibey Sako. Qiimaha Giraamka Fiddadu wuu isbedelaa waqti ka waqti, Qofkii haysta maal yar ee aanu ogeyn inuu gaaray Sako goyska iyo in kale, wuxuu weydiinayaa Ganacsatada Fiddada qiimaha giraamka Fiddada, dabadeedna wuxuu ku dhufanayaa (595), waxa ka soo baxaana waa Sako goyska.

Faa'iido: haddii uu damco inuu bixiyo Sakada Maalkiisa; Sako goyska ha u qaybiyo afartan, wixii soo baxana waa inta waajibka ah.

Tan afraad: Sakada Badeecada Ganacsiga

Waa wixii loogu tala galay soo iibsiga iyo sii iibinta, si ribix looga helo, Badeecada Ganacsiga waxaa soo gelaaya dhammaan noocyada Maalka ee aan lacagta ahayn; sida Gawaarida, Dharka, Maryaha, Birta, Alwaaxyada iyo wixii la mida oo ganacsi loo diyaariyey.

Shuruuday ku waajibayso Sakada Badeecada Ganacsigu:

1- Inuu ku Mulkiyo ficilkiisa; sida iibka, ijaarka, iyo wixii la mida oo ka mida qaababka shaqaysiga.

2- Inuu ugu tala galo ganacsi; isagoo uga dan leh inuu ka macaasho, waayo camalku wuxuu ku ansaxaa Niyada, ganacsiguna waa camal, sidaa darteed waa waajib in Niyad lagu xiro sida acmaasha kaleba.

3- Waa inuu qiimihiisu gaaro Sako goyska Dahabka ama Fiddada.

4- Waa in Xowl ama sanad ka soo wareego.

Habka loo bixiyo Sakada Badeecada:

Waa in lagu qiimeeyo Alaabta ganacsiga marka Sanad ka soo wareego labada Lacagood ee kala ah Dahabka iyo Fidada. Haddii la qiimeeyo oo ay gaarto Saka goyska labada Lacagood mid kood, wuxuu ka bixin qiimaheeda Rubcul Cushurki.

Shanaad: Sakaatul Fidriga:

Waa Sadaqo ka waajibta markay dhamaato Bisha Ramadaan, Waxaa la faral yeelay Sanadkii labaad ee Hijrada.

Xukunkeeda:

Sakaatul Fidriga wuxuu ku waajibaa Muslim kasta oo Maalinta Ciidda iyo Habeenkeeda haysta Cunto ka badan wixii ku filnaa isaga iyo Reerkiisa. Waxayna waajib ku tahay Muslim kasta; Lab, Dhedig, Yar, Weyn, Xor iyo Addoonba. Waxaa u daliil ah xaddiiska:

«فَرَضَ رَسُولُ اللَّهِ ﷺ زَكَاةَ الْفِطْرِ عَلَى الْعَبْدِ وَالْحُرِّ، وَالذَّكَرِ وَالْأُنثَى، وَالصَّغِيرِ وَالْكَبِيرِ، مِنَ الْمُسْلِمِينَ».

Rasuulku nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ku waajibiyey Sakaatul Fidriga Qofka Addoonka, qofka xorta ah, Ragga, Dumarka, kan yar iyo kan weyn, ee Muslimiinta ka mida.45 Faralkuna: waa wax la waajibiyey oo la is faray. .

Xikmadda ku jirta Jideynteeda:

Ibn Cabbaas Allaha ka raalli noqdo isaga iyo Aabihiiba wuxuu yiri:

«فَرَضَ رَسُولُ اللَّهِ ﷺ زَكَاةَ الْفِطْرِ؛ طُهْرَةً لِلصَّائِمِ مِنَ اللَّغْوِ وَالرَّفَثِ، وَطُعْمَةً لِلْمَسَاكِينِ».

Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu waajibiyey Sakaatul Fidriga; iyadoo kii soomanaa looga daahirinaayo laqwiga iyo danbiga, Masaakiintana u ah Cunto.46

Sakaatul Fidriga waqtiga ay waajibayso iyo waqtiga la bixinaayo:

Sakada Fidrigu waxay waajib noqotaa Qorrax dhaca Habeenka Ciidda. Waana Sunne in la bixiyo Maalinta Ciidda, Salaadda Ciidda ka hor. Mana bannaano in laga danbaysiiyo Salaadda Ciidda, Haddii laga danbaysiiyo Salaadda Ciidda; waxaa ku waajibaya inuu bixiyo iyadoo Qalle ah, wuuna ku danbaabayaa dib uga dhigista waqtiga loo xaddiday.

Waana bannaan tahay in laga hor mariyo Ciidda Maalin ama labo Maalmood.

Qaddarkeeda iyo waxa lagu bixiyo:

Qadarka la bixinayo waa Saac ka mida cuntada deegaanka laga yaqaan; sida Bariiska, Timirta, Qamadiga iyo wixii la mid ah. Saaca qaddarkiisu waa seddex kiiloo giraam qiyaastii. Mana bannaana in qiimaha lacag loo bixiyo beddelkeeda; waayo wuxuu khilaafsan yahay amarkii Rasuulka nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiye.

Bixinta Sakada iyo cidda la siinayo:

Waqtiga bixinteeda:

Sakada in durba la bixiyo waa waajib markay waajibto. Mana bannaana in dib loo dhigo shey daruuro ah darti mooyee, sida in maalku jiro dal fog, oo aanu jirin cid uu wakiisho.

Goobta lagu bixinayo:

Waxaa fadli badan in Sakada lagu bixiyo dalka xooluhu yaallaan, Waxaa bannaan in laga wareejiyo dalka xooluhu yaallaan lana geeyo dal kale xaaladaha soo socda:

A- Haddaan dalka laga helin qof u baahan Sakada.

B- Haddii dalka kale laga helo qaraabo baahan.

J- Hadday jirto dan sharci ah oo keeneysa in Maalka la raro, sida: in loo raro deegaanada Muslimiinta ay aafeeyeen abaaraha iyo fatahaaduhu.

Sakadu waxay ku waajibtaa Maalka Ilmaha yar iyo kan Waalan, waxaana u daliil ah Adillada guud ahaan, waxaana labadoodaba ka bixinaya waligooda maalkooda u haya. Bixinta Sakada ma ansaxayso Niyo la'aan, Waxaa u daliila hadalkii Nabiga nabadgeyo iyo naxariis Allaha siiyee:

«إِنَّمَا الْأَعْمَالُ بِالنِّيَّاتِ».

«Camalka waxaa aasaas u ah oo laga eegaa niyada»47.

Dadka la siinayo Sakada:

Qolooyinka Sakada la siinayo waa sideed:

Nooca hore: waa Foqorada:

Waa kuwa aan haysan wax yaabaha daruuriga u ah nolosha sida Guri, Cunto, iyo Dhar. Qaddarka sakada laga siinayo waa wax ku filan iyaga iyo kuwa ay Masruufaan mudo sanad ah.

Qolada labaad: waa Masaakiinta:

Waa kuwa hela wax badan oo ku filan, laakiin aan u dhamaystirnayn, sida Qof mushahar leh laakiin aanu Sanad dhan ku filnayn.

Qaddarka Sakada laga siinayo waa inta ku filan iyaga iyo kuwa ay masruufaanba mudo Sanad ah.

Qaybta Seddexaad: waa Qolada ka shaqaysa Sakada:

Waa Qolada ay Madaxdu u xilsaarto ururinta Sakada, ama loo diro ilaalinteeda, ama inay gaarsiiyaan dadka u baahan.

Qaddarka Sakada laga siinayo: waa qaddarka ujuuradooda shaqada, inta aysan dawladda ka helin ujuuro ama mushaar.

Nooca Afraad: waa Qolada Qalbigooda lagu soo dumo Islaamka:

Waa Qof kasta oo wax siintiisa laga rajeynayo: inuu soo Islaamo, ama in iimaankiisu xoogaysto, ama in sharkiisa Muslimiinta laga celiyo.

Qaddarka Sakada laga siinayo: waa inta Qalbigooda lagu soo dumo karo.

Nooca Shanaad: waa Addoomada:

Waxaana looga jeedaa: xoreynta addoomada iyo Mukaatibiinta.

Almukaatab: Waa Addoonkii Naftiisa ka iibsadey Sayidkiisa, Waxaa soo gelaya ka soo furashada Maxaabiista Muslimiinta ee dagaalada.

Nooca Lixaad: Alqaarimuun: waa dadka deynta lagu leeyahay, waana laba nooc:

Qofka koowaad: waa Qof deyn lagu leeyahay baahi Naftiisa ah u qaatay, oo aan haysan wax uu deyntaa ku gudo, Waxaa la siinayaa wuxuu isaga bixiyo deyntiisa.

Nooca Labaad: waa Qof deyntu ku gashay dad uu heshiisiinayey darteed, Waxaana la siinayaa wuxuu deyntiisa isaga gudo, xataa haduu qani yahay.

Nooca Todobaad: waa Jidka Ilaahay:

Waa Qolada ku Jihaadaya Jidka Ilaahay.

Qaddarka Sakada laga siinayo: waa inta kaga filan Jihaadka Ilaahay; sida Gaadiid, Hub, Saad iyo wixii la mida.

Nooca sideedaad: waa Ibnu Sabiil:

Waa Musaafirkii uu ka dhammaaday Kharashkii, ama laga xaday, ee aysan u harin wax Maal ah oo ku gaaro Dalkiisii.

Qaddarka Sakada laga siinayo: waa inta gaarsiin karta Dalkiisa, xataa haduu hodan ku yahay Dalkiisa.

Baabka Afraad: Soonka:

Soonku waa:

Waa in cibaado ahaan Ilaahay tarti loo joojiyo wax yaabaha lagu afuro laga bilaabo Waaberiga ilaa Gabbal dhaca.

Waana tiir ka mid ah tiirarka Islaamka, Waana faral ka mida faralada ilaahay -sarreeye- amray, Wuxuuna ka mid yahay wax yaabaha ay daruuriga tahay in Diin ahaan loo ogaado. Waxaana daliil u ah inuu waajib yahay Kitaabka, Sunnada iyo Ijmaaca Muslimiinta.

Ilaahay -sarreeye- wuxuu yiri:

﴿‌شَهۡرُ رَمَضَانَ ٱلَّذِيٓ أُنزِلَ فِيهِ ٱلۡقُرۡءَانُ هُدٗى لِّلنَّاسِ وَبَيِّنَٰتٖ مِّنَ ٱلۡهُدَىٰ وَٱلۡفُرۡقَانِۚ فَمَن شَهِدَ مِنكُمُ ٱلشَّهۡرَ فَلۡيَصُمۡهُ...﴾

Bisha Ramadaan ee la soo dejiyey Qur’aanka, isagoo dadka u ah hanuun, cadeymo hanuun ah iyo kala saarid Xaqa iyo baadilka. Ee Qofkii soo gaar Bishaa ha soomo... [Suuradda Albaqarah: 185].

Shuruudda uu ku waajibayo Soonka Bisha Ramadaan:

1aad- In Qofku Islaam yahay Gaalna ka ma ansaxayo.

2aad- In Qofku Qaan gaar yahay, Qof yarna ku ma waajibin, Soonku wuu ka ansaxayaa Ilmaha yar ee garaadsaday, wuxuuna u yahay Suno.

3aad- inuu Caqli leeyahay: Soonku kuma waajibo Qofka waalan, ka mana ansaxayo, waayo Niyaddii ayaa ka maqan.

4aad- Inuu Awood u leeyahay Soonka, Ku mana waajibo Qofka Bukaanka ah ee aan awoodin, Sidoo kale Qofka Safarka ah ku ma waajibo, Wuuna soo qallayn Soonka markuu ka bogsado Xanuunka iyo markuu ka boxo Safarka. Waxaana shardi u ah in Soonku ka ansaxo Dumarka: inuu ka joogsado Dhiiga Xaydka iyo Nifaaska.

Bisha Ramadaan aragtideeda waxaa lagu sugaa labo arrimood midkood, oo ah:

A- Aragtida bisha Ramadaan, Waxaana u daliila hadalkii Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee:

«صُومُوا لِرُؤْيَتِهِ، وَأفْطِرُوا لِرُؤْيَتِهِ».

"Aragtida Bisha ku sooma, aragtideedana ku afura"48.

B- In la dhamaystiro Bisha Shacbaan Soddon Beri, taasina waa haddii aan la arkin Bisha Ramadaan, ama la la arki waayo Daruur, Boor iyo wax la mida, waxaana u daliil ah hadalkii Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee:

«فَإِنْ غُمَّ عَلَيْكُمْ؛ فَأَكْمِلُوا عِدَّةَ شَعْبَانَ ثَلَاثِينَ يَوْمًا».

«Hadday idinka qarsoonto; dhamaystira tirada Bisha Shacbaan soddon Beri»49

Niyada Soonka:

Soonku, waa sida cibaadada kale, ma ansaxo Niyad la’aan, Wuuna kala duwan yahay waqtiga ay waajibayso Niyada Soonka waajibka ah iyo kan kale, cadayntiisuna waa sidan soo socota:

Ugu horeyn: Soonka waajibka ah; sida Soonka Ramadaanka, Soonka qallaha, ama Nadarka, waxaa waajib ah in la Niyeysto Habeenkii ka hor inta uusan Waagu beryin. Waxaa u daliila hadlkii Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuu yiri:

«مَن لَمْ يُبَيِّتْ الصِّيَامَ مِنَ اللَّيْلِ فَلَا صِيَامَ لَهُ».

"Qofkii aan Soonka Niyeysan Habeenkii, Soon ma leh."50

Tan labaad: waa Soonka Sunnada ah, waana bannaan tahay in qofku Niyeysto Maalintii, Waana Shardi inuusan qaadan wax Soonka buriya laga bilaabo Fajarka ka dib.

Waxa Soonka Buriya:

1aad: Galmada: Qofkii Xaaskiisa u Galmooda Soonkiisu waa burey, waxaana ku waajibaya inuu soo qalleeyo Maalintaas uu u Galmooday, Waxaana ku waajibaya qallaynta iyo Kafaara Gud, waana: in Addoon la xoreeyo, Hadduu waayo, waxaa ku waajibaya inuu Soomo labo Bilood oo isku xiga, Hadduusan awoodin cudurdaar sharci ah awgiis, waa inuu quudiyo lixdan Miskiin, isagoo Miskiin kasta siinaya Saac barkii oo ah cuntada dalka laga cuno.

2aad: waa hadday shahwadu uga timaado dhunkasho, ama taabasho, ama siigeysi, ama fiirin lagu celceliyey; waxaa ku waajibey Qalle keliya, oo aan Kafaaro gud lahayn; waayo Kafaaradu waxay gaar u tahay Galmada. Qofkii hurdase, hadduu riyoodo oo shahwo ka timaado, waxba lagama rabo; waayo taasi khiyaarkiisa ma ahayn, wuuna ka qubeysan Qasliga.

3aad: Cunidda iyo cabidda badheedhka ah. Ilaahay -sarreeye- wuxuu yiri:

﴿...وَكُلُواْ وَٱشۡرَبُواْ حَتَّىٰ يَتَبَيَّنَ لَكُمُ ٱلۡخَيۡطُ ٱلۡأَبۡيَضُ مِنَ ٱلۡخَيۡطِ ٱلۡأَسۡوَدِ مِنَ ٱلۡفَجۡرِۖ ثُمَّ أَتِمُّواْ ٱلصِّيَامَ إِلَى ٱلَّيۡلِ...﴾

... Cuna oo Cabba ilaa caddaanka Maalintu ka soocmo Madowga Habeenka ee waaberiga, ka dibna dhameystira Soonka ilaa Habeenka... Suuradda Albaqarah: 187.

Qofkii cuna ama cabba isagoo illowsan, waxba lagama rabo. Waxaa u daliila xadiiska:

«مَن نَسِيَ وَهُوَ صَائِمٌ، فَأَكَلَ أَوْ شَرِبَ، فَلْيُتِمَّ صَوْمَهُ، فَإِنَّمَا أَطْعَمَهُ اللَّهُ وَسَقَاهُ».

"Qofkii Sooman ee Cuna ama Cabba isagoo ilowsan ha dhammaystiro Soonkiisa Ilaahay ayaa siiyey cunno iyo cabide"51.

4aad: waa Matagga u la kaca ah, laakiin Qofkii mataggu soo dhaafo isagoo aysan khiyaarkiisa ahayn; Soonkii ka ma burinayo, Waxaa u daliila hadalkii Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuu yiri:

«مَنْ ذَرَعَهُ الْقَيءُ فَلَيْسَ عَلَيْهِ قَضَاءٌ، وَمَن اسْتَقَاءَ عَمْدًا فَلْيَقْضِ».

(Qofkii mataggu soo dhaafo, Soonka soo qallayn maayo, Qofkiise u la kac isu matajiya ha soo qalleeyo)52.

5aad: In Jirka Dhiig laga keeno; Toobin, ama in xidid dhiig laga furo, ama in Qofku dhiig ugu deeqo Qof kale oo jirran; waxaas oo dhami Soonka wey Jabiyaan. Laakiin haddii Qofka laga qaado dhiig yar oo shay baar ah, Soonkiisa ma saamaynaayo. Waxaa la mida in dhiigu khiyaarkiisa u soo boxo, sida Gororka, dhaawac iyo siibida Iligga, kuwaasi ma saamaynayaan Soonka.

Dadka loo oggol yahay inay afuraan Bisha Ramadaan:

Qaybta koowaad: waa dadka loo banneeyey afurka, oo uu ku waajibey qalluhu, waana:

1aad: waa Qofka buka oo cudurkiisa laga rajeynayo inuu ka bogsado, oo Soonku dhibayo ama ku adag yahay.

2aad: waa Qofka Musaafirka ah; hadduu ku dhibtoodo Safarka iyo hadduusan ku dhibtoonba.

Waxaana labadaas u daliila hadalkii Ilaahay -sarreeye- yiri:

﴿...وَمَن كَانَ مَرِيضًا أَوۡ عَلَىٰ سَفَرٖ فَعِدَّةٞ مِّنۡ أَيَّامٍ أُخَرَ...﴾

...Qofkiise buka ama safar ah waxaa laga rabaa inuu soo Qalleeyo Ayaamo kale. [Suuradda Albaqarah: 185].

3aad: waa Dumarka uurka leh ama nuujiya, haddii Soonku dhibayo, ama uu dhibayo iyaga iyo Caruurtoodab, waxayna la xukun yihiin Ruuxa Jirran, kuwaasna waa u bannaan inay afuraan, Laakiin waxaa ku waajibey inay soo qalleeyaan Soonka waqti kale.

4aad: Gabadha caadada qabta iyo tan nifaaska qabta, waxaana waajib ku ah inay afuraan, Kamana ansaxayo Soonkoodu, waana soo qallaynayaan Maalmo kale.

2aad: Waa dadka afurka loo banneeyey, waxaana ku waajibaya Kafaaro, balse aan qallo lagu lahayn, waana:

Qolada koowaad: waa Bukaanka qaba cudur aan bogsashadiisa la rajeyneyn.

Qolada labaad: waa Waayeelka aan Soonka awoodin.

Kuwaasi wey afurayaan, waxayna Maalin kasta oo Bisha Ramadaan ah quudiyaan Miskiin. Qofka weynna hadduu gaaro heerka isku daranka, waxaa ka dhacaya waajibka; wuuna afurayaa, waxna lagama rabo.

Waqtiga la qallaynayo iyo xukunka dib u dhigga qallaha:

Waa waajib in la qalleeyo soonka Ramadaan inta u dhaxaysa isaga iyo Ramadaanka ku xiga, Waxaana fadli badan in loo degdego qallaha, Mana bannaano in qallaha loo dib dhigo wixii ka dambeeya Ramadaanka xiga. Caa'isha Allaha ka raalli ahaadee waxaa laga wariyey inay tiri:

«كَانَ يَكُونُ عَلَيَّ الصَّوْمُ مِنْ رَمَضَانَ، فَمَا أَسْتَطِيعُ أَنْ أَقْضِيَ إِلَّا فِي شَعْبَانَ لِمَكَانِ رَسُولِ اللهِ ﷺ».

"Soonka Ramadaanka ayaa la igu yeelan jirey, mana awoodi jirin inaan gudo bisha Shacbaan mooyee, waana makaanada uu iga joogey Rasuulku nabadgelyo iyo naxarii Allaha siiyee "53.

Qofkii qallaynta dib uga dhiga Ramadaanka xiga, wuxuu leeyahay laba xaaladood:

1- In dib u dhiga uu ku kalifey cudur daar sharci ah, sida: inuu xanuunsanaa ilaa ramadaanka xiga, kaasina waxaa korkiisa ah qallo oo kaliya.

2- Inuu dib u dhigo isagoon cudurdaar sharci ah haysan, Qofkaasi wuu ku dambaabayaa dib u dhigga, waxaana ku waajib ah Towbad, Qallayn, iyo inuu Miskiin quudiyo Maalin kasta.

Soonka Sunnada ah ee Qofka qallaha lagu leeyahay:

Qofkii lagu leeyahay qalle Ramadaan ah; waxaa u fadli badan inuu hormariyo Soonka waajibka ah. Laakiin haddii soonka sunnaha ahi yahay mid wakhtigiisu dhaafayo sida Soonka Carafo iyo Caashuuraa-; wuxuu Soomayaa Qallaynta ka hor; waayo Qallayntu wakhtigeedu waa waasac, halka ay Carafo iyo Caashuuraa dhaafayaan. Laakiin lixda Shawaal lama soomo ilaa qallayntii laga hormariyo.

Ayaamaha ay xaaraanta tahay in la soomo:

1aad- Soonka Maalinta Ciidul Fidriga, iyo Maalinta Ciidul Adxada; waayo waa la reebay.

2aad- Soonka Maalmaha Tashriiqa ee Bisha Dul-xijjah, Marka laga reebo Qofka Mutamatica iyo Qaarinka ah, hadduusan helin Hadyi xilliga Xajka, Maalmaha Tashriiqu waa: Maalinta kow iyo tobnaad, laba iyo tobnaad, iyo saddex iyo tobnaad ee Bisha Dul-xijjah.

3aad- Maalinta Shakiga, waana shakiga awgiis, waa Maalinta soddonaad ee Bisha Shacbaan, Haddii Bisha la la arki waayo Habeen Daruuro ama Siigo leh.

Waqtiga uu Karaahiyada yahay Soonku:

A- Bisha Rajab oo Soonka lagu gooni-yeelo. B- In Soon loo gaar yeelo Maalinta Jimcaha, maadaama la reebay. Haddiise la Soomo Maalin ka hor ama Maalin ka dib, karaahiyo maaha.

Waqtiyada uu Sunnada yahay Soonku:

A- Lixda Maalmood ee Bisha Shawaal. B- Soonka sagaalka Dil-xijjah, waxaana ugu adag Maalinta Carafa, marka laga reebo Xaajiga; oo aanay Sunne u ahayn inuu soomo, Soonkeeduna wuxuu tirtiraa dembiga laba Sano. J- Bil walba in laga Soomo seddex Beri , waxaana u fiican in laga dhigo Ayaamaha Cad-cad, waana: seddex iyo tobnaad, afar iyo tobnaad, iyo shan iyo tobnaad. D- Soonka Maalmaha Isniinta iyo Khamiista Usbuuc kasta, maxaa yeelay Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuu Soomi jiray; sababtoo ah Camalkaa Addoomada ayaa lagu soo bandhigaa.

Soonka Sunnada ah:

A- Soonka Nabi Daa`uud nabad gelyo Allaha siiye, wuxuu Soomi jirey Maalin wuuna afuri jirey Maalin.

B- Soonka Bisha Ilaahay ee Muxarram, waana Bisha Soonkeedu ugu fadliga badan yahay, waxaana ugu adag: Soonka Maalinta Caashuuraa, oo ah Maalinta tobnaad ee Muxaram, waxaana la la Soomaa Maalinta sagaalaad; waana hadalkii Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu yiri:

«لَئِنْ بَقِيتُ إِلَى قَابِلٍ لَأَصُومَنَّ التَّاسِعَ».

"Haddii aan noolaado ilaa Sanadka soo socda, waxaan Soomi doonaa Maalinta sagaalaad"54." Waxaana loogu dhaafaa Sanadkii ka horreeyey.

 

Baabka Shanaad: Xajka iyo Cumrada

Xajku luuqad ahaan: Waa qasad. Sharci ahaan: Waa in la aado Beytka Ilaahay ee Xaramka ah iyo Mashaacirta waqti gaar ah si loogu guto Camal gaar ah.

Cumradu: luqad ahaan: waa booqasho.

Sharci ahaan: Waa booqashada Beytka Xaramka ah waqti walba si loo guto camal gaara.

Xajkuna waa mid ka mid ah Tiirarka Islaamka iyo Aasaaskiisa waaweyn, Waxaana la faral yeelay Sanadkii sagaalaad ee Hijrada, Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu Xajiyey hal Xaj oo keliya; waana (Xajkii Alwadaac).

Xajku hal mar ayuu ku waajibaa Qofkii awooda. Wixii intaa ka badana waa Sunne. Cumraduse, Caa waajib sida ay qabaan Culimo badani, Waxaana daliil u ah hadalkii Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee: markii la weydiiyey: Haweenku Jihaad ma lagu leeyahay? wuxuu yiri:

«نَعَمْ، عَلَيْهِنَّ جِهَادٌ لَا قِتَالَ فِيهِ: الْحَجُّ وَالْعُمْرَةُ».

«Haa, waxaa lagu leeyahay Jihaad aan dagaal ku jirin: waa Xajka iyo Cumrada»55.

Shuruudda uu ku waajibayo Xajka iyo Cumradu:

1- Islaamka

2- Waa Caqliga

3- Qaangaar

4- Xornimada, oo aanu qofku Addoon ahayn

5- Awoodda tegista.

Dumarka waxaa u dheer shardi lixaad; waana inuu la socdo Maxram si ay u gudato Xajka iyo Cumarada. Waayo uma bannaana inay u safarto Xaj iyo wax kaleba Maxram la'aan, Waxaana u daliila hadalkii Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee:

«لَا تُسَافِرُ الْمَرْأَةُ إِلَّا مَعَ ذِي مَحْرَمٍ، وَلَا يَدْخُلُ عَلَيْهَا رَجُلٌ إِلَّا وَمَعَهَا مَحْرَمٌ».

«Haweeneydu meel u ma safarto in Maxram la socdo mooyee, ninna uma soo galo in Maxram la joogo mooyee»56.

Maxramka haweeneydu waa: ninkeeda, ama Qofkii guurkeedu ka xaaraan yahay weligiis; Xagga Nasabka, waa walaalkeed, Aabbaheed, Adeerkeed, Wiilka Walaalkeed, iyo Abtigeed, Ama sabab xagga diinta ku bannaan, sida walaalka Nuugamada, ama Xididnimo, sida ninka Hooyadeed Qaba iyo wiilka uu dhalay ninkeedu.

Awoodidu: waa: awood maaliyadeed iyo mid jireed, waana inuu awoodo inuu Gaadiid raaco una adkaysto Safarka, iyo inuu helo Maal ku filan tagiddiisa iyo soo noqoshadiisaba, Sidoo kale waa inuu haysto wax ku filan Caruurtiisa iyo Cidda biilkoodu saaran yahay ilaa uu u soo laabto.

Waana inuu Jidka Xajku yahay mid uu qofku ku aamin qabo Naftiisa iyo Maalkiisaba.

Qofkii awooda Maal ahaan, laakiin aan Jir ahaan awoodin, sida qof weyn oo duqoobey, ama qaba xanuun ku raagey ee aan laga rajo qabin inuu ka bogsado; waxaa ku waajiba inuu u wakiisho Qof ka Xajiya kana Cumreeya.

Labo shardi ayaa loo shardiyaa Qofka ay ka ansaxayso in loo Wakiisho Xajka iyo Cumrada:

1aad- Inuu yahay qof ay ka ansaxayso gudashada waajibka Xajku, waa inuu yahay Muslimka qaan gaarka ah ee caaqilka ah.

2- Inuu soo gutay Xajkiisii Ilaahay ku waajibiyey.

Meelaha laga soo Xarmado:

Mawaaqiidu: waa jamaca Miiqaat, macnihiisuna luqad ahaan waa Xad, sharci ahaana waa goobta cibaadada ama waqtigeeda.

Xajku wuxuu leeyahay xilliyo la guto iyo meelo laga soo Xarmado:

A- Mawaaqiidda Waqtiga ah: Ilaahay -sarreeye- wuxuu ku xusay :Hadalkiisa:

﴿ٱلۡحَجُّ أَشۡهُرٞ مَّعۡلُومَٰتٞۚ فَمَن فَرَضَ فِيهِنَّ ٱلۡحَجَّ...﴾

Xajka waxaa la gutaa Bilo la yaqaan, Qofkii go,aasada inuu guto Suuradda Albaqara: 197

Bilahaasi waa: Shawaal, Dul Qicdah, iyo tobanka Dil-Xijah.

B- Meelaha laga Xarmado: Waa xuduudaha aysan u bannaaneyn Xaajigu inuu ka gudbo hadduu u socdo Makkah Ixaraam la`aan. Waana sida soo socota:

1- Dul xulayfa: Waa Miqaadka reer Madiina.

2- Aljuxfa: waa Miiqaadka reer Shaam, reer Masar iyo reer Maqrib.

3- Qarnul Manaasil: oo hadda loo yaqaanno Sayl al kabiir, waana meesha ay ka soo xirtaan reer Najdi iyo jihada makkah bariga kaxigta oo dhan, waana duleedka magaalada daa.if

4- Daatu Cirqi: waa Miiqaadka reer Ciraaq.

5- Yalamlam: waa Miiqaadka reer Yeman.

Qofkii Gurigiisu ka sokeeyo Meelahaas; wuxuu Xajka iyo Cumrada ka soo Xidhanayaa Gurigiisa. Dadka reer Makkah waxay ka Ixraaman Makkah, umana baahna inay u baxaan Miiqaatka Ixraamka awgiis. Cumradase waxay u baxayaan Meesha ugu dhaw Dhulka kabaxsan xuduudda xaramka. Qofkii doonaya Xajka ama Cumrada waa inuu ka soo Ixraamto Meelihii uu Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee xadidey, waana Meelaha laga xirto ee horay loo soo sheegay, Uma bannaana Qofka raba Xaj ama Cumro inuu soo dhaafo isagoon Ixraaman.

Qof kasta oo soo mara Meelahaa la soo sheegay oo aan ka tirsanayn dadka deggan; waa inuu ka soo ixraamto.

- Qofka ku socda Jidka Makkah, ee aan soo marayn Mawaaqiidda la sheegay mid ka mida ee Xaga Dhulka ah ama Badda ah ama Cirka ah, wuxuu Ixraamanayaa markuu la sinmo Miiqaadka ugu dhaw. Waana hadalkii Cumar Binu Khadaab Allaha ka raalli ahaadee uu yiri: "Jidkiina ka eega Meesha ku aadan"57.

- Qofkii Diyaarad ku safraya si uu u guto waajibaadka Xajka ama Cumrada, waxaa ku waajiba inuu ka Ixraamto marka Diyaaraddu la siman tahay Miiqaatka ku yaal Jidkeeda, Mana bannaana inuu u dib dhigo Ixraamka ilaa uu ka dego Garoonka Diyaarada.

Ixraamka:

Waa Niyada lagu gelayo Camalka. Xajkuna waa: in Niyo lagu galo Xajka, Cumradana waa: in Niyo lagu galo Cumrada. Mana noqonayo Muxrim ilaa uu ka Niyoodo gelidda Camalka. Xirashada Dharka Ixraamka oo keliya oo Niyad la’aan ah ma noqonayo Ixraam.

Sunnooyikana Ixraamka:

1- Qubeyska Jirka oo dhan Ixraamka ka hor.

2- Ninka oo Jirkiisa carfiya, oo aan carfin Dharkiisa Ixraamka.

3- Inuu ku Ixraamto go’o hoose iyo go`o sare oo cad-cad, iyo labo kabood.

4- Inuu xirto isagoo Gaadiid saaran oo Qiblada u jeeda.

Noocyada Xajka:

Qofku wuxuu Xiran kii uu doono seddexda nooc ee Xajka, waana:

1- Tamatuca; waa in Qofku xirto cumro aan Xajku la jirin, oo uu ku dhamaysto, ka dibna uu xirto Xajka is la xajkaa uu joogo waqtigiisa.

2- Ifraadka; waana in Qofku Xaj keliya ka xirto Miqaatka, uuna sii wato Ixraamkiisa ilaa uu ka guto camalka Xajka.

3- Qiraanka: waa in Qofku xirto Xaj iyo Cumro isagoo isku daraya, ama uu soo xirto Cumro, dabadeedna uu Xajka ku daro inta uusan bilaabin Dawaafkeeda, wuxuuna Cumrada iyo Xajka ka niyeysanayaa Miiqaatka, ama inta uusan bilaabin Dawaafka Cumrada, wuuna wada Dawaafayaa oo u wada Sacyinayaa.

Waxaana saaran Xaajiga Mutamatica iyo Qaarinka Hadyi, hadaysan ka mid ahayn dadka degan Masjidka Xaramka.

Seddexdan nooc ee Xajka waxaa ugu fadli badan: Tamatuca; waayo Nebiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ku amray Asxaabtiisa inay Tamatucaan. Waxaa ku xiga Qiraanka; waayo waa Xaj iyo Cumro la isku daray, ugu dambayna Ifraadka.58

J) Markuu xirto mid ka mida noocyada Xajka; wuu Talbiyeysan is la markiiba Ixraamkiisa ka dib, wuxuuna oran:

«لَبَّيْكَ اللَّهُمَّ لَبَّيْكَ، لَبَّيْكَ لَا شَرِيكَ لَكَ لَبَّيْكَ، إِنَّ الْحَمْدَ وَالنِّعْمَةَ لَكَ وَالْمُلْكَ لَا شَرِيكَ لَكَ».

"Labeyka Allahuma labeyka, labeyka laa shariika laka labeyka innal xamda wa nicmata laka wal Mulka laa shariika laka"59.

Waana Sunne, waxaa kaloo Sunne ah in la badiyo, ninkuna kor u qaado, Haweenkuna siraystaan.

Waqtigeeda: wuxuu ku bilaabmayaa Ixraamka ka dib, waqtigeeda ugu dambeeyana waa sidan:

Tan koowaad: Qofka Cimreysanaya wuu joojin ka hor intuusan bilaabin Dawaafka.

Tan labaad: Xaajigu wuu joojinayaa marka uu bilaabo tuuridda Jamratul Caqaba Maalinta Ciidda.

Wax yaabaha loo diiday Qofka Ixraaman:

Sheyga Koowaad ee la diidey: waa In Timaha la xiiro ama la jaro ama la rifo, meel kasta ee Timuhu kaga yaallaanba.

Kan la diidey ee labaad: waa gaabinta ama jaritaanka Cidiyaha Gacmaha ama Lugaha cudurdaar la'aan, hadayse Qofka ka jabto oo uu iska jaro, fidyo kuma waajibayso.

Tan Seddexaad: waa In ninku Madaxiisa ku daboolo wax ku dhegen, sida: koofiyada iyo Cimaamada.

Tan Afraad ee la diidey: waa in ninku ku labisto Dhar la tolay oo Jirkiisa ama qaar jirkiisa ka mida lagu cabbiray, sida Qamiiska, Cimaamadda, ama Saraawiisha. Waxa tolan: waa wixii loo sameeyey qaabka xubin, sida labada Khuf, labada Gacan gashi iyo Sharabaadka, Dumarkuse waxay xiranayaan dharkay doonaan xilliga Ixraamka si ay isugu asturaan, laakiin ma xiranayaan Indho Shareer, waxay ku daboolaysaa Wajigeeda waxyaabo kale sida Khimaarka iyo Jilbaabka hadday soo maraan Rag Ajnabi ka ah. Mana gashanayso Gacan gashi gacmaheeda.

Tan Shanaad ee la diidey: waa Udugga; waayo Qofka Muxrimka ah waxaa laga rabaa inuu ka dheeraado raaxada iyo Quruxda Adduunka iyo Macmacaankeeda, uuna u jeesto Aakhiro.

Tan Lixaad ee la diidey: waa dilka Ugaarta Berriga iyo ugaarsigeeda, Qofka Xarman ma ugaarsan karo Ugaarta Berriga, kumana caawiyo ugaarsigeeda Qof kale, mana gowraco.

Qofka Muxrimka ah waxaa ka xaaraan ah inuu cuno wuxuu isagu ugaarsaday, ama isaga loo soo ugaarsaday, ama uu ka caawiyey ugaarsiga; waayo waxay u tahay Bakhti oo kale.

Laakiin Ugaarsiga Badda; kama xaaraansana Qofka xarmanka ah ugaarsigeedu. Sidoo kale kama xaaraansana gawraca xayawaanka Guri joogta ah sida Digaaga iyo Xoolaha; sababtoo ah maaha Ugaar.

Tan todobaad ee loo diidey: waa Inuu wax Nikaaxsado ama Qof kale u Nikaaxiyo, ama uu Markhaati ka noqdo.

Tan siddeedaad ee la diidey: waa galmada; waa in Qofkii u galmoodo Xaaskiisa iyadoon la gaarin xalaalowga hore, Xajkiisuna wuu burayaa, waxaana ku waajibeya inuu sii wado Xajka oo dhamaystiro, waana inuu soo qalleeyo Sanadka ku xiga, waxaana korkiisa ah inuu gawraco Neef Geela. Haddiise uu u galmoodo Xalaalowga hore ka dib Xajkiisu ma burayo, waxaana laga rabaa inuu dhiig bixiyo.

Haweeneyduna arrinkaas waxay ka la mid tahay ninka hadday raalli ka ahayd.

Tan sagaalaad ee la diidey: waa ku baashaalka waxaan Farjiga ka ahayn, umana bannaana Qofka Muxrimka ah inuu Haweeney la baashaalo, waayo waa wado u horseedda galmada xaaraanta ah, waxaana loo la jeedaa ku baashaalidda: in haweeneyda loo taataabto shahwo ahaan.

Cumrada:

A- Tiirarka Cumrada:

1- Ixraamku, waa in la niyeysto gelidda Camalka.

2- Dawaafka.

3- Sacyiga/ruclaynta .

B- Waajibaadka Cumrada:

1- In laga soo Ixraamto Miiqaatka sharciga ah.

2- Xiiridda ama Gaabinta Timaha.

J- Sida loo Cumraysto:

Waxaa ugu horreeya ee uu ku bilaabayo Qofka Cumraysanaya, waa inuu Dawaafo todoba wareeg, oo uu ka bilaabo Xajarul Alaswadka isagana ku soo dhameeyo. Markuu Dawaafayo waa inuu ahaado mid daahir ah, oo asturay cawradiisa laga bilaabo Xudunta ilaa Jilibka, Waxaana sunne ah iddibaaca dawaafka oo dhan; waana inuu feydo Garabkiisa Midig, Go’iisana hoos marsiiyo, labadiisa darafna uu saaro Garabkiisa Bidix. Marka uu dhammeeyo wareegga todobaad, wuu joojin idibaaca, Go`iisana wuxuu ku daboolayaa Garbihiisa.

Wuxuuna u jeesan xagga Xajarul Aswadka, hadday u suurogasho inuu dhunkado wuu dhunkan, haddii kalena wuxuu ku taaban Gacantiisa Midig hadday u fududaato, wuuna dhunkan Gacantiisa. Hadday u fududaan weydo inuu taabto Xajarka wuxuu ku ishaari gacan tiisa midig isagoo kor u qaadaya oo oranaya: «Allaahu Akbar» hal mar, mana dhunkanayo Gacantiisa, mana istaagayo. Ka dibna wuu sii wadan Dawaafka, isagoo Kacbada ka dhigaya dhiniciisa Bidix, waxaana sunne ah inuu rucleeyo seddexda wareeg ee hore, Rucleyntuna waa: in socodka la dheereeyo, talaabadana la isu dhoweeyo.

Hadduu soo maro Rukunul Yemaaniga -waana rukniga afaraad ee Kacbada- hadday u fududaato wuxuu ku taabanayaa Gacantiisa Midig, mana takbiirsanayo mana dhunkanayo, haddaysan u fududaan inuu taabtana wuu iska dhaafayaa, mana ku ishaarayo mana takbiirsanayo. Wuxuuna oran inta u dhexeysa Ruknul Yemaaniga iyo Xajarul Aswadka:

﴿...رَبَّنَآ ءَاتِنَا فِي ٱلدُّنۡيَا حَسَنَةٗ وَفِي ٱلۡأٓخِرَةِ حَسَنَةٗ وَقِنَا عَذَابَ ٱلنَّارِ﴾

Rabbiyoow Nagu sii wanaag Adduunka , iyo wanaag Aakhiroba, nagana badbaadi Cadaabka Naarta. [Suuradda Albaqarah: 201].

Markuu dhameeyo Dawaafka, wuxuu ku tukan labo Rakcadood Maqaamu Ibraahim gadaashiisa hadday u fududaato, haddii kale wuxuu ku tukan meel kasta oo ka mida Masjidka Xaramka. Waxaana Sunne ah in Rakcadda koowaad lagu akhriyo Fatixada ka dib Suuradda (Alkaafiruun), Rakcadda labaadna wuxuu Fatixada ka dib ku akhrin Suuradda (Alikhlaas). Ka dibna wuxuu aadayaa Meesha Sacyiga, oo wuxuu ku Rucleyn Safa iyo Marwa dhexdooda todoba wareeg; sii socodku waa wareeg, soo noqodkuna waa wareeg.

Sacyiga waxaa laga bilaabayaa Buurta Safa, waana la fuulayaa, amaba agteeda ayaa la istaagi, in Safa la fuulana ayaa ka fadli badan in la sahlado. Wuxuuna akhrin markaas hadalkii Ilaahay yiri:

﴿‌إِنَّ ٱلصَّفَا وَٱلۡمَرۡوَةَ مِن شَعَآئِرِ ٱللَّهِ...﴾

Buurta Safa iyo Buurta Marwa waxay ka mid yihiin Aayadaha Ilaahay dhigay. Suuradda Albaqara: 158

Waxaa Sunne ah inuu u jeesto dhanka Qiblada, oo Ilaahay ku mahadiyo oo ku takbiirsado, wuxuuna oranayaa:

«لَا إِلٰهَ إِلَّا اللَّهُ، وَاللَّهُ أَكْبَرُ، لَا إِلٰهَ إِلَّا اللَّهُ وَحْدَهُ لَا شَرِيكَ لَهُ، لَهُ الْمُلْكُ وَلَهُ الْحَمْدُ، يُحْيِي وَيُمِيتُ، وَهُوَ عَلَى كُلِّ شَيْءٍ قَدِيرٌ، لَا إِلٰهَ إِلَّا اللَّهُ وَحْدَهُ، أَنْجَزَ وَعْدَهُ، وَنَصَرَ عَبْدَهُ، وَهَزَمَ الْأَحْزَابَ وَحْدَهُ».

"Laa Ilaaha ilallaahu, wallaahu akbar, laa Ilaaha illallaahu waxdahu laa shariika lahu, lahul mulku walahul xamdu, yuxyii wa yumiitu, wa huwa calaa kulli shay-in qadiir, laa Ilaaha ilallaahu waxdahu, anjasa wacdahu, wa nasara Cabdahu, wa hasamal Axsaaba waxdahu".

Macnaha: Ma jiro Ilaah xaq lagu caabudo Ilaahay mooyee, Ilaahay ayaa weyn, Ma jiro Ilaah xaq lagu caabudo Ilaahay keligii mooyee, ma laha cid wax la wadaagta, wuxuu leeyahay boqortooyada runta ah iyo amaan iyo mahad idilkeed, isagaa wax nooleeya oo dila, wax walbana wuu karaa, Ma jiro Ilaah xaq lagu caabudo Ilaahay keligii mooyee, wuxuu oofiyey balantiisa, wuxuuna u gargaaray Adoonkiisii, keligina wuxuu jabiyey Axsaabtii60. Ka dibna wuxuu ku ducaysan wixii u fududaada isagoo Gacmihiisa kor u qaadaya, wuxuuna ku celinayaa dikrigan iyo ducadan seddex jeer, Ka dib wuu soo daadegi, isagoo u socda Buurta Marwah, marka uu soo gaaro Calaamada hore ayuu Ninku Rucleyn ilaa uu ka gaaro Calaamada labaad, Haweeneydase looma jideyn inay Ruclayso labada Calaamo dhexdooda, waayo waa Cowro, balse iyada waxaa loo jideeyey inay socoto Sacyiga oo dhan. Ka dibna wuu soconayaa, wuuna fuulayaa Marwa ama agteeda ayuu joogsan, inuu fuulo ayaa u fiican hadday suurto gal u tahay, wuxuuna ku oran oo ku samayn Marwa wixii uu ku yiri ee ku sameeyey Safa oo kale, marka laga reebo akhrinta Aayada, waana:

﴿‌إِنَّ ٱلصَّفَا وَٱلۡمَرۡوَةَ مِن شَعَآئِرِ ٱللَّهِ...﴾

Buurta Safa iyo Buurta Marwa waxay ka mid yihiin Astaamaha Ilaahay dhigay... Taasna waxaa loo jideeyey marka la fuulayo Buurta Safa, wareega koowaad oo keliya. Ka dibna wuu soo dageyaa, wuuna ku socon meeshii inuu ku socdo ay ahayd, wuuna Ruclayn meeshii inuu Rucleeyo ay ahayd, ilaa laga soo gaaro Buurta Safa, Todoba jeer ayuu sidaas samaynayaa, sii socodku waa hal wareeg, soo noqodkuna waa wareeg kale. Waana Sunne in sacyigiisa uu ku badiyo Dikriga iyo Ducada wixii u fududaada, Iyo inuu ka daahir ahaado Xadaska weyn iyo kan yar, hadduuse sacyiyo isagoo aan daahir ahayn way ka ansaxaysaa taasi, Sidaas oo kale haddii haweeneyda Caado ku dhacdo ama ay Ummusho Dawaafka ka dib, way sacyinaysaa, waana ka ansaxayaa; waayo daahirnimadu shardi u ma aha sacyiga, balse waa Sunne.

Markuu Sacyiga dhameeyo, wuu xiirin Madaxiisa ama wuu gaabin, Xiiridaana u fadli badan ninka.

Sidaas ayuu ku dhammaystiray Camalkii Cumrada.

Xajka:

A- Tiirarka Xajka:

1- Ixraamka: waa in la niyeysto gelidda Camalka.

2- Istaagidda Banka Carafah.

3- Dawaafka Ifaadaha.

4- Sacyiga.

B- Waajibaadka Xajka:

1- In laga soo Ixraamto Miqaatka.

2- Istaagidda Carafah Maalinta sagaalaad ee Dil-xijjah ilaa ay Qorraxdu ka dhacdo, Qofkii istaagey Maalinimadii.

3- Musdalifa in lagu hoydo Habeenka tobnaad ee Bisha Dil-Xijjah ilaa iyo Habeen Barkii.

4- Mina in lagu hoydo Habeenada Ayaamaha Tashriiqa.

5- Ganashada Jamraatka.

6- Xiiridda ama Gaabinta Timaha.

7- Dawaafka Widaaca.

J- Sida loo Xajiyo:

Qofka Muslimku markuu soo gaaro Miiqaatka waa inuu talbiyeysto Xajka Mufridka ah, haduu wakhtigu ku yar yahay, markuu tago Makkah wuxuu samaynayaa Dawaaf iyo Sacyi, wuuna ku sii joogi Ixraamkiisa ilaa uu ka aadayo Carafa Maalinta Carafa ee sagaalaadka, halkaasoo uu joogayo ilaa ay Qorraxdu ka dhacdo.

Ka dib wuxuu aadayaa Musdalifa isagoo talbiyeysanaya, wuuna ku hoyan halkaas ilaa uu ka tukado Salaada Subax, wuuna joogi isagoo Ilaahay xusaya, talbiyeysanaya oo ducaysanaya ilaa uu Waagu ka Caddaado.

Markuu Waagu Caddaado wuxuu aadayaa Mina intaan Qorraxdu soo bixin, wuxuuna ku tuurayaa Jamratul Caqaba toddoba Dhagax, ka dibna wuu xiirayaa ama gaabinayaaTimaha xiirashada ayaana fadli badan.

Ka dibna wuxuu Dawaafayaa Dawaafka Ifaadaha, waxaana ku filan Sacyigii hore, sidaasna waxaa ku dhamaystirmay xajkiisii, si buuxda ayuuna u xalaaloobey.

Waxaana ku hadhaya tuurashada Jamraadka Maalinta kow iyo tobnaad iyo laba iyo tobnaad, hadduu yahay mid degdegaya; wuxuuna tuurayaa Jamaraadka seddexda ah, Jamrad kasta wuxuu ku tuurayaa todoba Quruurax, isagoo takbiirsanaya Quruurax kasta, wuxuuna ka bilaabayaa tan yar ee soo xigta Masjidka Kheyf, ka dibna tan dhexe, ka dibna Jamratul Caqaba oo ah tan ugu dambaysa, Jamrad kastana wuxuu ku tuurayaa todoba Quruurux. Hadduu rabo inuu joogo Maalinta labo iyo tobnaad ka dib; wuxuu tuurayaa Maalinta seddex iyo tobnaad sida uu u tuuray Maalintii labo iyo tobnaad iyo tii kow iyo tobnaad.

Waqtiga tuuristu: Waa Sawaalka ka dib Maalmaha seddexda ah.

Hadduuse boxo Maalinta labo iyo tobnaad inta aysan Qorraxdu dhicin dhib ma leh, hadduu dib u dhacana oo uu tuuro Maalinta seddex iyo tobnaad Sawaalka ka dib, taas ayaa fadli badan, waana hadalkii Ilaahay -sareeye- yiri:

﴿‌...فَمَن تَعَجَّلَ فِي يَوۡمَيۡنِ فَلَآ إِثۡمَ عَلَيۡهِ وَمَن تَأَخَّرَ فَلَآ إِثۡمَ عَلَيۡهِۖ لِمَنِ ٱتَّقَىٰ...﴾

...Qofkii degdega si uu u tego labo Maalmood gudahood, denbi ma leh, Qofkii joogayana denbi ma leh, qofkii dhawrsanaya...

Suuradda Albaqarah: 203.

Hadduu rabo inuu safro; wuxuu samaynayaa Dawaafka Widaaca oo todoba wareeg ah, Sacyi la'aan.

Waxaana u fadli badan Qofkii aan wadan Hadyi: inuu Cumro ku tamatuco, ka dibna uu xirto Xajka Maalinta sideedaad, uuna sameeyo acmaasha Xajka. Hadduu wada xirto Xajka iyo Cumrada dhib ma leh, waxaana loo yaqaanaa Qiraan, waana inuu isku mar xirto Cumrada iyo Xajka isagoo ku gudanaya hal Dawaaf iyo hal Sacyi.

Baabka Seddexaad:

Waa Masalooyin la xiriira Mucaamalaadka

Culumadu Allaha u naxariistee waxay caddeeyeen Cilmiga ay barashadiisu Waajib ku tahay Qof walba, Waxayna ka hadleen qaddarka barashadiisu ay waajibka ku tahay Qof walboo Muslim ah. Waxayna ka xuseen: barashada Axkaanta Beeca ee qofka ka shaqeeya ganacsiga, si uusan ugu dhicin xaaraan ama Ribo isagoon ogeyn, Waxaana ka soo arooray qaar ka mida Saxaabada raalli Allah ka noqdee wax arrinkaas xoojinaya.

Cumar Binu Khadaab Allaha ka raalli ahaadee wuxuu yiri: «Suuqeena yuusan wax ku iibin Qof aan Diinta aqoon»61.

Cali Binu Abii Daalib -Allaha ka raalli ahaadee- wuxuu yiri: «Qofkii ka ganacsada ka hor intaanu Cilmiga Baranin; Ribo ayuu ku dhacay, hadana wuu ku dhacay, hadana wuu ku dhacay. Taasoo ah: Ribada ayuu ku dhacay»62.

Ibnu Caabidiin wuxuu yiri isagoo ka soo naqliyey Alcallaami: " Waxaana faral ku ah nin walba oo qaan gaar ah oo bartay cilmiga Diinta iyo hanuunka, inuu barto cilmiga weysada, Qubeyska, Salaadda, iyo Soonka; iyo Cilmiga Sakada iyo Qofkii haysta Nisaab; iyo ciddii Xajku ku waajibey; iyo Beeca oo Ganacsatadu barato, si ay uga digtoonaadaan shubahaadka iyo makruuhaadka ku jira mucaamilaadka oo dhan. Sidoo kale dadka xirfadle ayaasha ah, iyo Qof walba oo ka shaqeeya shey waxa waajib ku ah inuu barto cilmigeeda iyo xugenkeeda si uu uga digtoonaado wixii xaaraana ee ku jira."63.

Wuxuu yiri Alnawawi: " Beeca iyo Guurka iyo wixii la mid ah oo aan asalkoodu waajib ahayn, waa xaaraan in lagu dhaqaaqo ilaa la barto shuruudihiisa"64.

Kuwani waa qaar ka mid ah qaacidooyinka la xiriira mucaamalaadka Maaliga ah, ee ay la timid Shareecada Islaamku:

1- Waxaa bannaan wax kasta oo ay ku jirto maslaxo saafi ah ama mid Raajix ah; sida iibinta waxyaalaha bannaan iyo iibsashadooda, Ijaarada/kirada iyo Shufcada/sharaakada maaliga ah65.

2- Waa sharci wax walba oo lagu damaanad qaadayo xuquuqda dadka laguna ilaalinayo; sida Rahanka iyo Markhaati gelinta.

Inay sharci tahay wax kasta oo maslaxo ugu jirto labada heshiiska galay; sida kala noqoshada heshiiska, ikhtiyaarka, iyo shuruudaha iibka.

4- Waa la reebay in dadka la dulmiyo, iyo in maalkooda lagu cuno si baadil ah, sida Ribada, Boobka, iyo Ixtikaarka.

5- Waa sharci in la iska kaashado wax kasta oo khayr ah; sida Amaahda, Caariyada iyo Ammaanada.

6- Waxa la reebay in maalka lagu cuno shaqo, nafac iyo dadaal la'aan ah; sida khamaarka iyo Ribada.

7- Waa la reebay mucaamalo kasta oo ay ku badan tahay Jahaalada iyo Qararku, sida qofka oo iibiya wax uusan laheyn iyo iibinta wax Majhuul ah.

8- Waxaa la reebay wax kasta oo ay ku jirto xeelad lagu banneysto xaaraanta; sida baycul-ciinada66.

9- Waa la reebay wixii dadka ka mashquulinaya daacada Ilaahay; sida ganacsiga ka dib Aadaanka labaad ee Jumcada.

10- Waxaa la reebay wax kasta oo dhib leh, ama keena colaadda Muslimiinta dhexdeeda ah; sida iibinta waxyaalaha xaaraanta ah, iyo in ninku kudul iibsado iibka walaalkiis.

Marka uu qofka Muslimka ahi garan waayo xukunka masalo ka mida masalooyinka; wuxuu weydiinayaa culimada, umana dhaqaaqo ilaa uu ka ogaado xukunkeeda shareecada. Sida Ilaahay -sarreeye- u yiri:

﴿‌...فَاسْأَلُوا ‌أَهْلَ ‌الذِّكْرِ إِنْ كُنْتُمْ لَا تَعْلَمُونَ﴾

...ee weydiiya Culimada haddaydaan aqoon. [suuradda Alnaxli: 43].

Intaasaa Ilaahay sahlay Urururinteeda, Ilaahay ayaan weydiisanaynaa inuu nasiiyo cilmi naafica iyo camal suubban, Isagaa Deeqsi Sharaf Badane. Naxariis iyo nabadgelyo badan Allaha siiyo Nabigeena Muxammed, iyo Ehelkiisa iyo Asxaabtiisaba.

 

 

***

Tusmada

 

HORDHAC 2

Cutubka Koowaad: 4

Wixii la xiriira Caqiidada 4

Mawduuca Koowaad: Macnaha Islaamka iyo tiirarkiisa: 4

Ahamiyadda Towxiidku leeyahay: 4

Macnaha qiritaanka inuusan jirin Ilaah xaq lagu caabudo Allaah mooyaane: 6

Shuruuda (Laa Ilaaha Ilaa Allah) waa: 7

Macnaha qiritaanka in Maxamed yahay Rasuulkii Ilaahay: 8

Baabka Labaad: Macnaha Iimaanka iyo Tiirarkiisa: 10

1- Rumeynta Ilaahay -sarreeye- waxay ka kooban tahay saddex arrimood: 11

1- Rumeynta Rabinimadiisa: 11

Kan 2aad - Rumeynta Ilaahnimada Ilaahay: 14

Kan 3aad- waa Rumeynta Magacyada iyo Sifaadka: 16

2) Waa rumaynta Malaa'igta: 24

3) Waa Rumeynta Kutubta : 26

4) Waa Rumeynta Rususha Calayhim Salaam: 27

5) Waa Rumeynta Maalinta Aakhiro: 28

A- Rumeynta soo bixinta Aakhiro: 28

B- Rumeynta xisaabta iyo abaal marinta: 29

J- Rumeynta Jannada iyo Naarta: 29

6) Rumeynta Qadarka khayrkiisa iyo sharkiisaba: 30

Baabka Seddexaad: waa Ixsaanka: 32

Baabka Afaraad: waa Faah-faahin kooban oo ku saabsan Usuusha Ahlu Sunna wal -Jamaaca 33

Cutubka Labaad: waa waxa la xiriira Cibaadada. 34

Qaybta kowaad: waa Dahaarada 34

Tan Kowaad: Qaybaha Biyaha: 35

Tan labaad: Najaasada: 35

Tan Seddexaad: waa waxa ka xaaraanta ah qofka Xadaska qaba inuu sameeyo. 38

Tan Afaraad: Aadaabta Xaajo gudashada. 40

Tan shanaad: Axkaanta Istijada iyo istijmaarka ama istijada dhagaxa iwm: 42

Tan Lixaad: Axkaanta weysada: 42

Tan todobaad: Axkaanta masaxidda Khufeynka iyo Sharabaadka: 45

Tan Sideedaad: Axkaanta Booreysiga /tayamumka: 47

Tan Sagaalaad: Axkaanta Xaydka iyo Nifaaska: 50

Baabka Labaad: waa Salaadda: 53

Tan Koowaad: Axkaanta Aadaanka iyo Iqaamada: 53

Tan labaad: Makaanada Salaadda iyo fadligeeda: 56

Tan sedexaad: Shuruudda Salaadda: 59

Tan afraad: Tiirarka Salaadda: 61

Tan shanaad: Waajibaadka Salaadda. 66

Tan lixaad: Sunnooyinka Salaadda: 68

Tan Todobaad: Qaabka Salaadda: 71

Tan Siddeedaad: Waxyaabaha Salaadda karaahada ku ah: 78

Tan Sagaalaad: Waxyaabaha Buriya Salaadda: 78

Tan tobnaad: Sujuuda Sahwiga 79

Tan Kow iyoTobnaad: Waqtiyada Salaada la diiday: 81

Tan laba iyo tobnaad: Salaadda Jamaacadda. 82

Tan seddex iyo tobnaad: Salaadda Cabsida: 85

Qaabka loo tukado Salaadda Cabsida: 86

Tan Afar iyo Tobnaad: Salaadda Jumcada: 87

Tan Shanaad: Sunooyinka Maalinta Jumcaha: 90

Gaarista Jumcada: 91

Tan Shan iyo Tobnaad: Salaadda Dadka Cudurdaarka leh: 91

Tan lix iyo tobnaad: Salaadda Labada Ciidood: 95

Tan Todob iyo Tobnaad: Salaadda Qorrax Madoobaadka: 98

Tan Siddeed iyo tobnaad: Salaadda Roob doonta 100

Tan Sagaal iyo Tobnaad: Axkaanta Janaasada: 102

Baabka seddexaad: Sakada: 106

1- Qeexidda Sakada iyo ahmiyadeeda: 106

2- Shuruudaha ay ku waajibeyso Sakada: 107

3- Xoolaha ay Sakadu ku waajibto: 108

Baabka Afraad: Soonka: 121

Shuruudda uu ku waajibayo Soonka Bisha Ramadaan: 122

Baabka Shanaad: Xajka iyo Cumrada 131

Shuruudda uu ku waajibayo Xajka iyo Cumradu: 132

Meelaha laga soo Xarmado: 134

Ixraamka: 136

Cumrada: 141

Xajka: 146

Baabka Seddexaad: 149

Waa Masalooyin la xiriira Mucaamalaadka 149

 

***

so227v3.0 - 15/03/2026


Axamed wuxuu ku soo saaray Musnadkiisa, tirada: (6072), Tirmidina: tirada (1535) wuxuuna yiri: waa Xaddiis xasan ah.

Bukhaari ayaa ku soo saaray kitaabka Al-adab Al-mufrad tirada (716), Axmedna Al-musnad tirada (19606), Diyaa' Al-maqdisina kitaabka Al-axaadiis Al-mukhtaarah (1/150), Al-baanina wuxuu ku saxay kitaabka Saxiix Al-jaamic Al-saqiir tirada (3731).

Muslim ayaa ku soo saaray tirada (121) iyo axmed oo ku soo saaray tirada (10434).

(Madida): waa biyo khafiif ah oo aan midab lahayn, oo soo baxa marka la is taataabto ama galmada la xasuusto ama la damco ama wax la daawado iyo wixii la mid ah, wuxuuna u soo baxaa si dhibco dhibco ah, waxaana suuragal ah inaan la dareemin soo bixitaankiisa. (Wadida): waa biyo cad oo adag oo kaadida ka daba yimaada, ama marka wax culus la qaado.

Muslim ayaa ku soo saaray tirada: (224).

Maalik ayaa ku soo saaray kitaabkiisa Muwada’ tirada (680 iyo 219), daaramina tirada (312) cabdulrasaaqna kitaabkiisa tirada (1328), Albaanina wuxuu ku saxay kitaabka Irwaa Alqliil (122).

Nasaai ayaa ku soo saaray tirada (12808), Axmedna tirada (15423), Albaani wuxuu ku saxay kitaabkiisa Irwaa Alqaliil (121).

Ibnu Maajah ayaa ku soo saaray tirada (594), Ibnu Xibbaana tirada (799), Albaanina wuxuu ku daciifiyey kitaabka Daciif Sunan Altirmidi tirada (146).

Bukhaari ayaa ku soo saaray tirada (142), iyo Muslimna tirada (122).

Bukhaari ayaa ku soo saaray tirada (7288), Muslimna tirada (6066).

Samaaxatu Sheekh Cabdul-Casiis ibn Baas Allaha u naxariistee wuxuu ku yiri: Majmuuc Fataawadiisa (29/ 141): (Al-beyhaqi wuxuu ku daray sanad fiican oo Jaabir laga wariyey, ka dib hadalkiisii : «kii aad uu ballan qaaday»: «Adigu ma burisid ballante»).

Tirmidi ayaa ku soo saaray, tirada (2635).

Muslim wuxuu ku soo saaray tirada: (82).

Tirmidi ayaa ku soo saaray tirada (265), waxuuna yiri: waa Xaddiis xasan saxeex ah oo qariib ah, Albaani ayaa ku saxay kitaabka Saxiixu tarqiib wa tarhiib.

Bukhaari ayaa ku soo saaray tirada (1117).

Bukhaari ayaa soo saaray tirada (6251), Muslimna tirada (884).

Bukhaari ayaa ku soo saaray tirada (756), Muslimna tirada (872).

bukhaari ayaa soo saaray tirada (793), muslimna tirada (398).

Bukhaari ayaa kusoo saaray tirada (812), Muslimna tirada (490).

Muslim ayaa ku soo saaray tirada (498)}.

bukhari ayaa ku soo saaray tirada (724) Muslimna tirada (398).

Bukhaari ayaa ku soo saaray {797} iyo Muslim {402}.

Tirmidi ayaa ku soo saaray tirada (839).

Bukhaari ayaa ku soo saaray tirada (6008)

Bukhaari ayaa ku soo saaray tirada (1110)

Bukhaari ayaa ku soo saaray tirada: (835).

Bukhari ayaa ku soo saaray tirada (743), Muslimna tirada (399).

Tirmidi ayaa ku soo saaray tirada (266).

Muslim ayaa ku soo saaray tirada: (588).

Abu Daa`uud ayaa ku soo saaray tirada (5168).

Tirmidi ayaa ku soo saaray tirada (284).

Muslim wuxuu ku soo saaray tirada: (1484).

Bukhaari ayaa ku soo saaray tirada (609), Muslimna tirada (602).

Bukhaari ayaa soo saaray tirada (4130) Muslimna tirada (842).

Muslim ayaa ku soo saaray tirada: (865).

Bukhaari ayaa ku soo saaray tirada (934), Muslimna tirada (851).

Bukhaari ayaa ku soo saaray tirada (1081), Muslim muslimna tirada (693).

Bukhaari ayaa ku soo saaray tirada: (1012), Muslim tirada: (894).

Abu Daauud ayaa ku soo saaray tirada (3201), Tirmidina tirada (1024), wuxuuna yiri: waa Xadiis xasan ah oo sax ah.

Muslim ayaa ku saaray tirada: (962).

Bukhaari ayaa ku soo saaray tirada {8}, Muslimna tirada {111}.

Ibnu Maajah wuxuu ku soo saaray tirada (1792), Tirmidina tirada (63) iyo (631).

bukhari ayaa soo saaray tirada (1402), iyo Muslim tirada (2287).

Bukhaari ayaa ku saaray tirada (1432), iyo Muslim tirada (984).

Abu Daauud ayaa ku soo saaray tirada (1609), Ibnu Maajahna tirada (1827), Albaani ayaa ku saxay kitaabkiisa saxiix Abii Daauud (1609).

Bukhaari ayaa ku soo saaray tirada (1), Muslimna tirada (1907).

Bukhaari ayaa ku soo saaray tirada (1810), Muslimna tirada (1086).

Bukhaari ayaa ku soo saaray tirada (1909).

Axmed ayaa ku soo saaray tirada (26457), Abu Daa`uudna tirada (2454), nasaa`ina tirada (2331) oraahdana isagaa leh.

Bukhaari ayaa ku soo saaray tirada (6669) Muslimna tirada (2709).

Abu Daa`uud ayaa ku soo saaray tirada (2380), Atirmidina tirada (719), Ibnu Maajahna tirada (676).

Bukhaari ayaa ku soo saaray tirada(1849), Muslimna tirada (1846).

Muslim wuxuu ku soo saaray tirada: (1134).

Axmed ayaa ku soo saaray tirada (25198), Nasaa`ina tirada (2627), Ibnu Maajahna tirada (2901).

Bukhaari ayaa ku soo saaray tirada (1862), Muslimna tirada (1341).

Bukhaari ayaa ku soo saaray tirada {1531}.

Muslim ayaa ku soo saaray tirada (1211).

Bukhaari ayaa ku soo saaray tirda: (1549).

Muslim ayaa ku soo saaray tirada: (1218).

Tirmidi ayaa ku soo saaray tirada (487), wuxuuna yiri: waa xasan qariib ah. Albaanina wuxuu yiri: waa xasan.

Eeg: Muqni Almuxtaaj (2/22).

ka eeg Xaashiyada Ibnu Caabidiin (1/42).

Ka eeg: Almajmuuc (1/50).

Shufcada: waa xaqa uu shariiggu u leeyahay inuu ka furto saamiga shariigiisa ciddii loo wareejiyey, isagoo bixinaya bedel Maal ah.

Iibka Ciinada: Waa in qofku uu alaab dayn ahaan uga iibiyo qof kale, uuna u dhiibo, ka dibna uu ka sii iibsado inta uusan qaadan lacagtii, isagoo ku iibsanaya qiimo ka yar kii hore oo kaash ah.

Bukhaari ayaa ku soo saaray tirada: (8).